Al-Xaaji Cumar cabdi Cige (Ilaahay raali haka noqdee) wuxu ku dhashay magaalada Borama, 1944. Wuxuna quraanka iyo dusgsigaba a ka bilaabay isla Borama. Cumar markii danbe wuxu noday macallin wuxuna ka soo shaqeeyey meelo badan oo dalka Somalia ah gaarahaan xamar oo aad loog wada ayaqaanay. Waxana ka mida ahaa; dugsiga sare ee kowda Luuliyo, Sh.Xasan Barsane iyo Dugsiga sare ee wadajir.
Markii Soomaalidu dhoofka bilowday, ayaa Cumar wuxu galay dalka Sucuudiga, waxana halkaa ku soo dhaweeyey, walaalkii Cali Cabdi Cige. Cali wuxu markaa haystay dhalasho sucuudiya wuxuna ahaan Afhayeenka wasaaradda petrolka, jagadaas oo ilaa maanta anu gaadhin nin Somali ahi; markii danbana wuxu noday Madaxa qaybta marketing dibadda iyo gudahaba ee shirkadda ARAMCO.
An ku soo noqonno Xaaji Cumare, xaajigu wuxuu noqday Banker, wuxuna shaqo ka helay bank Riyaad ku yaal halkaas oo u muddo aad u dheer u ka soo shaqeeyey. Cumar markii danbe wuxu u soo dhoofay isaga, xaaskiisa iyo carruurtiisaba dalka Kanada oo ilaa hada u deggan yahay.
Allaha u naxariistee, Cabdi Cige oo cumar aabihii ihi wuxu ahaan nin ganacsade ah, kaftan badan, reer magaal ah aadna looga wada yaqaanay Somaliland protectorate wakhtigaa, lana wada qadarin jiray. Cabdi Cige waxa ka mid ahaa ganacsigiisa Gawaadhi u kala gooshi jirtay Borama iyo Jabuuti amma Borama iyo Hargeysa. Waxa Direwal ka ahaa gawaadhidaa mid ka mid ah, Maxamuud Hurre Buubaa oo dhalay, Ismaaciil Maxamuud Hurre (ina Buubaa)oo ah nin caan ah, siyaasiya lana wada yaqaan wuxuna ahaan jiray Ismaaciil wasiirkii arrimaha dibedda ee dawladdii Cabdillaahi Yusuf. Waxana reer Buuba iyo reer Carte Qalib labaduaba ay ahaan jireen reer Borama. Carte Qaalibna Maqaaxi ayuu isaguna lahaan jiray cabdi cigena Saaxiib bay ahaayeen.
Gagbogabo, Oday Cumaer cabdi Cige, waa geesi an biqin, siyaasiya, aqoonyahana, waxgarada, daacad ah, run sheeg ah, kana mid ah odayaasha reer Adal ee aadka loo tixgeliyo. Nabigu wuxu yidhi CSW: (qulilxaqa wallow kana murraa). Waxa kaloo u yidhi, walaalkaa laba jeerba u hiili: 1. Haddii laga gardaranyahay u hiili. 2. haddii u gargaranyahayna u hiili oo xaqdarrada u ku kacayo ka qabo oo isaga naftiisa u hiili. Markaa Xaaji Cumar haddu runta sheegay ma deyrkii makuu gubay? Maxaa se keenay caydan xad dhaafka ah iyo nasab cayga doqoniimada ah een sheikh shariif toona an loo kala aabo dayeyn iyo taariikhdan gacan ku rimiska ah ee dadka loo sameynayo.
Runtii waxaasi wax la qaadan karo maaha, shabakadan dhillada ah ee Harowo.com ee ka soo dhexbaxday kana dhilowday shabakadihii somalida oo dhanna, laga yeeli maayo inay saxaafada u macneysto cayda Gadabuursiga sharafkale een reerkooga ahayn, wali wax sidaa wax u qora taariikha somaida shaahid laguma arag somalidiina way wada yaabatahay. Haddaba, haddii wanaag Gadabuusri la doonayo waa inay qabtaan Jiriil Yoonis ninka waalan ee ina aw faarax. La idinka yeeli mayo, cudurdaarna noqon mayso inad tidhaahdaan ninkaasi (Axmad aw Faarax) nin wax maqla maaha, wuuna na diiday annaga. Haddii taa la waayo oo tolkii qabsan waayo ogaada idinkaa ka mas’uul noqon doona wixii dhibaato ah ee arrintaa kasoo kordha. Waayo shabakadaha kale dhamaan waa la qaban karaa, horena waa loo qabtay waanay joojiyeen. Ninka se ku tasbiixsada cayda Gadabuursiga kale ee loo maaro waayey waa ninkaa wuxu ka helo iyo waxaad ka heshaan ayaanad leedihiin hadaad arrinta kugu taageertaan oo ninkaa ad qaban weydaan. Midna ogaada: hebel Jibriil Yoonis buu necebyahay iyo hebel makaahiil buu caaya Axmad shabakadiisa ku soo qoro intad rumaysataan idinkuna ad isla dhexmartaan caruurtana ad ku ababisaan waa idinku sharafjab, hadhowna sheeko noqon mayso.
Cabdiqani Maxamad Ciise
Ontario – Canada