Welcome To Quljeednet.com  Awdal                                                                                                                                                                                                   

 

Hooyada Asuubta Fanka Somaliyeed Hibo Nuura

 

Help Awdal To Decide Its Future and Vote For It

 

 

 Petition to Stop Bloodshed SSCSo

Quljeednet Brings to you the message you need to hear>>>>>>>>>>>

 

11-05-2010

Press Release: Families of the Victims of 7/11 have spoken loud and clear.

Rays Hotel 

 

 

 

Home   Contact Us   About US            

 

034-09-2010

Caloosheena Iyo Xadiithkii Saddex Meelood:By Essa Mohamoud Aadam

llaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah
 
 Xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn, kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii sala Allaahu calayhi wasalam. Intaas ka dib:
 
Soomkuna waa gaashaan
 
Waxa jira arima badan oo cilmi ah oo Allaah tacaalaa si kooban inoogu sheegay kitaabkiisa kariimka ah ama rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam inoogu sheegay sunnihiisa, laakiin se aad moodo in aan waqtiyadii hore loo fahmin si cilmi ahaan ah, in kasta oo ay waajib ku tahay muslimka mu’minka ah in uu wax kasta oo ka sugnaada Allaah tacaalaa iyo rasuulkiisa sala Allaahu calayhi wasalam, uu ku
 
Qaabilo waan maqalnay waana adeecnay, oo mu’minku waa in uu maqlaa adeecaana amarada Allaah iyo rasuulkiisa calayhi salaatu wasalaam, hadaba waxaan jeclaystay in qoraalkan ku soo qaado laba xadiith oo muhiim inoogu ah xaga caafimaadka, waana xadiithyo laga soo weriyay rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam, oo uu kaga hadlayo taloyin ku saabsan caafimaadka guud ee binu Aadamka, kan horena waana
 
 Sidan: {waxa laga soo weriyay abii Hurayra Allaah tacaalaa ha ka raali noqdee in uu yidhi: wuxuu yidhi rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam: sooma waad caafimaadaysaan ee}, waxay yidhaahdeen culimada caafimaadka ku xeel dheeri: is daawaynta hada waxa bilaabmay asluub cusub oo ka mid ah asluubaha casriga ah,
 
Waana asluubta isku daawaynta soomka, caloosha iyo dheef shidku waxay sanadkii oo dhan tacab kala kulmaan badnaanta cuntooyinka uu cunaayo qofku, waxayna u baahan yihiin fasax gaaban oo nasasha ah, soomkuna wuxuu xoojiyaa iraadada, wuxuuna kordhiyaa go’aan qaadashada, wuxuuna ku baraa sabirka, wuxuuna kaa caawiyaa saafinimada dihniga,iyo xamaasada fikirka iyo fahamka aaraa’da muhiimka
 
Ah , sidaas darteed ayuu ku yidhi adoonkii Allaah ee wanaagsanaa ee Luqmaan inankiisii: {inankaygiiyow hadaad caloosha buuxiso, fikirku waa seexdaa, xikmaduna way aamustaa, xubnuhuna waxay ka fadhiistaan cibaadada}, soomka waxa laga bartaa nidaamka iyo anshaxa, waayo wuxuu ku khasbaa soomanaha inuu wax cuno oo cabo waqti go’an iyo mudo cayiman, dhab ahaantiina soomku wuxuu
 
Cusboonaysiiyaa nolosha qofka iyada oo uu cosboonaysiiyo unugyada jidhka, wuxuna nasiyaa caloosha iyo dheef shiidka, wuxuuna ilaaliyaa jidhka, wuxuuna ka saaraa hadhaagii ku dheg dheganaa iyo cuntada aan shiidmin iyo qudhunka iyo huurka ay cuntadu kaga tagtay. Soomku waa hub si qarsoon u shaqeeya sida aan ka ogaanayno xadiithkan kale oo laga soo weriyay rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam in uu yidhi: {soomkuna waa gaashaan (waxaa weriyay Muslim) },
 
 Gaashaankuna waa wixii uu qofku isaga dhigo oo kaga gabado khatar ama cadaw, markaa waxay su’aashu noqonaysaa, waa maxay ama waa kuwama ama wa ayo cadawga ama khatarta ay soomku inagu kala dhex jirto oo aan kaga gabanaynaa? Waxay yidhaahdeen culimadu in waxa khatarta ugu wayn ku haya nolosha unugyada ( cells) jidhka uu yahay sumaha (toxins) ku biiraaya unugyada gudahooda, taas oo
 
