WEEDHSAN: Ugu horreyn, Taariikhda noloshaada oo kooban nooga warran?
Cabdiraxmaan: Aad iyo aad baan idiinku mahad-naqayaa, waxaanan idinku hambalyaynayaa shaqada wanaagsan ee aad waddaan. 1948-kii ayaan ku dhashay Boorame oo aan ka bilaabay tacliinta malcaamadda iyo sannadkii ugu horreeyay ee dugsiga hoose. Wixii sannadkaas ka dambeeyay ayuu Alle ha u naxariistee macallin aannu walaalo ahayn oo waalid ii ahaa ii beddelay magaalada Sheekh oo uu ka shaqayn jiray. Halkaas ayaan ku dhammaystay tacliinta dugsiga hoose, dhexe iyo sare intaba. Sheekh, waa meel aan aad u jecelahay oo igu dheer. Waxa ii farxad ah, in labada hablood ee carruurtayda ugu waaweyni ay iyaguna halkaas (Sheekh) wax ku soo barteen oo ay fadhiisteen fasalkii aan wax ku bartay, iyaga oo maantana ku jira Jaamacadda Hargeysa oo ay ka kala bartaan Kulliyadaha Medicine & Nutrition.
Markii aan iskuulka ka baxay, dhibaatooyinkii caddaalad-darrada iyo qaraabo-kiilka lahaa ee ay ardayda Waqooyiga ka tagtaa kala kulmi jirtay Xamar, ayaannu la kulannay. Waxaannu doonaynay in aannu baranno Caafimaadka iyo Injinneeriyadda. Laakiin sidii aannu doonaynay caqabadahaas ayaa ka hor yimid oo waxay u dhacday sidii Ilaahay doonayay, aakhirkiina, waxaannu galnay Milateriga oo ugu caddaalad dhowaa.
Waxaan ka mid noqday colkii Russia tegay. Hawlaha farsamada dayuuradaha ayaan bartay. Dhawr sannadood ayaan ku maqnaa, waxaanan ku soo qaatay shahaadadii ugu horreysay. 1970-nnadii ayaannu dalka ku soo noqonnay. Tababarradii Xalane iyo kii Hiil-weyne ayaannu galnay. Ciidankii cirka ee aan takhassuska u lahaa ayaa la ii beddelay. 1971-kii ayaa Hargeysa la i keenay, waxaanan joogay illaa 1973-kii. Muddadaas, waxaan ahaa Injinneerka raxanta dayuuradaha. Waxaan ka qayb qaatay dhismihii ciidanka cirka Soomaaliyeed, aniga oo macallin ka noqday dugsiyadii lagu baran jiray hawlaha farsamada ciidamada cirka. Si taas la mid ah, Baydhabo iyo Muqdisho ayaan iyagana ka soo noqday Injinneerka raxanta oo ay saxeexiisa diyaaraduhu ku duulaan. 1976-kii waxaan aqoon-korodhsi u tegay Ciraaq, waxaanan ku maqnaa sannad iyo badh. In ka badan ayaan joogi lahaa, laakiin waxa curtay dagaalkii 1977-kii, sidaas darteed, dib baannu u soo noqonnay. Dhammaadkii 1978-kii ayaan mar kale aqoon korodhsi dambe oo isla takhassuskaas ah u tegay Masar, halkaas oo aan 1982-kii ka tegay halgankii S. N. M.
WEEDHSAN: Maxaa sababay in aad SNM gasho, jidkee ayaad se u martay?
Cabdiraxmaan: Saraakiishii iyo raggii kale ee iga horreysay dareenkii geeyay ayuun baa anna I geeyay. Sidii ay siyaasadda dalku u socotay rag waaweyn oo saraakiil ah oo ka war qaba ayaannu ahayn. Caddaalad-darradii, eexdii, musuqii, cadaadiskii dadka lagu hayay iyo burburkii guud ahaan nidaamkii dawladnimo marka la eego ee ay noqon weyday ‘Maxaad taqaannaa’ laakiin ay noqotay ‘qof reer hebel ah ma yahay’ ee ciddii hadashana la xidhay, ayaan goostay in aan aniguna waajibkii uu dalku igu lahaa guto. 1982-kii iimay suurtoobin inaan judhiiba tago Ethiopia oo aan SNM ku biiro. Jabbuuti markii aan marayay, ayaa dedaal laga galay in Hargeysa la igu soo celiyo, waxaanan isku maray Ciraaq, Qatar, illaa Suuriya oo aan mid walba kala kulmayay dad caqabad ku ahaa inaan u tallaabo SNM. Si kastaba ha ahaatee, dabayaaqadii 1982-kii ayaan Dimishiq ka soo raacay Alle ha u naxariistee nin Cumar Ustereeliin la odhan jiray oo reer Muqdisho ahaa, sidaas ayaanan Addis Ababa ku imid. 3 bilood oo aan ku sii jiray SSDF ayaan dhammaystay waraaqihii aan SNM ugu wareegayay, sidaas ayaanan ugu biiray halganka.
