Hooyada Asuubta Fanka SomaliyeedHibo Nuura

 

Help Awdal To Decide Its Future and Vote For It

 

 

 Petition to Stop Bloodshed SSCSo

Quljeednet Brings to you the message you need to hear>>>>>>>>>>>

 

11-05-2010

Press Release: Families of the Victims of 7/11 have spoken loud and clear.

Rays Hotel 

 

 

 

Home   Contact Us   About US            

 

22-01-2011

Faallo: Xisbiyada Macaaridka Ee Fadhiidoobay Kaalintoodii Ayay Madax Dhaqameedka  Somaliland La Rafanayaan

 Aan Ku Bilaabe Boqor Raabi oo Shalay lagu xidhay  magaalada hargeysa ayaa kamida madaxdhaqameedka ama wadanigii  dambeeyay ee lagu xidhay isaga oo isku dayaya in uu  iska xidho  daaqad siyaasadeed ay kusoo baaneeyeen xisbiyada macaaridka Soomaliland  ee fadhiidoobay laakiin nasiib daro Isagii  bay Boqor Raabi ku xidhantay daaqadaas naxaasta Iyo masaabiirtu siyaasadeed hoosyalaani  Ilaahay uunbaana ka firi kara.

Hdaba wadamada dimiqoraadiyada ku dhaqma ama qaata nidaamkaasi waxa u caada ah in ay jiraan xisbiyo dawlada wixii ay ku qaldantahay had iyo jeer la daba taagan kulana gorgortama maamulida dalka taasina waxay keentaa horumar dhinaca maamulka ah iyo xoriyad kunoolaasho  xalaala.  Taasi oo iyadna ay ku xidhantahay horumarinta dhaqan dhaqaale ee dalkasta oo nidaamkaa dimiqoraadiga qaata.

Waxa kale oo ay mucaaridada Dimiqoraadiyadaysani  muslaxad u tahay kala badbaadinta isku dhaca shacabka iyo dawlada. Oo hadii aanu jirin mucaarid taya leh amaba marka mucaaradka la cabudhiyo badanaaba waxa dhacda kacdoon lagaga soo horjeedo nidaamka dawliga ah ee markaa dalkaa kajira

Hadaba Somaliland oo ah tan inaga ina qusaysa ee aan faalada koban ugu tala galay waxa  la odhan karaa intii ka horaysay maamulka haatan jooga  ee madaxweyne Siilaanyo  waxa kajirtay somaliland Dimiqoraadiyad heerkeedu ka sareeyo ta dawladaha afrikaanka  iyo eeshiyaanka ah amaba  kuwa dunida sadexaad loogu yeedhon oo dhan.

Taas macnaheeduna maaha in ay qasab tahay in lagu macneeyo in dawladii hore ee madaxweyne Rayaale hogaaminayay ay tan maanta  joogta ka nidaam wanaagsanayd.  Balse iyada oo ay taasi lafteedu run noqonkarto hadana  waxa muuqata in wakhtiigaa mucaaridkii markaa jiray ha u badnaato xisbiga talada haatan haya  ee Kulmiyee uu ahaa mid aad  ugu dhiiranaa shaqada macaarid nimada kana soo bixi jiray kalintii iyo waajibaadkii qaranka kaga soo hagaagay.

Waxanay markasta hamuum u qabeen in ay dhaliilaha dawlada dadka u bayaamiyaan waxayna ahaayeen macaarid afdheer aaminsana kaalintooda macaarid nimo kalsooni badana umuujin jiray shacabka.

Hadaba intii ka dambaysay doorashadii Somaliland ee uu ku guulaystay xisbiga kulmiye waxay umuuqataa in dimiqoraadiyadii Somaliland baalashii ka qoyeen oo ay duuli kari laadahay balse ay madaxa uun dhaqdhaqaajinayo taasina ay sobobi karto in ay maalin dhaw madaxa gidaar kujiidlo halkaana ay ku burburto.

Waxana taa ugu wacan habac nimo iyo baaba lasoo darsay labadii xisbi ee macaaradka ahaa oo noqday wax ay dawladu ka dugsato macaaridada shacabka. Waxayna noqdeen xisbiyo magac uyaala isla markaana aan ka duwenayn shirkad ama xerihii suufiyada ee siyaarada urursan jiray  ee la bixi jiray xertii (sheekh Fulaan Iyo Sheexkh  Fulaan)

Tanina waa ta maanata keentay in mid kamida madaxdhaqameedyada Somaliland oo anay cidba soo dooran cidna siyaasad udirsanini  uu ka qaylyo  xaaladaha jira iisaga oo adeegsanaya TITLE ama ciwaan aanay xuquuqdiisu ku xusnayn dastuurka dalka u yaala. Taasina waxa uu ku dhqaaqay markuu xaaladihii dalka  u adkaysan waayay,

Madax dhaqameedkaa aan soo qaadanay oo lagu magacaabo Boqor raabi waa nin wadaniya kolay xeer dhaqameedkana ku fiican matalana beel kamida beelaha Somaliland laakiin maaha nin loogu talagalay in uu dawlada ula dhaqmo sidii xisbi mucaarida wana loogu tala galay uun in uu tirtirsiiyo beehiisa oo aanay siyaasadiisu dhaafin beeshaa  uu madaxa dhaqameedka u yahay . Laakiin waxa hubaala inuu waayay wax ka furta isla markaana daaqad ay soo baneeyeen xisbiyada mucaaridka ah ee fadhiidoobay  taas oo ay boqor Raabi ugasoo gashay dhaxan iyo foore qabow oo kaliftay in uu isku dayo bal in uu iska xidho. Laakiin nasiib daro isagii ayay daaqadii ku xidhantay ilaahi kafuruuna leeyahay daqadaas naxaasta iyo masaabiirta badani hoos yalaan

Quljeednet.com  

 


 

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  • waabaa baryay

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

  • Utartamayaasha

    Siyaasada Somaliland

     Ee Ka soojeeda

    Awdal

     

      Links 

    Somali Ecological Society

    .Sallaxleynews.com

    .Toga Herer

    .Dalkasomaliland

    .Longlivesomaliland.com

    .Somalilandnation.com

    .BBCSomali.com

    .Ijaraonline

    .Allaybaday.com

    .Boramanews.com

    .Somalilandembassy.com

    .TvsomalilandEurope.net

    .Haatuf.net

    .Jamhuuriya.info

    .Radiosomaliland.com

    .Maandeeqnews.net

    .Halganews.com

    .Somalilandfuture.com

    .Somlywood.net

    .Togdheernews.com

    .Somalilandpatriots.com

    .Hargeysanews.net

    .Somalilandcenter.com

    .Hiiraan.com

    .QaranNews.com

    .Somaliweyn.com

    .Radiohargeysa.net

    .Haerdo.org

    .Hargeysa.org

    .Hadhwanaagnews.com

    .Somaliland.org

                  

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use

    Welcome To Quljeednet.com  Awdal