btay Ayaa asJ

WelcomeTo QuljeedNet Awdalas

 

 

                   Home   Contact Us   About US            

 

24-12-2011

Tallo Iyo Dhaliil Ku Socota JibriilYoonis

Waxaa jirta in aflagaadooyin iyo cay xad dhaaf ah oo gaadhay dumarkii Samaroon in la isku weydaarsado mareegaha qaarkood. Wax kasta oo dhacaana waxay leeyihiin meel iyo cid bilowda oo masuuliyadeeda iska leh.

 

Annigu markii aan daraasad badan sameeyey, waxa ii cadaatay oo markhaati ma doonta ah in ninka la yidhaado AXMED SHEEKH FAARAX yahay aabaha cayda iyo aflagaadada. Sidaa awgeed, taariikhdu markii ay aheyd Juulaay 28keedii 2011 ayaad maqaalad u qoray, taasoo la magac baxday Odhaahda Akristaha : Dhaliil iyo Waano Ku Socota Tifaftiraha Harowo.com. Mareegtada Harowo.com waxay maqaaladaa ku soo daabacday bogeeda, sida aad ka akhrisan kartid halkan http://harowo.com/2011/07/28/odhaahda-akhristaha-cay-dhaliil-iyo-waano-ku-socota-tifaftiraha-harowo/.

 

Nasiib daro Eebe kuma anficin waanadii iyo talladii aan siiyey Axmed . Wuxuba bilaabay inuu malinba maalinta ka dambeysa sii kordhiyo cayda iyo aflagadaadii ilaa ay gaadhay in dabka u shidaayey gaadho dad badan oon waxba galabsan. Waxanad hadda mooddaa in ay socota maah maahdii aheyd, “Dab munaafaq shiday ayuu miskiin ku gubtaa”. Waxa hada cad in Axmed Sheekh Faarax caqligii ka suulay, ooysan ku hadhin caqli u isku qabto. Wuxu joogaa heer uusan kala garankarin qaladka iyo saxa, sabata oo ah waxan u qoraayo ayuuba u haystaa inuu u adeegaayo bulshada reer Awdale.

 

Mar aan Axmed kula xidhiidhay emeylna, wuxu ii sheegay in Gadabuursiga maqaaladaha u soo diraayi dhamaan magacooga qaraiyaan, oo maadaama ay sidaa ku cabiraan fikirkooda isna ku soo dhajiyo mareegtadiisa! Waa yaabe miyuuna isagu aheyn ka akhriya ee kala shaandheeya maqaaladaha loo soo qoro? Miyuusan wixii aflagaado iyo cay ah qashinka ku dari karin? Waa su'aale, caqliga sidaa u shaqeynayaa miyuu caafimaad qaabaa? Waa jawaab u taal jufadiisa Jibriil Yoonis!

 

Waxaa jirta in mareega kale ay qayb ka qaataan aflagaadooyinka. Hase yeeshee, waxa la ii sheegay iney mareegtooyinka kale dadka maamulaayi ogolaadeen iney cayda joojiyaan haddii Axmed Sheekh Faarax joojiyo, sidaasina waxay ku iclaamiyeen mareegtooyinkooda ay ka mid yihiin Bakipress iyo Mysomaliland.com. Waxase la xaqiijiyey in Axmed Sheekh Faarax diiday inuu cayda iyo aflagaadada joojiyo. Taasi oo markhaati cad u ah in u Axmed noqday ninka dabka sidaya ee diidan inuu joojiyo qoriga xuladka ah ee u la wareegaayo.

 

Soomaalidu waxay tidhaahdaa, “ Ninka waalan, walaalkii ayaa u miyir qaba”. Maanta jufada Axmed Sheekh Faarax oo ah Jibriil Yoonis waxa looga fadhiya in ay miyir qabkii la timaado ooy qabato ninkani aflagaadada iyo cayda Gadabuursiga ku talax tagay, kana dhigtay meherada.

 

Sida muuqata Maxad Case wuu fasaxay dhalinyartoodii mareegaha maamulaayey. Taasina waa ta keentay iney iyaguna la kala baxaan ooy afka farta iska galiyaan. Habar Cafaana tallo ayey ku maqan tahay. Waxaana dhicikarta iney mareegtooyin cusub furtaan si ay u difaacaan xuquuqdooda iskagana celiyaan aflagaadada xad dhaafka ah ee loo geysanayo.

 

Gabagabadii, maanta kubbadu waxay hortaala dhinaca jufada Axmed Sheekh Faarax oo ah beesha Jibriil Yoonis iney iyana taageeraan fikirka wareersan ee Axmed iyo iney qabtaan ooy u caqli celiyaan sidii looga bartay odayadii waxgaradka Soomaaliyeed. Ogaada aamuskuna waa taageero Axmed loo fidiyey.

 

Qore: Yuusuf warsame

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

++

 

 

 

 

a