 Caqabad ku ah shaqadooda yaraynaysana fir fircoonidooda, sumahaasu waqti aad u dheer ayay ku negaadaan jidhka, suura galna maaha ka saaristoodu, inta badana waxay noqdaan kuwa ka masuulka ah gabowga deg dega ah ee qofka. Mid kasta oo inaga mid ahi wuxuu maalin kasta qaataa in ka badan 500 cm saddex jibaaran oo ah sumahaas, taas oo aynu ku qaadano hawada wasakhaysan (polluted), cuntada
 
Wasakhaysan, biyaha wasakhaysan, bal xataa tilifoonada aan gacanta ku sidanaa waxay saamayn ku leeyihiin tirada sumaha jidhkeena ku jira! Jidhkuna awood wayn buu u leeyahay in uu nuugo sumahas,sidoo kale wuxuu awood u leeyahay in uu daawayo, laakiin se markay kor u dhaafaan tirada sumaha jidhkeena ku jiraa xad go’an, wuxuu noqonayaa jidhku mid ku sugan xaalad bukaan ah. In kasta oo
 
 Dedaalo iyo badhitaano badan oo looga gol lahaa sidii sumahaa loo saari lahaa laysku deyay, hadana ma ay helin culimadu wasiilad ka wanaagsan in soomku taas qabto. Hadaba sumaha isku biirsaday  jidhku waxay si joogta uga shaqayaan dumista jidhka, soomkuna wuxuu u shaqayaa sidii hub qarsoon oo la dagaalamaaya sumahaas oo baabi’inaaya iyada oo aanu wax saamayn ah ku yeelan jidhka intiisa kale ee hadhay. Soomku wuxuu ku leeyahay jidhka saamayno aad u layaab badan,
 
Waxa uu ka shaqayaa dayac tirka unugyada jidhka, waxana weeye soomku wasiilada ugu wanaagsan ee lagu tirtiri karo xanuuna badan oo kala duwan, viruses iyo bacteria. Maaha hadalkanu mid la buun buunshay, bal se aqristow waxa laga yaabaa inaad aad ula yaabto markaad ogaato in dowladaha reer galbeedka ay jiraan xarumo ku takhasusay wax ku daawaynta soomka oo keli ah, waxadna ka helaysaa xarumahaa
 
Xaalada badan oo ay adkaatay in lagu daawayo is daawaynta casriga ah, laakiin se markii uun ay samayeen soomka ku bogsaday waqti kooban. Waxana leeyahay mar kale alxmdulilaah Allaah wuxuu inooga hawl yarayay tacabka furista xarumaha noocaas ah iyo ku qancinta dadka is daawaynta caynkaas ah, iyada oo uu Allaah tacaalaa inooga dhigay farad aan isaga ugu dhowaano, ajarkeeduna uu yahay mid aad
 
U wayn iyo xataa in Allaah tacaalaa ku khaas yeelay albaab janada ah, in aanay cid kale ka gelayn oo aan ahayn soomanayaasha, hadaba faa’iidooyinka ugu waawayn ee uu inoo leeyahay soomku caafimaad ahaan waa: in uu fir fircooni geliyo nidaamk jidhka daafaca, waxaynuna ognahay in nidaamka difaaca jidhku uu yahay askartii jidhka ka ilaalinaysay ee weeraraysay  viruses ka iyo bacteria da wax yeelada leh,
 
Waxayna ka difaacaan jidhka, jidhka kasta oo qariib ah oo doonaaya in uu galo jidhka, sidaas darteed soomku wuxuu xoojiyaa askartaa, wuxuuna kordhiyaa fir fircoonaatooda iyo tayadooda, tan kale wuxuu u shaqayaa sidii hub xoogan oo ku caawinayaa jidhku inuu naftiisa difaaco. Xanuunka buurida ama miisaan waynaantu waa xanuunka casriga, waxa jira boqolaal malyuun oo dad ah oo miisaankoodu
 
Gaadhay heerkii ugu xumaa, kuwaasuna daa’iman waxay halis u yihiin xanuuna kala duwan, sidaas darteed ayay miisaan waynaantu tahay cadaw duminaaya jidhka qofka isaga oo aan dareemin, soomkuna wuxuu weeraraa cadawgaas wuxuuna daawayaa arinta miisaanka dheeraadka ah, waxa uu u shaqayaa sidii hub aan la arkayn oo u fulinaaya muhiimadihiisa si toos ah. Xanuunada nafsiga ah iyana waxay ka mid
 
