Arbacadii shalay oo ahayd 01-09-2010 ayaa waxa warsaxaafadeed soo saaray Yuusif AwMuuse Gasle oo kamida salaadiinta beelaha Makaahiil waxana uu warsaxaafadeedkaa kaga hadlay arimo dhawra isaga oo taageerana usoo jeediyay baaqii boqor raabi usoo jeediyay madax dhaqameedka iiyo waxgaradka Somaliland oo uu boqorku kaga dalbaday in ay wada tashi guud ka yeeshaan xaalada cusub ee uu dalku galay. Waxa kale oo Suldaan Gasleh ka hadlay saamiqaybsiga dawlada Siilaanyo iyo xadhiga sharcidarada ah ee baryahan dambe ku soo badanaya gobolka Awdal.
Waxana uu udhacay warsaxaafadeedka Suldaanku sidatan.
Marka hore waxa soo dhawnaynaa baaqii boqorku soo jeediyay ee ahaa in taladii wadanku qaloocatay una baahantahay in la tooosiyo inta ay dhibaatadu curdinka tahay ee wax laga qaban karo, waxa kale oo aan badheedhahayga ku muujinayaa in aan aad uga xunahay hab dhaqanka dawlada cusub ee ah kana sib kana saar ee aan ku fadhiyin isbedel siyaasi oo dawladnimo.iyo in miisaankii dawladnimo oo liicay oo la luminayo beelaha qaar xuquuqdii ay ku lahaayeen dawlada gaar ahaan beelaha cidhafka Somaliland, kuwaasi oo ah halbawlaha Somaliland. . Tusaale ahaan aniga oo ku hadlaya beelwaynta makaahiil ee degta gobolka waxa laga saaray dawlada ilaa shaqaale hoosaad keedii , dadkaasi oo xataa aan kuwakale lanoogu bedelin sidii caada ahayd ee isbedelka loo samayn jiray, taasi oo ahayd hadii shakhsi laga saaro in lagu bedelo nin beeshiisa ah.
Taasi waxa ay muujinaysaa in la horseedayo burbur ku yimaada midnimadii & xukun wadaagii & kalsoonidii beelahu ku qabeen dawlada soomaliland, runtii beelaha gobolka awdal marka horeba way ku qatanaayeen dawlada Somaliland kumanay haysan saami uqalma marka wax loo qayb sado si cadaalad ah iyada la eegayo baaxada gobol ahaan ama beel ahaannba, hadana waxa ayaan daro ah in manta intii yarayd ee xukuumada ku ay laahaayen ilaa shaqaale hoosaad yadii laga eryay dawlada cusub.
Taasi oo ah waxaan la qaadan Karin caqligana aan gali Karin dadweynaha gobolka awdalna uu ka tashan doona.
Waxa uu suldaanku sheegay in wadankii u muuqdo amaba uu galay xaalad mugdi ah oo u baahan in laga tashado hadii aan si degdeg ah dawlada aanay wax uga qaban.
Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa dadwaynaha gobolka awdal ee aad uga cadhaysan waxa aan u qalmin ee laga siiyay xumkuumada waxa aan leeyahay si degan xaalada u eega oo ha degdegina nabad gelyadiinana ilaalashada salaadin ahaan iyo aqoon yahan ahaan waan idin la qabnaa dareenka cadhada le ee jira , waxa aan idin leeyahay hadii dawladu si fiican ugu soo jawaabi waydna waynu ka tashan doonaa aayaheena siyaasadeed marnabana ogolaan mayno sida manta wax loo qaybiyay iyo habka wax u socdaanba.
Waxa kale oo aan ka xunahay xadhiga aan gobolada kale la qabin ee lagula kacay dadka gobolka u dhashay taasi oo ku fadhiyin cadaalad dhalina karta dareen xaasaasiya oo aan loo baahnayn wakhti xaadirkan, waxana aan ku baaqayaa in si bilaa shuruud ah loo siidaayo dadweynaha u xidh xidhan arimaha la siyaasadeeyay.
Waxa aan gebogabadii soo jeedinayaa in si taxadirle looga eego loogana fikiro wax yaabaha aan ku soo sheegay war saxaafadeedkayga jawaab fiicana laga bixiyo oo wax ku ool ah.
Alaa mahadle
Wabilaahi Tawfiiq
Suldaan Yuusuf Aw Muuse Gasle
Suldaan ka mid ah salaadiinta Beesha reer nuur
|