\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

18-12-2012

Way Dhicisoowday Doorashadiiye, Dalka Maxaa Lagu Badbaadin Karayaa? Qallinkii Cabdiqani Cateeye

Waxyaabaha qaladaadka ah, ee iska sii muuqday tan iyo intii xukummadda Somaliland lagula taliyay ama lagu qasbay inay furto ururo cusub oo siyaasadeed isla mar ahaantaana ay ku dhawaaqday. Waxa ka mid ahaa in ururo qabiil iyo qooys ay soo bixi doonaan,taasina ay keeni doonto in tartanku isu rogi doono mid u dhaxeeya beelo, halkii laga rabay inuu ka noqon lahaa mid u dhaxeeya xusbiyo. Waxa kale oo ka mid ahaa qaladaadka lasii arkayay, qaabka loo galayo doorashadaas,hannaanka loo maamuli doono, itaalka iyo awoodda komishanka, iyo heerka ay shicibku taagan yihiin, oo intuba an isla haysan, loona baahnaa feejignaan, farsamo, iyo fiiro aad u qoto dheer.

Hadaba doorashadii dalka ka dhacday maanta, run tahaantii qofnaa dammiirkiisu ma siin karo muxaafid iyo mucaaradba inuu yidhaahdo doorashadaasi waa lagu guulaystay, maxaa yeelay dhiigbaa ku daatay, muqus-musuq badan ayaa kasoo baxay, dadkii somaliland ayaa kukala irdhoobay oo qaarkood u qayshadeen dalal shisheeye. Haddii ay sidaasi wax u dhaceen, waxa muhiim in waxkastaba laga soo tago wakhtigan xaadirka ah, oo an lagu murmin qaladka yaa iska leh?, iyo qofkee saxan toona?. Xaqiiqatan, qasaaraha waa lawada qabaa, qofna kama barri ah, shicib iyo dawladba.
 
Wax Sidaa daraadeed waajib qaran ah in loo guntado sidii dalkan yar ee curdinka ahi u badbaadi lahaa. Taasi oo looga baahan yahay in qof kasta oo qadarinaya qarankan Somaliland uu keeno talooyin ka baxsan caaddifad, cadho, cid jeclaysi, iyo cid necbaysi toona.
 
Haddii wax layga weydiin lahaa, talooyinka an anigu ku biirsan lahaa badbaadada qaranka Somaliland,  waxa ka mid ahaan lahaa:
 
 1. In cashar laga barto qaladkii horey u dhacay, oo qaladaad danbe oo la mid ahi aanay dhicin.
In xildhibaanada golaha degaanada cusub ee lasoo doortay loo aqoonsado kuwo ku meel gaadh, natiijadana sidaas lagu wada ansaxiyo, maxkamada sarana ku dhawaaqdo gole degaan oo ku meel gaadh ah.
 
 2. In muddo saddex sanadood gudahooda lagu soo qabto doorashada rasmiga ah ee Golaha degaanka haddii ay saamaxaan duruufaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee wakhtigaasi .
3. In dhammaan komishanka la kala diro, kuwo cusubna lasoo doorto.
4. In doorashooyinka danbe lagu galo diwaan galin, imikana laga sii bilaabo sidii loo dhammays tiri lahaa diwaan galin sugan, oo sax ah.
 
5.In ururada ku hadhay golaha degaanka wakhtigani, loo ogolaado inay isugu tagaan hal urur, kaasi oo doorashada danbe laga yaabo inuu soo baxo, halkaasna ku reebo mid ka mid ah saddexda xusbi ee imika soo baxay.
 
6. In dalal shisheeye an loo qayshan, oo fadeexadaha arrimaha daakhiliga ah ee dalka Somaliland yaala gaar ahaan kuwa degaanada, an la gaadhsiin dunida dacaladeeda. Ku cibaaro qaata Koonfur soomaaliya in maalinta awoodo shisheeye innasoo fara galiyaan,  aynu iyaga la mid noqon doonno.


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com 2010 Privacy Policy Terms Of Use