 Yihiin kuwa ugu fidista badan casrigan cusub, xanuunadaa nafsiga ahi waxay ka shaqayaan dumista dhismaha nafsada jidhka, waxana lagu cadayay cilmi baadhitaano in soomku ka shaqayo yaraynta xanuunada nafsiga ah, wuxuu sidaa awgeed ka shaqayaa daminta xarumaha fir fircoonida dhee raadka ah ee maskaxda, sidaas darteedna soomku waa hubka ugu fiican ee lagula dagaalami karo xanuunada nafsiga
 
 Ah noocyadooda kala duwan. Aqristow ma isku dayday inaad garashadaada horumarisid oo aad soo baxdid mid ka sii curin badan sidaad hada tahay? Haa waa soomka! Waa dariiqada ugu wanaagsan ee fir fircooni gelisa unugyada maskaxda, ee dib u habaysa kordhisana awoodeeda shaqo iyo curineed. Sidaas oo kale hadii aynu sii daba galo xanuunada faraha badan ee uu daawayo soomku way sii kordhayaan
 
Maalinba maalinta ka dambaysa, maalin walbana waxaa lagu ogaanayaa cilmiga cusub ee caafimaadka faa’iido cusub oo uu leeyahay soomku, hadii aad tira koob ku samaysid xanuunada uu daawayo soomku waxaad helaysaa in dhamaan xanuunadaas qiyaastii in uu soomku uga shaqayo sidii hub tayo badan leh daawayntooda, la dagaalankooda iyo tirtiristoodaba, waa hub la dagaalama gabowga degdega ah, waa
 
Hub la dagaalama xanuunada kalagoysyada iyo xanuunada dhiig karka iwm, halkan marka waxan odhan karnaa inaga oo sii balaadhinayna fahamkeena xadiithkan shariifka ah { soomkuna waa gaashaan }, in uu soomku yahay ilaaliye, xijaab iyo hub inaga celinaaya sharka xanuunada dunida iyo inaga celinaaya kulaylka Jahanama maalinta qiyaamaha. Markaa walaalkayga mu’minka ahow walaashayda
 
Mu’iminada ahay, waxaan idin leeyahay aniga oo kalsooni oo dhan ku qaba, hadii mid kiin uu hayo xanuun daba dheeraaday waxa la gudboon soom uu ku cel celiyo, isaga oo badinaaya cunista xabado timir ah afurada, timirta waxaynu kaga hadalnay qoraal hore faa’iidooyinkeeda iyo wax tarkeedaba, iyo inaad badiso aqrinta quraanka kariimka ah iyo dhegaysigiisaba, taas ayaa waxay noqonaysaa is daawayn aad ugu haboon xanuunkuu doono ha noqdee.
 
Caloosheena iyo xadiithkii saddex meeloodka
 
Xadiithka labaadna oo ah kaynu cinwaanka uga dhignay qoraalkan, isna wuxuu ka mid yahay xadhiithyada ka hadlaaya caafimaadkeena waana sidan: {almaqdaad bin mucid ayaa ka soo weriyay Nebigii sala Allaahu calayhi wasalam in
 
Uu yidhi: ma buuxiyo ibnu Aadamku weel ka shar badan calooshiisa, waxa ku filan ibnu Aadamka luqmado gaajada ka bi’iya oo aan xoogiisa hoos u ridayn, haday se tahay laabud in uu halkaas dhaafsho, ha ka dhigo saddex meelood oo meel cuntadiisa, saddex meelood oo meelna cabistiisa, saddex meelood oo meelna neefsashadiisa – waxaa weriyay atermidi.}, xadiithkan wuxuu inoo sheegay Nebigu
 
Sala Allaahu calayhi wasalam in ay qofka ku filan tahay luqmado gaajada ka bi’iya ilaaliyana inaan xoogiisu hoos u dhicin oo daciifin, hadii se uu taas dhaafinaayo marka ha cuno in ah saddex meelood oo meel calooshiisa, taas ayaa u waxtar badan jidhka iyo wadnaha, waayo caloosha hadii cunto laga buuxiyo waxay cidhiidhi ka gelaysaa cabitaankii, hadiina lagu shubo cabitaankii waxa isna cidhiidhi sii gelaaya
 
