Sabankani dadkii wada sinaa
Kala saraysiiyay
Sabankani runtii laga saftee
Soofe lagu goyay
Sabankani fulihi soorya helay
Ee geesi la sadqeeyay
Sabankani nikii saaqidaa
Sacabka loo jiibin
Sabankani siloonkiyo waxshiga
Sunaha loo qaatay
Sabankani amaan la isku siin
Siddig irmaanaatay
Sabankani caqligi suulayee
Talo siloonaatay
Sabankani qabiil iyo suntii
La isku sooryayni
Sabankani ninkii samir lahaa
Fulle lagu sifaynaayo
Sabankani sinaantiyo axdiga
Sida xun loo qaatay
Sabankani saxdii laga tagee
Qalad saraysiiyay
Sabankani sifaha sharciga
Sumini goynayso
Sabankani sadkaagii ninkale
Sibiq ku qaadaayo
Sabankani adoon seexan
Lagu sakhaalaayo
Sabankani sicii weyd ahaa
Sararyo waynaaday
Sabankani ninkii nacas ahaa
Nasab ku faanaayo
Sabankani ninkii soori jiray
Saxanka leefaayo
Sabankani sikhigi aamusee
Seef labood hagayo
Sabankani Somaliland
Seegtay marinkeeda
Sabankani Siilaanyiyo Saylici
Dalkii loo sadqaynaayo
Sabankani dastuurkii
Surinka loo weecshay
Ee nin waliba siduu rabo
Ula Sabaynaayo
Allahayow sibay noqotay qarannimo
Oo way na sidataaye
Bal noo sahal adaa saatiroo jiree
Cabdale Farax Sigad
Sigad12345@yahoo.co.uk