\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

15-12-2012

“Sheekha Ugu Hadalada Cadcad Somaliland Sheekh SiiroMuxuu Kayidhi Arimaha Somaliland Ka Taagan Maanta  

 Sheekh Aadan Siiro 1Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), ayaa muranka iyo khilaafyadda hadheeyey doorashadii deegaanka ee 28-kii bishii hore ee November dalka ka qabsoontey ku eedeeyey inay masuul ka yihiin Komishanka doorashooyinka Qaranka.

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu sheegay in Somaliland jirayso, isla-markaana nabadgalyadeedu sugnaanayso, isaga oo caanantay Komiishanka doorashooyinka oo uu sheegay inay goob joog ka ahaayeen doorashadda oo lagu kala shubanayo, maantana aanay go’aan dadku ku qancaan ka soo saarin natiijada.

Sheekh Aaden oo khudbadii Salaada Jimcaha ee shalay  ku soo qaatay doorashada iyo muranka ka taagan ayaa fariin u diray cidda awooda u leh inay komiishanka ku amarto inay umadda kaa saaraan ee looga baahan yahay in aanay umadda muransiin.

Sheekh Aaden Siiro oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “7-daa nin ee fadhiya (komiishanka) ee soo taagnaa markaa lagu kala shubanayey (doorashada) ee markii waraaqaha la iswaydaarinayey kormeerayey ee taagnaa ee dalka oo dhani aaminay, shalay sidaas ayaanu nidhi, maanta tan ayaanu nidhi ee ilaa maanta go’aan umaddu raacdo aan laga haynin waa ayo cidda u leh inay la hadasho oo ay tidhaahdo waar umadda ha muransiinina oo wixii aynu ku heshiinay oo Caddaalada inuun tilmaamaya la kaalaya”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Sheekh Siiro, waxa uu yidhi “Yaa odhanaya sidaasi, yeyse hawshaasi u taalaa, way garanayaan kuwo aanu la hadlaynaa, la isdili maayo, Somaliland-na way jiraysaa, nabaduna way sugnaanaysaa”.

Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in xukuumadda, Komishanka iyo ururadu isku raaceen in diwaangalin la’aan lagu gallo doorashadda, sidaa daraadeed aanay ahayn in maanta murankooda la kala raaco oo dadku isku dilaan “Kuwii waxaasi go’aamiyey (Komiishanka) ee axsaabtu ku raacday ee xukuumaddu ku raacday ee kuwaa murmayaa ay ku wada raaceen inaynu maanta kala raacno oo aynu inagu isku dilno oo aynu nabadgalyadeena waxyeelno waa wax aan meesha qabban”.

 

Sheekh Siiro, waxa uu sheegay in nabadgalyadu ku xidhan tahay shacabka “Nabadgalyadu toddobadaa nin kuma xidhna, xukuumadda maanta joogta kuma xidhna, golayaasha (baarlamaanka) kuma xidhna, nabadgalyada inaga (shacabka) ayaa gacanta ku hayna”ayuu yidhi waxaanu fariin u diray Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa “Dalku in la badbaadiyo ayuu u baahan yahay ee in la muransiiyo uma baahna, komiishankuna shaqadiisii wuu leexiyey ilaa haddana go’aan cad oo la taaban karo oo umaddu isku deba taagto oo ay ku adkaystaan lagama hayo, khilaafkiina waxaad moodaa in sii kordhayo, xukuumadda, siiba Madaxwaynaha waxaanu leenahay go’aan umaddu ku qanacdo ayaa la idiinka fadhiyaa oo dadka raali galiya oo dalka badbaadiya”.

 

                                Quljeednet.com 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use