Wasiirka Wasaaradda warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa ugu baaqay xukuumadda inay wada hadal la yeelato dadka gobollada Sool iyo Buuhoodle oo uu tilmaamay in la khalday.
Waxa kale oo uu Wasiirka warfaafintu soo jeediyay in shirka London ka hor wax badan la saxo oo la kala qaado labada ciidan ee isku hor fadhiya Jiidda Buuhoodle, waxaanu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay xafiiskiisa ku siiyay Wargeyska Dawan.
“Runtii mowqifkayagu wuxuu yahay inaanu shacbiga dhegaysano oo waxay doonayaan aanu helo, Goleyaasha dastuuriga ah iyo asxaabtaba fikir la weydiiyo ka dibna madaxweynaha loo soo ururiyo aaraada dadweynaha. Dalka dantiisa ayaa ka horaysa wax walba markaa haddii aynu u aragno inay danteenu ku jirto waa la tagayaa, haddiise loo arko inaanay dani inoogu jirin la tagi maayo,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.
Md. Xaabsade oo la weydiiyay xaaladda deegaannada Buuhoodle ee khamiistii la soo dhaafay dagaalku ka dhacay, waxa uu yidhi “Arrimahaasi aad iyo aad ayay u qasan yihiin waa la ogyahay oo dagaalo ayaa dhacay, dadkaasi mooraal ahaan way is raaceen, anagu waxaanu qabnaa in wax laga qaban karo oo dawladu haddii ay aad iskugu taxaluujiso la soo celin karayo dadka. Dadkuna meel fog ma jiro waa la khalday oo nin baa khalday. Arrintaasi meel fog may maraynin illaa dagaalkii dambe dhacay hadeerna waxaanu leenahay dib ha la iskugu noqdo halala hadlo dadka oo hala soo ceshado awoodii iyo wixii aynu dalka ku lahayn.”
Wasiirka oo ka jawaabayay hanjaabado ka soo yeedhay Puntland, waxa uu yidhi, “Anigu ma arko Talaabo hadeer la qaadayo oo aan ahayn in dadka lala heshiiyo oo waxa ugu habooni waa in dadka lala hadlo, Puntland waa dawlad haddii ay nala colaatanto waanu la colaatamaynaa, haddii ay nala dagaalantana waanu la dagaalamaynaa.Anagu (Somaliland) markasta xumaan diyaar uma nihin.”