Mudane Saylici Oo Dalbaday Inuu tabashooyinkiisa ku soo bandhigo madal masuuliyiinta qaranka ugu cul
Ergadan dhaxdhaaxidnaysay laba dhinac ee Saylici iyo Siilaanyo oo uu gudoominaayey Muuse Biixi xubnana ka yihiin wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wasiirka arimaha gudaha Duur oo saaxiibo dhaw la ah Saylici iyo Siilaanyaba ayaa la sheegay in aakhirkii ay Saylaci ku dirqiyeen in tabashooyinkiisa hoos loo eegi doono balse isagana laga rabo inuu u soo shaqo tago xafiiska Madaxtooyada kana soo hawlgalo saaka subaxnimada sabtida,islamarkaana muujiyo in khilaafkii madaxtooyada ka jiray suulay.
Ilo xogogaala oo ku dhawdhaw Qasriga Madaxtooyada ayaa tibaaxay in madaxweyne Siilaanyo ku amray wasiirkaMadaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan inuu xil u raadiyo,degdegna u magacaabo Mr.Cabdiweyne oo ah ninkii Saylici watey ama uu u magacaabay jagadan khilaafka dhalisay ee gudoomiye xigeenka Hayada Qurbajooga taas oo madaxdeeda iyo shaqaalaheedaba badidoodu ka soo jeedaan beesha Siilaanyo.
Dhinaca kale warar aanu ka helay ilo wareedyo kale oo Saylici u dhuun daloola ayaa noo xaqiijiyey in Saylaci ergada u soo jeediyey inuu xafiiska ku soo noqon doono oo keliya haddii madaxweyne Siilaanyo aqbalo in tabashooyinka is biirsaday ee uu tirsanaayo ku soo bandhigo madal loo wada dhan yahay oo ay fadhiyaan masuuliyiinta ugu culus qaranka si loogu garabo ama cabashadiisu u gar hesho.
Dalka ayaa waxa baabiinaaya oo kala diraaya wasiirkamadaxtooyada iyo wasiirka arimaha dibada Dr Maxamed C/laahi Cumar, labadan nin oo aan midkoodna aanu lahayn khibrad siyaasadeed oo lagu hagi karo bulshada Somaliland ayaa dalka oo dhan ka wada qas iyo iska hoikeen, isla markaasina u magcaaba xilal dad ay iyagu dabada ku wataan uun oo aan xitaa u qalmin jagooyinka la siinaayo ama la gaynaayo, hadii aan tabashooyinka madaxweyne ku xigeenka aan deg deg looga qabana waxa dhici karta in uu deg deg isu casilo mudane Saylici taasi oo soo dadajinaysa in la qabto doorasho madaxweyne oo xiligeedii ka soo horumarta, taasi oo ah ta kaliya ee wadanku uu maanta ku bad baadi karo.
Xigasho Qarannews