|
Hargeysa (Jam)- Badhasaabka Gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul, ayaa shalay shir la galay taliyayaasha ciidamada ee gobolka ka hawlgala, shirkaasi oo lagaga arrinsanaayey tahriibka baryan dambe ku soo batay gobolka, kaasi oo ay u sabab tahay gaadiidka socdaalka ee ka soo qaada dadka Gobolka Awdal.
Shirkan oo uu hoggaaminaayo badhasaabka Salal ayaa waxa lagu qabtay xarunta gobolka, kaasi oo ay ka soo qayb galeen, taliyaha laanta socdaalka, taliyaha ciidanka badda iyo taliyaha ciidanka qaranka, sidaa daraadeed waxa laysla meel dhigay in baadhitaan lagu sameeyo dhammaan dadka iyo baabuurta iskagaga kala gooshaya gobollada, isla markaana ay si joogta ah uga hawlgalaan ciidanka baddu, waxna ka qabtaan dadka sida sharci darada ah uga tahriiba xeeba Salal.
Md. Maxamed Muuse Bucul, ayaa waxa uu sheegay inay tahay ta kaliya ee lagaga badbaadi karo dhibaatooyinka ka dhasha tahriibka iyo waliba inay tahay ta kaliya ee lagu sugi karo xuduudaha gobolka.
Dhinaca kale waxay baryahan danbe ay ciidanka nabadgalyadu ku uruuriyeen magaalada Lawya-cado dad gaadhaya ilaa saddex boqol oo qof, kuwaasi oo loo qabqabtay hawlo la xidhiidha tahriib.
Ugu danbayntii waxa uu badhasaabku uu ku wargelinayaa xukuumadda iyo hay’adaha ku shaqada leh inay wax kala qabtaan arrintaas.
|