16-12-2012
Afar Wariye Oo Ka Tirsan Telefishanka HCTV Oo Xabsiga Loo Taxaabay Wakhti Ay Wax Ka Duubayeen Mudaharaadkii Maanta Ka Dhacay Xaafada Idaacadda
Ciidanka Booliska ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Afar wariye oo ka tirsan Talefishanka Horn Cable Tv Oo Duubayey Mudaharaad maanta ka socday Degmada 26- Juun ee Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Idaacadda ee Waqooyiga Caasimadda.
Afartan Wariye ayaa wakhtiyo kala duwan loo taxaabay Xabsiga, kuwaas oo markii danbe la iskugu wada keenay Xabsiga Dalooldha ee Magaalada Hargeysa, isla markaana ilaa imika aan Xoriyadoodii loo soo celinin.Saxafiyiinta ka tirsan Telefishanka HCTV ee xabsiga loo taxaabay ayaa waxay kala yihiin Maxamed Axmed Muuse (Kuraase) iyo Sawir qaade Maxamed Daa’uud Yuusuf, Sawir Qaade Mukhtaar Mursal Xiin iyo Wariye Waliid Cabdiraxmaan ayey Ciidanka Boolisku qabteen iyaga oo duubayey Mudaraad ka socday agagaarka Jidka Togdheer, mudahaaraasi oo ay tagayeen Dhalinyaro ka soo hor jeeday Go’aan ay soo saareen Guddida Doorashaank Qaranka
