Saylac Waa Somaliland, Xornimada Saylacna Waxay Sharaf U Tahay Shacbiga Somaliland Oo Dhan Iyo Dawlada Dalka Ka Talisa Ee Yaan Saylac Laga Dhigin Wax Shandada Lagu Qaadi Karo.
Morankii maamul usamaynta ee ka taagnaa degaanka Saylac oo haatan soo dhamaaday ayaa hadana noqoday mid nin walba sida uu jecelyahay uu udhigo iyada oo dadka wararkaa aadka u buunbuuniyina ka sheekaynayaan balaayooyin iyo colaado u gaar ah dadka degaanka wada dega oo aad moodaba in meeshii loo rogay aag dagaal oo udhexeeya Ciise iyo Gadabuursi iyada oo meeshaba laga Saaray inuu shaqayn karo awoodii iyo maamulkii dawliga ahaa ee marka horaba la isku haystay.
Waxana sii xoogaysanaya aaminsanaantii la aaminsanaa in xaaladu tahay mid u dhaxaysa Ciise oo dawlada Djibouti wata iyo Gadabuursi oo bilaa dawlada oo kaligii taagan, oo ay waliba dadka qaar faafinayaan brobagaandhe ah in Somaliland iyo Djiboutiba arintan heshiis ku yihiin oo ay rabaan in aan Gadabuursi Saylac maamulkeeda loo ogolaan inkasta oo arintu ku dhamaatay sidii xildhibaanadii aqlabiyada helay rabeen.
Dadka qaarna waxayba ku doodayaan in Djibouti cadaadis xoogan oo aan la garanayn wuxuu ku salaysanyahay ku saartay SL in ay iyada udeyso talada degmada Saylac arintaas oo umuuqata mid aan sal iyo raadtoona lahayn lana garanayn waxa tuhunka nuucana keenay iyada oo ay aqligaba ka weyntahay in Soomaliland oo ah daljiraayi hadyad usiiso dhulkeeda dalkale.
Balse marka dhabta loo hadlo arinta iyo moranka Saylac ma ahayn mid ku salaysnaa xuduud qaybsi udhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Djibouti, ama dooda gorfaynta Saylac ka dhalatay ma ahayn in Somaliland faraha kala laabato nabadgalyo daro iyo fanqalaalo ka dhaca degaankaas.
Xukumada Siilaanyona hadii ay daawato cid kasta oo nebedgalyada degaankaas wax u dhimaysa ciday doontaba ha ahaatee iyada ayaa ku ceebaysan ileyn sobobta ay u jirto ee ay dawlada ku tahay waa inay ilaaliso xuduudaha iyo nabadgalyada dadka iyo dalkoo dhanne.
Waxanan aaminsanahay in Siilaanyo qancinayay uun madaxweyne Geelle iyo ergadii Ciise ee aanay arinta ku saabsanayd diidmada uu Madaxweyne Siilaanyo diidayay hogaanka ay doorteen aqlabiyada golaha degaanka Saylac mid oday siilaanyo ka soo go'day.
Hadaba miyaanay haboonayn dadka arimahan ka faalloodaayi in ay horta hubiyaan waxa ay qorayaan ama ay sheegayaan, gaar ahaan qaar kamida saxaafada reer Awdal oo aad moodaba baryahan dambe in ay ku jiraan wakhti ay u horkacayaan bulshada reer Awdal in ay noqoto mid cidla joogta oo aan saaxiib lahayn.
Nabadgalya la’aanta ku timaada Awdal/Salal, waxa ku ceebaysan wax walbana ku waayayi waa xukumada maanta SL katalisa iyadayna ku haboontahay in ay deganaashaha Saylac cid walba uga lexejeclo badnaato hadii kale meel walba reerka yar ee degan uunbaa calankii awoowgood ka taagan waxana iman karta in qolaba qoladay ka xoogbadantahay muquumiso oo ay dhul iyo hanti iyo sharaftaba ka qaadato.
Si aanay taasi u imana waxa looga baahanyahay xukumada Somalilandna maanta ka talisa oo aan anigu aaminsanahay inaanay wali hayn wadadii saxda ahayd in ay xaalka dejiso tustana dadka kalsoonida wadaninimo waayo taas ayaa lagu yahay wadan jira ee hadii kale xaalku kama duwanaanayo waxa ka dhacaya jiraankeena
Dadka reer Awdal/Salal ee arintan kaligood isku mashquulinayana ama kala jiidanayana lexejecladu ma xuma waana la isku qaban karaa waxase wanaagsan marka nabadgalyada laga hadlayo in ay madaxda xukumada kaga jirta gobolka iyo kuwa kale ee qaranka kala xisaabtamaan doonista shacabka iyo nabad galyada in ay is waafajiyaan iyaga oo aan garamarayn hanaanka dimiqoraadiyada ee dalka ka bilawday intii ka horaysay xukumada maanta taagan.
Mar labaadna shacabka reer Awdal waxan odhan lahaa colaada iyo xumaantu ma waaraan ee wanagaa waara waana in la ogaadaa in arimahani iska dhamaan doonaan sidaa darteedna ay haboontahay in aan lagu kicin aflagaadooyin iyo waxyaalo hadhaw markay nabadi timaado inala fool xumaada. Gaar ahaan tolkay Gadabuursi waxan odhan lahaa Ciise dhulka waa inala degaa waanan is dhalay ee yaan lagu talaxtegin. Beesha Ciisana waxan odhan lahaa horay waad u maamulayseen Saylac Gadabuursina waa idin agjoogay uun ee xaalka ha la dejiyo oo caqliga wanaagsani ha shaqeeyo kuna dedaala in aad si nabada oo tartan xor iyo xeeladba iskugujira ugu soo ceshan lahaydeen Maayarnimada Saylac haday idiin suurto gasho laakiin xoog iyo xiqdi yaynaan is dhaafsan
Cabdale faarax Sigad
Sigad12345@yahoo.co.uk