btay Ayaa asJ

WelcomeTo QuljeedNet Awdalas

 

 

 

 

                 Home    Contact Us   About US            

 

25-12-2011

 Jawaab:Q3aad Waa Kuma Cumar C.Lugweyne.

Waa Kuma Khaliif

Inta aanan u gudbin taariikhda madow ee Khaliif Sheekh Faarax Gorod….

Aan gunaadad iyo tallo aan ujeedinayo amase garnaqsi ku socda Al haaji CumarCumaraw lama diidano in aad muxaafid noqon, sideyna u jirin dawlad wadda karaani ah oo kale,sidoo kale adigoo in aad amaanto madexda aad aaminsan tahay amaa aad ku sheegto dhalad ibnu dhalad waamid wanaagsan.

Cumaraw in aad hawshaa amaanta u gasho hal kurso oo walaalkaa ku fadhiyaa waa xaarantolkaana saamigii uu kulaa ku lumaa waa nasiibdarro .. Haaji ha ka dhigin (Baadida nin baa kula deydayi daalna kaa badine, haddana aan dooneyn in aad hesho daa’im abidkaaye, dadkuna moodi duul wada dhashoo wax u dahsooneyn)

 

Sidookale Saylicina yuu ka dhigin hadalkii cali dhuur. Ee ahaa ( tumulkuma qadeyniyoo, cabdaw taharo qaydhiin dhe,hadalkii la tuugeysan jirey waan ka togannaa dhe, nina ima taxaaboo anay taydda noqotaa dhe,tuurtii badaanayd annaa u taliya dooxii dhe)… kuwase xasasiyadda ka qaba amaanta ina Cabdullahi iyo korsiintiisa in uu hadahiisu ka soo jeedda dawalddii Adel Empire ee saylac, edeb iyo asluub wacanna leeyahay waa hal ku dhigyo taariikh ah, laakiin yeyna kaa noqon Cumar Cartehii afweyne ku yir( saddex buu nebbigii ka shabahaaMagaciisoo Mohammad ah, Diintiisoo muslim ah, iyo xaaskiisoo khadiija ah)..

 

Cumaraw adigoo mayd kuu yaal xabaasha tusheedda durbaan latumo iyo xafladdo la aloosaa waa dhaqan gadabuursi aanu lahayn ,oodo dhacameed sidey u kala sareeyaan baa loo kala qadaa, mid walba mudnaanta ay leedahaa baa la siiyaa, maalintaa xafladdu may ahayn mid inagu haboon, haddiise ay dhacdey, dadkii wax ina kala gaadheenna la isku yimid, adigoo muxaafid ah in aad garnaqsataa waa mid meesha kuu taal bay ahay, GARTII DIID WAA ALLE DIID BAA HORE LOO YIRI……..

 

Cumaraw horaa loo yiri…. Labaatan jir lama orotamo, Afartan jir lalama legdamo, lixdan jir lalama garammo, sideetan jirna lama lexejecloodo…. Waxaad joogtaa hirka dambe ee ah 07-80ka kuna suntan yaanay adduun idin dhex marin, adigoo dhiig kuu yaalin xafladdo iyo tumasho loo dhaqaaqo waa shay xaaran ah , dhacdey maante yeyse soo noqon, sidoo kale ma aadsoo qaadin dhacdadii in sida ugu degdegga badan loo maareeyo, waa mid dhacday.. geedka lagaga gar helayo cumaraw lama teggo…

Midda kale waxaa iga tallo ah, mar haddii muuqaagu yahay ahludiin, quraan rug , salad xafid, in aadan u dhaqamin sida culimadda IIDOOR , Maxaa yeelay waxaa dhaci jirtay bariyahii aan joognay Hargeysa sheekhii minbarka joogay markuu dhameeyo salaaddii, ee laga soo baxo masjidkii in uu gacanta intuu ku qabto ku yiraahdo (maanta aan kuqayillo kurgii milgo-dheer, saa labo gabdhood oo hadda soo gallay ayaa yimid oo xaaddii ku taal, asarka markay gaadhona ay dhacdo isku durkaay)….

 

Qolyahayagan ka soo horjeedda maamulka Hargeysa, een ku dhisneyn cadaalad, kana fog iimaankaiyo akhlaaqiyaad ka ummaduhu leetyahiin, ujeedadayaddu ma ahin burbur ee waa dhisme gadabuursi iyo xaqqa maqan oon soo dhicino, sidoo kale qolyahiina muxaafidka ahina waa in ay noqotaa raadin xaqqa gadabuursi ee maqan, keenni badiya uun bay guushu raaci, tolkiina wax u qaban…

 

Cumaraw yeynaan u xisaabtamin sidii wiilkeena khamiis u socday ee subaxii gurigii kaboolaha ka kalahay ee tegay Airportkii Djeddah, kuna soo laabtay salaaddii cishaa.. markii la weydiiyey maxaa ku helay miyaadan tegin yiri(Maanta sucuudiyatuclin uun baa baxaysay), ee la yiri waar ha ku celin , yeyna ina maqlin kuwii IIDOOR…ee uu yiri Waar iyagba intaa way qarsanayaane way jabayeen.kkkk

 

Fiiro gaar:.Inta aanan u galin taariikhdii aan ku ballan qaaday.. waxaan soo koobi doonnahab nololeedkii odeydhaqameedkii,sultaanaddii, caaqiladdii, siyaasiyiintii gadabuursi inta nool iyo intii dhimatay… halkaa fooxumo horle baa ku jirta laakiin waa taariikh xiiso iyo xamasad badan.!!!!!!!!!!!!!!!!!!

 

A.Barkhadle.I.(Waraabe-cadde.)..


adbarkhadle@gmail.com>

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

 

++

 

 

 

 

a