\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

21-12-2012

Mayarkii Hore Ee Berbera Xildhibaan Cabdalle oo Xukuumada Uga Digay Farogelinta Goleyaasha Deegaanada

Maayarkii ee Magaalada hore Berbera Md. Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle-Sandheere), ayaa Shalay ku eedeeyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in ay si qaawan u faro-gelisay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Deegaanka ee Degmada Berbera.

 

Cabdalle Maxamed Carab oo Saaxafada la hadlay markii uu dhamaaday kulan ay xubnaha Golaha deegaanku ku doorteen Maayarka iyo Maayar-ku-xigeenka Degmada, ayaa Xukuumadda uga digay inay ku kacdo falal ay maroorsanayso hoggaanka Goleyaasha Deegaanka ee dalka, waxanu uu ugu baaqay inay joojiso arrintaas, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa ereyadiisii ka mid ahaa; ..Waxaan se xukuumadda leeyahay idinkuba kursiga doorashaad ku timaadeen faro-gelinta ha laga daayo Golaha deegaanka.

 

Dhiinaca kale Maayarkii hore ee Berbera Cabdalle Maxamed Carab, waxa uu ballan qaaday in uu la shaqayn hogaanka cusub Golaha deegaanka cusub..Waxaanu ugu bushaaraynaynaa dadweynaha ku dhaqan gobolka Saaxil inaanu si wanaagsan ula shaqaynayno, xil wareejin wanaagsan aanu u samaynayno waxaanan u rajaynayaa guul... Ayuu yidhi Md. Cabdale.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com 2010 Privacy Policy Terms Of Use