\WelcomeToQuljeedNet Awdal 

 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

07-01-2013

Ninka Saylac Sheegtoow Iska Hadleh

 Marka hore waxan salaan qiimo badan u soo jeedinaya bahwaynta saxaafa maxaliga ah ee ka hawlgasha gobolada awdal iyo salal iyo gabilay ee markasta u heelan soo gudbinta wararka xaqiiqda ah ee ka jira dalka waxa sharaf iyo karaama mudan shacabka ku dhaqan gobalada aan kor ku xusay ee isku duubnida iyo midnimada ka muujiyay xaaladaha ka taagan gobolada awdal iyo salal iyo gabilay. waxan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhaliyaradii ku nafwayay halganka geesinamada leh ee ay ku soo ceshanayeen dhulkoodii ay isirka u lahaayeen in ilahay naxariistii jano ka waraabiyo. waxan kale oo aan ilahay caafimaad uga baryayaa intii u dhaawacan tay qadiyadaa.


hadii aan intaa kaga gudbo oo an udago mawduuca ah ninka saylac ka dudoow  siiga yare. bari baa waxa mudaharaaday shini oo joojisay malabkii ay samayn jirtay ka dib meel ayay iskugu ururtay waxa loo sheegay boqorkii waxana lagu war galiyay in ay shinidii joojisay malabkii ka dib boqorkii ergo ayuu u diray waxii ay tabanaysay ayaa loo fuliyay waxa isaguna arintii maqlay duqsi ka dib mudaharaad ayuu sameeyay oo meel ayuu iskugu tagay isaga oo u haysta in waxa shinida lagu qabay isagana lagu qabo oo sugaya in la maslaxo kadib waxa la isku raacay in la buufiya dhamaantiiba waxana fursad loo helay in halmar gacanta lamariyo oo la wada buufiyo maxaa yeelay isagu waxa uu wadaa waa jeermis ee maaha malab haddaba cidan maanta qaylyaysa ee dudaysaa waxa ay dimuqraadiyada somaliland ku tahay jeermis.

hadaba kuwan maanta ku hadaaqaya ma aqbalayno natiijada doorashada  saylac iyo lughaya anagaa leh maaaha ee dhulka ninlihi haysto ku soo qamaamsan miyaanay u haboonayn in abti iyo haasaawihii ay awal wax ku heli jireen ay wax ku raadiyaan adigaa tartan galay aad ogtahay in aanad waxba ku helayn liq oo canka dhig waxa codkaag kuugooyay hadii aad awal been aad u sheegi jirtay soomalida aan aqoon u lahayn dhulkan oo ka dhaadhicisay in ay dhul aad adigu leedahay tahay saylac maanta waa la iskaga daba yimid waana lagu ogaaday waxa aad ka tahay iyo cida iska leh hadaba hadii aad ka dudo saylac xaalkaagu waa siiga yare.

Alaa mahad leh 

Qalinkii Eng.mustafe

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com 2010 Privacy Policy Terms Of Use