WEEDHSAN: Maxaad kala kulantay?
Cabdiraxmaan: Kalamaan kulmin wax ka duwan wixii ay kala kulmeen saraakiishii kale ee SNM iiga horreysay. Waxa laga yaabaa in dadka qaar is yidhaahdaan malaa ninku qolo kale ayuu ahaa, iyaga oo u jeeda in ay meesha qolo keli ahi joogtay. Runtii qolo waliba meesha way joogtay. Waxaan ahaa nin ay raggan iskuulladii, Jaamacadihiiiyo shaqadii dawladda ba wadaageen oo laga yaabo in ay xataa qaarkood meel ku wada dhasheen. Umaan arkayn in aan u socdo meel aan qariib ku ahay. Waxay ku odhanayaan ma keligaa baad SNM joogtay?, iyaga oo u jeeda adigu nin reer Awdal ah baad tahay, nimankan kalena waxay ahaayeen beesha dhexe. Waxaan idhaahdaa, mushkiladdu aniga joogitaankayga may ahayn, haddii ay tahay meel aan la joogi karin, waan iskaga tegi lahaa, haddii ay wanaag iyo geesinnimo tahayna, dadkii aan meesha ugu tegay ayaa iga xaq leh. Waayo; haddii ay yihiin dad aan lala joogi karin, miyaan joogi lahaa? Galladda iyo libtaba waxa leh dadkii aan halganka ugu tegay.
WEEDHSAN: Ma jiray wax dhib ah oo beesha aad ka soo jeeddo awgeed caqabad ku noqday hoggaamintaadii SNM?
Cabdiraxmaan: Xaashaa Lillaah! Qaar badan oo halgan-wadaagta ka mid ahi, may ogeyn cidda aan ahay. Ma rumeysanaysaa in marka mashaakil dhacaan ee la is yidhaahdo xal u hela, ay Mujaahidiintu ii soo joogsan jirtay oo ay i maqli jireen, iyada oo laga yaabo in qaar abtirsiino ahaan iga xiga ay dheg ba u dhigi waayaan. Milgahaasi waa mid ay dadkeennu leeyihiin. Taasna ixtiraam siyaado ah iyo tixgelin goonni ah ayaan ku helay.
WEEDHSAN: Intii aad SNM ku jirtay ma jiray cadaadis kaaga yimid beeshaada?
Cabdiraxmaan: Qoys lamaanaan dagaallamayn, qoysna umaannu dagaallamayn. Ujeeddadayadu waxay ahayd in aannu dalka ka xoreynno xukunkii keli-teliska ahaa. Waxa laga yaabaa in ay dadka qaar ii haysteen nin cadaw u soo raacay. Waa la ila soo xidhiidhi jiray, waana la isku deyay in la i qanciyo oo aan halganka ka soo noqdo. Wax kasta oo la samayn karayay waa la i soo hor dhigay, laakiin meeshaasi may ahayn meel aan noqosho ugu talo-galay.
WEEDHSAN: SNM ma bilaa qorshe ayay ahayd?
Cabdiraxmaan: Wax walba siyaasad baa hoggaamisa. In kasta oo jinaaxii caskariga ahaa ka horreeyay, garabkii siyaasadda, haddana waan la yaabaa dadka yidhaahda qorshe-la’aan ayaad dagaalka ku gasheen. Waxaan ka war qabaa, diyaar-garawgii qorsheed ee aannu samaynnay in aan illaa iyo maanta la haysan. Mushkiladdu waxay ka imanaysaa su’aasha ah, ‘Wixii ma la hirgeliyay?’ Waannu la soo galnay, laakiin daad baa na qaaday! Weliba sidaas ayaynu nasiib ku leennahay oo dhulkii ay jabhaduhu soo galeen waa taas illaa iyo maanta dagaalkii iyo aar-gudashadii ka socdaan. Waxa nalagu dhaliilaa, maxaad meesha u sii haysan weydeen? SNM waxay la soo gashay niyad wanaagsan, iyada oo nabad doonaysa oo ay ka go’an tahay in ay ummadda nabadayso, waanay yeeshay sidaas. Waxay la soo gashay inay 2 sanno xukunka hayso oo ay ku wareejiso shacabka, waanay fulisay. Guurtida na, min bilow illaa dhammaad, SNM baa samaysay, waxaanay ugu talo-gashay in ay buuxiyaan kaalin u dhiganta tii ay qabanayeen xilligii Jabhadda la joogay oo nabadaynta iyo isku soo dhoweynta ah, si wanaagsanna way uga hawl-galeen nabadayntii dalka. 1991-kii, markii Burco la isugu yimid, SNM waxa ka go’nayd in la heshiiyo oo beelaha la mideeyo. Sidaas Xamar bay ahaan lahayd haddii aanaan waxba la soo gelin.
