20-01-2012
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Mudane Saylici Oo Ku Cansaydhay Qaabka Ay Udhaqmaan Wasiirada Ku Xeeran Madaxweyne Siilaanyo
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo qaadacay Shirka Golaha Wasiiradda ee maanta iyo khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Xukuumadda
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa manta ku gacansaydhay Xukuumadiisa inuu kala qayb galo shirka Golaha Wasiiradda kadib markii uu khilaaf weyni ka dhex qarxay isaga iyo laba wasiir oo kala ah Wasiirka Madaxtooyadda iyo Wasiirka Arrimaha dibeda kuwaasoo ay isku maandhaafeen Hay’adda Qurbajooga oo maamul ahaan isaga hoos iman jirtay hase yeeshee hada ay ka hoos saareen.
Sidoo kale waxa soo food saartay in gabi ahaanba laga mamnuucay in laga talo galiyo hawlaha dalka ka socda isla markaana talaabo kasta oo uu qaado ayaa la mu’aamaradeeyay iyadoo loo diiday xubno uu shaqo galiyay dhawaan in shaqadii laga Eriyay iyadoo haba yaraatee aan wax tixgelin ah lagu siinin Xilka qaran ee uu hayo.
Waxa intaa u dheer oo aan laga talo galin xaalada dagaal ee ka socota Bariga Somaliland taasoo ahayd fursadaha ay helaan Madaxweyne ku-xigeenada Somaliland oo loo diri jiray balse imika dirid iska daaye aanu waxba kala socon iyadoo Gobolka uu ka soo jeedo Qurbajoogiisu abaabulayaan Maamul Goboleed gaar ah balse dhawaan uu isagu kala daadiyay oo uu badhna xidh xidhay badhna Dalka ka Eryay markii ay ka baqeen inuu qab qabto.
Si kasta ha ahaatee wararka ka soo baxaya Qasriga Madaxtooyadda ayaa sheegaya arrimahan is biirsaday awgood inuu Saylici xilka uga dago oo uu isku casilo, maadaama Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxba ka qaban waayay khilaafka lagu garbinayo taladii uu qaranka ku lahaa.
Wasiirka Madaxtooyadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda oo ah saaxiibo aad iskugu dhaw isla markaana ah labada Masuul ee ay ka go’do talada ugu badan ee Dalka ayaan marna ixtiraamin ama aan qiimayn saamaynta ay arrintani yeelan doonto iyadoo Eeda Beelaha Gobolada barri u goosanayaan loo tiriyo Saluuga ay ka qabaan Maamulka Somaliland oo aanay talo badan ku lahayn ama aanay ka haysan Mansabyo ay ku qanci karaan.
Si kasta ha ahaatee haddii aan si dhakhso arrintan wax looga qaban waxa ay dabka ku sii shidi doontaa xaalada taagan, isla markaana waxay soo dadajin doontaa in galbeedka Somaliland-na ay ka qaraxdo mid la mid ah ta barriga Dalka ka taagani
Xigasho Waaheen