SAYLAC:Mayerka Cusub Ee La Soo Doortay Degmada Saylac Oo Xilkii La Wareegay Iyo Gaadhigii Dawlada Hoose Oo Lagu Gubay Guriga Badhasaabka Salal
Ilaa shalay oo lagu jiray qaban qaabada iyo shirar xaga amniga ah
oo maanta la soo afjaray.Gudoomiyaha Cusub ee golaha deegaanka Magaalada Saylac ee dhawaan la soo doortay ayaa si rasmiya maanta xilka loogu wareejiyay.Xaflada oo ay ka soo qayb galeen dad tiro badan oo iskaga yimiday tuulooyinka ay xukuntoMagaalada Saylac iyo marti sharafkale ayaa goob joog ka ahaa.Wariyaha Boramanews oogoob joog ka ahaa xaflada ayaa sheegay in Agaasimaha wasaarada arimaha Gudaha oo xilka u kala wareejinayay Mayerka Cusub ee Lasoo doortay iyo kii hore ee xilka ka dagaya ayaa goobta hadal dhiiri galin ah ka jeediyay.
Mayerka Xilka wareejin lahaa ayaa goobta joogin waxaana halkiisii buuxiyay ku xigeenkii
Degmada Saylac ee xilku ka dhamaaday.
Dhanka kale sida uu Gudoomiyaha Gobolka A
wdal Mudane Sidci uu Boramanews u xaqiijiyay
waxaa wax yar ka hor dab la qabadsiiyay Gaadhigii Mayerka Dawlada Hoose ee Saylac oo yaalay
Guriga Badhasaabka gobolka Salal.
Gubida Baabuurka ayaa la sheegayaa in ay ka dambeeyeen rag marti ku joogay guriga
badhasaabka oo ka xanaaqsan guuldaradii doorashada ka gaadhay.
Booliiska Saylac ayaa imika damiyay gaadhiga baadhitaana ka wada arintaasi,Wali
lama hayo cid loo qabtay falka gubida gaadhigaasi.
Dhanka kale magaalada ayaa xaalkeedu degan yahay ciidamadii shalay ka hawlgalayna
xerooyinkoogii bay ku laabteen deegaanka Bariisle.Ganacsiguna wuu furan yahay.
Xigasho Boramanews