WEEDHSAN: Go’aammadii ugu adkaa ee aad qaadato noloshaada, maxaad ka xusi kartaa?
Cabdiraxmaan: Horta go’aankaygii ku-biirista SNM kow dheh. Intii aan halganka ku jiray iyo intii aan masuuliyadda hayayba, waxyaabo badan oo adag baa i soo maray. Il-bidhiqsiyo kooban gudahood degdeg kuma kala shaandhayn karo. Waxay iiga baahan tahay inaan ka fekero. Waxyaabaha aan xusuusto ee iigu darnaa waxa kale oo ka mid ah – diyaaradihii aan ka shaqayn jiray ee qaranku lahaa oo saldhiggii Hargeysa ee aan kaga shaqayn jiray ka soo duulaya, ina garaacaya!
WEEDHSAN: Naaneysta ‘TOLWAA’ sidee baad u aragtaa?
Cabdiraxmaan: Waxaan u malaynayaa qof maqla aniga ayaa ugu dambeeyay. Waayo, waxaan filayaa in la igala xishoonayay oo ay dadku u haysteen magac ka turjumaya dhaliil ama dacaayad. Laakiin sidaas may ahayn. Waxay ahayd mid ka turjumaysa sidii ay dadku u jeclaayeen in walaalahood halganka soo galaan oo ay dad badani aniga ii yimaaddaan. Cid saani ii garanaysaa iguma tidhaahdo, cid ii maqashay mooyaane. Taasna kama xanaaqo haddii uu qofku igu yidhaahdo. Laakiin waxa kan laftiisa ka dambeeyay naaneysyo badan oo kale, sida Laba-tolle, Tolweyne, i.w.m.
WEEDHSAN: Jaamacadda Hargeysa ayaad dib u gashay. Maxaa kugu kellifay?
Cabdiraxmaan: Wakhti aad u fiican baan ku soo qaatay Jaamacadda Hargeysa, waayo, waxay dib ii xusuusisay ardaynimadaydii iyo dhalinyaranimadii. Waxaan jeclaystay in aan sharciga na wax ka barto, maadaama aan siyaasadda ku jiro, si haddii aan fursad u helo, aan caddaaladda wax uga qabto. Aqoon ahaan wax badan baa iiga kordhay. Xaaladaha hoose ee ardayda iyo Jaamacadda ayaan u kuurgalay oo aan wax badan ka ogaaday. Waxaan ku yeeshay dhalinyaro badan oo waalidnimada ka sokow aannu asxaab noqonnay oo intii aannu wax wada baranaynay tixgelin dheeraad ah ii hayay. Dhinaca kalena, carruurtayda ayay dhiirrigelin u ahayd. Guud ahaan dhalinyarada waxay u ahayd tusaale muujinaya in aan tacliinta laga gaboobin oo aanay da’ iyo derejo midna ku xidhnayn.
WEEDHSAN: Sidee ayaad u aragtaa xaaladda dalku ku jiro wakhtigan?
Cabdiraxmaan: Wax shar ah lama saadiyo. Inkasta oo dadku uu wada masuul yahay, haddana, masuuliyadda dalka iminka cid uun baa haysa. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu iyagana waafajiyo sida xaqu yahay. Kolleyba xisbi Mucaarad baannu noqonaynaa, laakiin waxaannu noqon doonnaa haddii Rabbi idmo, xisbi ay mucaaradaddiisu wax dhisayso oo haddii dawladdu wax wanaagsan ay qabato ku bogaadinaya, haddii ay qalloocsantana isku deyaya inuu toosiyo. Ururro badan ayaa illaa iyo hadda samaysmaya, waxa soo-jeedin naga ah inay is biirsadaan. Waxaannu rajaynaynaa inaannu dedaalno si ururkayagu ugu gudbo marxalad Xisbi oo aannu taas kaddibna ummadda u soo bandhigno barnaamij wanaagsan oo waaqici ah. Ummada waxaan xusuusinayaa inay walaalo tahay oo aanay qabyaalad, ku kala raacin ururrada tartamaya, laakiin ay wax ku doortaan barnaamijyada. Waxaan kula talinayaa inay ilaashadaan Nabadgelyadooda, midnimadooda iyo qarannimadooda intaba.
Xigasho Weedhsan Corporation
Ku Faafi Warkan