 Neefsashadii taasna waxay qofka u horseedi tacab iyo dhibaato oo dhan, cunista qader wayn oo cunta ah kana badan inta ay qaadi karto calooshu, waxay keenaysaa waxa loo yaqaano dhereg dhaafka ama dibiro, taas oo iyana keenaysa dhib ku timaada dheefshiidka, gaasas fara badan iyo beerka oo xidhma, dhereg dhaafka aadka u waynina wuxuu keenaa caloosha oo aad u balaadhata, taas oo sababaysa
 
Cadaadin xoog leh oo ay ku keenayso wadnaha, markaas ayaa waxaa bilaabmaysa dhib xaga neefsashada ah iyo nadaam daro ku timaada garaacista wadnaha, xaalada qofkuna way xumaanaysa, waxayna ku dhamaan kartaa geeri. Waxana ku timi baadhitaano caafimaad oo ay cadayeen in bukaanka wadnuhu ay kari karaan in ay noolaadaan waqti dheer iyaga oo aan dhib badan oo khatar ah la kulmin, hadii ay
 
 Isu miisaamaan cunistooda iyo cabistood. Hadaba halkan waxa mudan in aan is waydiino su’aasha ah, xadidaadan saddex meeloodka ah ee uu sameeyay Rasuulku calayhi salaatu wasalaam ma arin iska madhan baa oo aanay waxba ka jirin? Jawaabtu waa maya maya xaashaa lilaah, waxa lagu ogaaday cilmiga cusub ee caafimaadka in muga calooshu yahay 1500ml ama liter iyo badh, marka caloosha loo qaybiyo saddex
 
Meeloodna ay qayb walba mugeedu noqonaayo 500ml ama liter badhkii, waxaynuna ognahay in muga hawada gelaysa labada sambabna ay tahay 500ml ama saddex meelood oo meel caloosha. Marka xadidaada ah in caloosha saddex meelood laga dhigo cunto saddex meeloodna cabista, ayaa ah mid aad ugu haboon caloosha, waayo qadarkaasu waa derejada ugu saraysa ee dherega, sidaas darteed ku takri falista
 
 Cunista cuntada waxay keenaysaa ku xad gudub qaybtii neefsashada ee caloosha, taas oo ugu dambaynta dhalinaysa diiqad xaga neefsashada ah. Hadaba waxaan qoraalkan ku soo geba gebaynayaa su’aasha ah, yaa u sheegay Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam arimahan aan ku soo xusnay qoraalka iyo kuwa aad uga badanba oo aanan ku soo xusin qoraalkan, iyada oo aanay waqtigiisii jirin qalabyadan
 
Qiyaasaha ee saxda ah, ee aynu maanta isticmaalo?!!! Waa Allaaha kitaabkiisa kariimka ah ku yidhi: { {waxan uu idiin sheegaayona isagama uu odhan siday hawadiisu rabto, ee wax kale maahee waa waxyi looga soo waxyooday xaga Allaah}, waxaan idinku boorinayaa ugu dambayn in aan raacno sunnihii Rasuulka sala Allaah calayhi wasalam si aynu ugu nicmaysano
 
Caafimaad iyo saxa wanaagsan aduunka, aakhirona janooyinka Allaah tacaalaa. Iyada oo aynu wadacayno bishii ramadaan ee barakaysan, waxaan Allaah tacaalaa u waydiinayaa naftayda iyo tiinaba cafis iyo caafimaad labada daaroodba, iyo inuu wadankeenii nabad iyo xasilooni ku soo dabaalo, oo uu inaga kor qaado dhibtan dabada dheeraatay ee inagu habsatay, inana aynu la nimaadno toobad iyo Allaah u noqosho.
 
Wabillaahi atowfiiq
Essa Mohamoud Aadam
Almutawaadic@yahoo.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Utartamayaasha

Siyaasada Somaliland

 Ee Ka soojeeda

Awdal

 

  Links 

Somali Ecological Society

.Sallaxleynews.com

.Toga Herer

.Dalkasomaliland

.Longlivesomaliland.com

.Somalilandnation.com

.BBCSomali.com

.Ijaraonline

.Allaybaday.com

.Boramanews.com

.Somalilandembassy.com

.TvsomalilandEurope.net

.Haatuf.net

.Jamhuuriya.info

.Radiosomaliland.com

.Maandeeqnews.net

.Halganews.com

.Somalilandfuture.com

.Somlywood.net

.Togdheernews.com

.Somalilandpatriots.com

.Hargeysanews.net

.Somalilandcenter.com

.Hiiraan.com

.QaranNews.com

.Somaliweyn.com

.Radiohargeysa.net

.Haerdo.org

.Hargeysa.org

.Hadhwanaagnews.com

.Somaliland.org

              

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use