\WelcomeToQuljeedNet Awdal 

 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

17-01-2013 

Qurshaha Ku Lamaan Safarka Wasiir Duur Saylac Ku Joogo Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka SL Saylici Oo La Sheegay In Uu Door Weyn Ku Leeyahay Safarka Wasiirka

Sida la wada ogyahay waxa baryahan safar kujooga magaalada Saylac wasiirka arimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) waxana uu safarkiisu soo baxay iyadoo arimihii cakirnaa ee ka jiray degmada Saylac kuwaas oo ka dhashay dooroshooyinkii degaanka ee bil ka hor dalka ka dhacay intii ugu muhiimsanayd lasoo afjaray kadib markii ay xukumada Somaliland ku qanacday in ay aqbasho rabitaanka mudanayaasha iyagu aqlabiyada golaha degaanka Saylac ku soo baxay kuwaas oo rabitaankoodu ahaa in ay iyagu Maayarka iyo Maayar ku xigeenka degmada Saylac sida ay rabaan u doortaan.

Hadaba iyada oo ay mudo badan arintu cakirnayd isla markaana ay ergooyin badani horay u galeen sidii loo xalinlahaa arinta Saylac, lana wada ogyahay  in dad kamid ah shacbiga kasoo jeeda degaanada ay sida weyn utaabatay ariinta Saylac in ay nafahooga ku waayeen qaarna ay ku dhaawacmeen arintaa darteed, taas oo ugu dambayntii keentay in uu  madaxweyne Siilaanyo arinta  go’aan ka gaadho, go’aankaas oo noqday in arinta Saylac lagu dhameeyay sidii ay rabeen xildhibaanadii aqlabiyada lahaa ee ay dadku soo doorteen, ayey hadana dad badani maanta isweydiinayaan sobobaha uu mar labaad wasiirka arimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) uu usoo cusboonaysinayo arintan isaga oo aan horay wasiirku arimaha Saylac usoo fara gashan isla markaana ay wixii la isku hayayba xukumada Siilaanyo mar hore go’aan ka gaadhay.

Hadaba sida ay sheegayaan warar laga soo wariyay ilo wareedyo ku dhawdhaw aqalka madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Saylici ayaa tibaaxaya in uu madaxweyne Siilaanyo todobaadkii hore isku keenay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylci iyo  Sadex Oday oo kasoo jeeda beesha Ciise oo kamid ahaa ergadii Ciise ee u joogtay Hargeysa arinta Saylac oo uu wahelinayay Xildhibaanka baarlamanka Somaliland kaga jira beesha Ciise xildhibaan Cali Areeye iyada oo dhinaca madaxweyne ku xigeenkana la sheegay in ay ku wehelinayeen kulankaa wasiir ku xigeenka waxbarashada Cali Xaamud Jibriil Iyo Xildhibaan Abiib Cabdi Good oo isaguna kamida xildhibaanada golaha wakiilada SL kaga jira gobolka Awdal.

Waxana la soo wariyay in kulankaa lagaga hadlay sidii loo qancin lahaa beesha Ciise taas oo la sheegay wada xaajood dheer ka bacdi in Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday in madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici uu arinta si odaynima ah ku dhameeyo maadaaba ay xildhibaanada beeshiisa kasoo jeedi ay maanta gacanta sare leeyihiin isla markaan Saylici yahay masuul qaran.

Wuxuna madaxweyne Siilaanyo sida la sheegay ka codsaday madaxweyne ku xigeenkiisa Saylici in uu ku qanciyo xildhibaanada beeshiisa in ay arinta dib ugu noqdaan oo ay beesha Ciise u baneeyaan kursiga maayar ku xigeenka degmada Saylac si xiisadaha iyo saluuga jiraayi gabi ahaanba u soo afjarmaan.

Wada xaajood dheer ka bacdina waxa la sheegay in uu Saylici qaatay talada madaxweyne Siilaanyo isla markaana uu usheegay odayada Ciise iyo madaxweyne Siilaanyaba in ay isaga ka war sugaan isaga oo Saylci waliba  ka codsaday madaxweyne Siilaanyo in uu arintaa fasax u siiyo in wasiirka arimaha guduhu kala shaqeeyo taas oo Siilaanyona dhankiisa aqbalay

Kadib is afgaradkaa dhex maray madaxweyne ku xigeenka Saylci  iyo madaxweyne Siilaanyo waxa la sheegayaa in Saylici wasiirka arimaha gudaha la kulmay isla markaana isagu u wakiishay arinta Saylac iyada oo go’aanka madaxweyne ku xigeenkuna yahay in Maayar ku xigeenka Saylac ee  hada jooga mudane Sacad Daahir Cige loo fidiyo dhaqaale kadibna uu iska casilo jagadaas si dib loogu doorto xildhibaan kasoo jeeda beesha Ciise. Waxana la sheegayaa in shalayba uu wasiir Duur usoo bandhigay arintan xildhibaanada aqlabiyada golaha degaanka Saylac ku guulaystay walina ma kala cada in arintan ay aqbaleen xildhibaanadaasi iyo in kale.

Arintan ayaa hadaba haday runtahay waxay dad badan oo reer Awdal ah ku noqonaysaa dib u dhac iyo tuhun keeni kara aamin daro soo kala dhex gala  bulshada sida weyn iskugu raacday arinta Saylac ee  la ogayahay in dad u geeriyoodeen dhiigna u daatay. Waxana sidoo kale ku fashilmaya arimihii kutidhi kuteenayga ahaa ee sheegayay in Madaxaweyne ku xigeenka SL Mudane Cabdiraxmaan Saylici meel adag iska taagay qadiyada Saylac, inkasta oo aan wali laga maqal madaxweyne ku xigeenka wax wara oo ku saabsan meesha uu ka taaganyahay arinta Saylac.

Dhanka kale labada masuul ee xilalka maayarka iyo maayar ku xigeenka Saylac ayaa iyagu sida la ogyahayba kasoo kala jeeda beelaha Gadabuursi lamana garanayo in ay xildhibaanada aqlabiyada lihi yeeli doonaan arinta wasiirka arimaha guduhu  meesha la tagay.

Quljeednet.com Boorama

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use