WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

 

                 Home    Contact Us   About US            

 

24-01-2012
Madaxweyne Ku Xigeenka  Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Shirkad Shisheeye Ah Oo Macdanta Baadha
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Shirkad qaabilsan baadhista Macdanta Somaliland.
 

kulankan laba geesoodka ah ayaa la iska xaal waraystay halka ay marayso bilowga hawsha baadhista macdanta Somaliland oo ay maalgelinayso Shirkad Maraykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Mendesta isla markaana ay fulinayso Shirkad kale oo la yidhaa Nobian Gold.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu shirkadan u soo jeediyay inay wada shaqayn toos ah la yeelato Wasaarada Macdanta iyo Biyaha oo qaranka uga mas’uula wixii ku saabsan dhinaca macdanaha isagoo intaas ku daray in sida ugu suurto galsan loo bilaabo hawlgalka baadhista macdanta marka la helo natiijada tijaabada macdanta Somaliland oo loo qaaday wadanka Kanada.

 

Dr Tucker Barrie oo ku xigeenka shirkada Mendesta Group ayaa sheegay in shirkadoodu ay si sharci ah u baadhi doonto macdanta ku duugan Somaliland waxaanu cadeeyay in hawlgalkoodii koowaad ay ku sahamiyeen dhul qiyaastiisu gaadhayso Afar iyo Toban kun oo Killo mitir laba jibaaran oo ah deegaanka Waqooyiga hargaysa.

 

Mas’uulkani waxa uu tilmaamay in macdano badan oo faa’iido leh ay ku jiraan dhulka Somaliland taas oo ay ku ogaadeen sida uu xusay tijaabooyinka qaybyada ah ee ay sameeyeen.

 

Dr Tucker Barrie waxaa kale oo uu ka waramay Qorshayaasha mustaqbalka dhaw ay Shirkadoodu ka fulin doonto gudaha Somaliland.

 

Maxamed Cumar Ismaaciil oo ah Gudoomiye ku xigeenka Shirkada fulinaysa hawshan ee Nobian Gold ayaa shaaciyay in tijaabooyinkii loo qaaday dalka Kanada natiijooyinka ka soo baxay dhawaan wadanka la keeni doono isagoo u mahad celiyay cidkastoo gacan ka gaysatay dhaqaajinta Mashruucan.

 

 

 

 

 

 

 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

 

++

 

 

 

 

a