\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

17-12-2012

Wiil Madaxweyne Siilaanyo Adeer U Yahay Axmed Jaamac Maxamuud (Bureeqa) Oo Si Qiiro Leh Uga Waramaya Waxyeeladda Ka Soo Gaadhay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Qoyskiisa “Adeerkay Siilaanyo Ila Barta”

“Adeerkay si uu u fahmay mooyaane waxaan ogaaday isagoo reerka kula kaftamaya ninkaasi waa inaga duwan yahay, waxbase umaan arki jirin ilaa markii ay caruurtiisii waynaatay ee la soo gaadhay sagaashameeyadii” Axmed Jaamac Maxamuud Bureeqa

Hargeysa (Halbeegnews)– Axmed Jaamac Maxamuud (Bureeqa) oo uu adeer ruma u yahay Madaxweyne Axmed maxamed Maxamuud Bureeqa (Siilaanyo) ayaa markii ugu horaysay taariikhda wuxuu soo bandhigay dhibaato iyo waxyeelo ka soo gaadhay adeerkii Siilaanyo iyo qoyskiisa, wuxuuna shabakaddani Halbeegnews soo gaadhsiiyey qoraal uu ugu magac darray “Adeerkay Siilanyo Ila Barta” isagoo farriintana gaadhsiinaya shacabka Somaliland.

 

Axmed Jaamac Maxamuud wuxuu ku ifafalaynaya qoraalkiisa naxli iyo takoor aan qiyaas lahayn oo Madaxweyne Siilaanyo kula kacay, wuxuu ka hadlaya sida uu u xumeeyey, qoraalkaasi Axmed oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyey Halbeegnews wuxuu u dhigna sidani:

 

“Wallaahay aad ayay iigu adkayd inaan qoraalkan qoro umadana usoo bandhigo waxyaabo badan oo aan muddo aniga igu koobnaa, hase yeeshee maanta waxaa igu kelifay in aan soo gudbiyo waa arimo badan oo dhawra oo aad ka fahmi doontaan qoraalada aan soo gudbin dono. maanta waa araar tii adeerkayna waxaan rabaa bal inaad ila ogaataan nooca shakhsi ee uu yahay iyo sida uu dadkiisa ama caruurtiisa oo aan ka mid ahay ula dhaqmay.


Maanta anigu waxaan ahay nin dilan ama dhintay hadana nool, ma arko waalidkay ma arko caruurtaydii, ma arko adeer inader, abti habaryar iyo tol kale toona  waxaana kalifay oo bilawgeedii aan kaw  ka haa adeerkay axmed mohamuud mohamed(SIILAANYO) .

 

Maanta waxaan ahay nin weyn oo kontonkii waydaartay wax bartay meelo badan oo aduunyada ah kasoo shaqeeyey waayo arag ah, hadaba waxaanan marnaba ku tashan in ay noloshaydu ku danbayso sida ay maanta tahay oo ah mid aan keligay ahay denbi aan galayna aanu jirin, cid ma dilin cid kuma gardaroon weliba waxaan ahaa qof afgaaban oo umaddu ka amaan hesho oo aan dadkaba is qaban.

Waxaan dalkan uk soo degay badhtamihii sideetameeyadii isla markiiba waanka shaqo galay waxbarashadiina waan sii watay, waxaa iyana halkan deganaa aabahay adeeraday iyo caa’ ilad farabadan oo aan lahaa, nasiib bay ii ahayd inaanan wax badan tebin waxaase iyana aan aad isu baranay adeerkay  ahmed mohamud mohamed (siilaanyo) adeerkay markasta ixtiraam waalidnimo ayuu iga mudan yahay waana taageri jiray waagaas snm sidii reer somaliland oo dhami ay u taageri jireen, hadaba waxaa dhacday in aan ahaa markaas nin weyn oo wax bartay markaa anoo ixtiraamaya adeerkay ayaanu marmar fikirka aan kaga duwanaan jiray manay keeni jirirn muran ee aragti uun bay ahayd, maanse filanayn in ay ila sii fogaanayso .

 

Adeerkay si uu u fahmay mooyaane waxaan ogaaday isagoo reerka kula kaftamaya ninkaasi waa inaga duwan yahay, waxbase umaan arki jirin ilaa markii ay caruurtiisii waynaatay ee la soo gaadhay sagaashameeyadii oo aan dareemay in uu u arko in aan qadarin gaara siiyo caruurtiisa oo ana aan u arkayeye wallaaladay oo iga yaryar oo aan ka waayo aragsanahay kana aqoon badanahay, laaakin marnaba umaan fahmayn in uu rabo in aan reer ahaan fahamno in isaga iyo caruurtiisu reerka inta kale ka fiican tahay. halkaa markii ay maraysay ayaa waxaan dareemay in adeerkay aanu ku faraxsanayn la kulan kayga iyo aragtiyooyinkayga waxaana dareemay in ilaa xataa adeeraday iyo ilmaadeeraday ii arkaan nin keligii socod ah.

 

Waagas ayaan guuresaday oo nin reer samaystay noqday oo shaqdii iyo reerkii ku mashquulay siyaasaduna mabay ahayn anigu waxaan jeclaa  ama laygu xanto hase yeeshee waxaan ahaa qof fikirkiisa cabira hadii laga tegi waayo. waxaan aad u iman jiray goobaha somalidu isugu timaado waxan ka qayb geli jiray marba waxa jira ee la wado welina cid aanu wax iskaga hornimi may dhicin , waxaase jirtay in arimahan aan ku jiraaba aanay ahayn wax reerku ka raali yahay oo aanan anigu ogayn, hebelbaa hebel ku kacsan iyo berigii baa hebel sidaasi yeelay oo waa kuwii ina xumeeyey waxaas oo dhami aniga iima bilawnayn, taasina waxay keentay in xataa tolkii guud layga horkeeno oo colaad aanan qiyaasi karini igu dhacday oo saamaysay in dhawr jeer gacanta layla tegeay, waxaase gaar iisaaray oo aan naftaydii u baqay markii laygu sheegay waxaan dadnimada ku wanaagsanayn oo aan dhaqanka ku wanaagsanayn oo diinteenu meel adag iska taagtay, noqotayna arinka iga goysay tolkii, waalidkii caruurtaydii iyo xaaskaygii igana dhigtay nin keligii ah .

 

Waxaan idiin faahfaahin doonaa arimo badan qaybaha kale ee sheekadan iyo arinkaa danbe ee dilka ah”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use