\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

20-12-2012

Golaha Deegaanka Saylac Oo Maanta Aqlabiyad Ku Doortay Maayar iyo Maayar Ku-Xigeen Iyo Khilaaf Arintaa La Galiyay.

Toban xubnood oo ka mid ah Golaha Deegaanka  Saylac ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen Xarunta Dawladda Hoose waxa ay Maayarka Degmadaasi ugu doorteen Xuseen Iidle Shire, ku-xigeena waxa ay u doorteen Sacad Daahir Cige.

 

Fadhiga maanta oo ahaa mid ay si weyn isugu khilaafsanaayeen Xukuumadda iyo Beelaha halkaas aqlabiyada kaga soo baxay doorashadii dalka ka dhacday ayaa la qabtay kadib markii xukumadu isku dayday inay fuliso damaca beesha ciise ay u rabto qaabka Doorashadaasi u dhici doonto maadama beelaha Gadabuursi ay  ka cod bateen iyagoo beeluhu kala haysta 10 xildhibaan oo beelaha Gadabuursi ah  iyo 7 toddoba Xildhibaan oo Beesha Ciisa ah.

 

Beesha Ciise oo awal intaan doorashooyinka degaankaa laga qaban lahaan jirtay Maayarka magaaladda Saylac ayaa maanta weyday kadib markii ay tobanka Xildhibaan ee Majooratiga deegaankaas doorashada ku helay noqdeen kuwo ka soo jeeda Beelaha Gadabuursi kuwaas oo maanta fadhi ay yeesheen ku dooratay Maayarka iyo Ku-xigeenkiisaba.

 

Maayarka la doortay Xuseen Iidle Shire oo saxaafada qaar la hadlay ayaa sheegay in la doortay isla markaana ay Sharciyadda waafaqsan tahay doorashadiisa iyo tan ku xigeenkiisuba.

 

Waxana uu yidhi "Waxa aanu maanta qabsanay kulankayagii ugu horeeyay waxaana fadhiyay toban xildhibaan oo Cod isku qaaday. Waxaananu ku qabsanay xarunta Dawladda hoose” isagoo intaa raaciyay “ In sidaasi waafaqsan tahay Xeerka is maamulka Goboladda iyo Degmooyinka SL”.

 

Maayarka cusub ee la doortay waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyin ka dhacay Degmadda ka hor intaan la dooran “ Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka ee na dhaarin lahaa iyo Guddoomiyihii Komishanka ee Gobolkaba shalay ayaa magaaladda laga saaray oo la si yidhi yaanay dhaarin, arrintaasna waxa sameeyay badhasaabka Salal oo Reer noqday oo Nidaamkii Doorashooyina u bedelay qaab qabyaaladeed kuna hanjabay beeshooda mooyee inaanay cid kale Maayar noqonaynin” ayuu yidhi

Sidoo kale waxa uu dhaliil u soo jeediyay Xukuumadda “ waxa na soo gaadhay Madaxweynuhu markii uu yimi inuu fariin ka keenay Jabuuti odhanaysa Maayarka hala siiyo beesha Ciise, taasina waxay keentay inay sii kiciso arrinta oo ay Xildhibaanadu maanta fadhiistaan iskuna codeeyaan” ayuu yidhi

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use