Waxa hubaala in uu badhasaabka oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay masuuliyadani uu haatan udhaqmayo sidii dibjir awood helay isaga oo waliba u haysta in uu ku waarayo masuuliyada lasaaray kaliya hadii uu beelaha reer Awdal cadaadiyo. Iyo isaga oo waliba jagadan kaga faa’iidaysanaya aargoosi uu u hayo dadkii ay siyaasada ku kala duwanayeen wakhtiyadii uu macaaridka ahaa.
Waxana dhici karta Badhasaabka cusub hadii aan farta loogu fiiqin xurmada masuuliyada saran tababar fiicana loo fidin in uu ku hafan doono habdhaqanka dawladeed ee loo igmaday.
Waxana banaan in ninkan la weydiiyo goorma ayay sharciga Somaliland dembi ka noqotay in shakhsi uu u hadlo beel uu kasoo jeedo iyada oo aan wada ognahay in maalin kastaba xarunta dalka ee Hargeysa ay dhalinyar iyo waxgaradba ka soo saaraan baaqyo ay ku taageerayaan beelahooda?.
Goormayse labada xildhibaan ee kaliya ee kasoo jeeda gobolka Awdal ka duwanaadeen tobaneeyaha xildhibaan ee reer Hargeysaad ee Hargeysa sida nabad galyada leh ugu nool?.
Miyaanuse ahayn badhasaabku ninkii shalay ku baanayay in aan dib loo maqli doonin shaqsi u xidhan maamulka gobolka. Cadaaladii uu ku faanayayse halkay kaga luntay?
Ilayn dadkan uu xidhxidhay dhagar ma geysan maxkamadina dambi kuma soo oogine.
Hadaba waxan baaq aan barya lahayn u gudbinyaa anoo u hadlaya bulshada reer Awdal inta ila fikirka ah ninka siyaasada gobolka ku haftay ee badhasaabka lagu tilmaamayo oo aan horay si bilaa hagarasho ah baaq ugu dirnay kaas oo aan ku taageeraynay hadase udhaqmaya sidii dibjir dariiq fadhiya. Waxanan Leehay ninkan badhasaabnimadii ku gafay Kursiga Ku Waari mayside yaanay wadhi kaa hadhin ogowna masuuliyiinta aad maanta xidhay in ay beri kamaalin kursiga kaa dhaxli doonaan.
Waxanan odayaasha iyo inta sharafta leh ee xidhaha u ah ninkani kula talinayaa in ay dadka ka qabtaan ninkan fudaydku madaxmaray.
Gabagabadii waxan cod dheer iyo cod gaabanba ugu gudbinaynaa aniga iyo inta ila fikirka ahiba baaq aan barya lahayn in Maxamed Daahir Cabdale uu faraha kala baxo waxyaalaha faxshiga ah ee uu ku dhexjiro isla markaana uu sida ugu dhakhsaha badan xoriyadoodii ugu soo celiyo nimanka sharafta gobolka huwan ee uu ula dhaqmay sidii caruur dhagax tuur lagu soo qaqabtay.
Waxanan madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka cadaalada iyo ka arimaha dibadaba uga digaynaa in ay ku eegaan ninkan tawakhsan shacbiga dahabka ah ee reer Awdal. Hana ogaadaan in aanu ninkani ku korin gobolka Awdal balse uu ku koray gobolka afgooye ee koonfurta Somaliya . isla markaana aanu garanayn dhaqanka umada soomaliland guud ahaan leeyihiin iyo kan gaarka u aha gobolka Awdalba
Cabdale Farax Sigad
Sigad12345@yahoo.co.uk