\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

 26-12-2012

Top:Akhri Maqaal Xiiso Badan Iyo Xigmado Is Dulyaala Xambaarsan Oo Uu Axmedweli Good  Ku Falanqaynayo Somaliland Iyo Faham La'aanta Reer Awdal

Reer Awdal iyo Salal oo immiga uu fahmay Somaliland.


Sida faallo hore oo ku qoran shabakadda awdalpress.com  aan ku soo sheegay, waxa Somaliand ka curtay isbeddel siyaasadeed oo hor leh. Waxana uu la kowsaday doorashadii degaanka ee dhacday 28kii bishii November 2012. Taasi oo shacabka reer Awdal iyo Salal ku keentay faham cusub oo siyaasadeed, dadaal iyo karti cusub oo ay mar kaliya arkeen qiimaha ay ku dhex leeyihiin Somaliland iyo in ay horumarkoodu ku dhex jiro sida ay ula shaqeeyaan amma uga shaqaystaan Somaliland.

 

In badan ayaan arki jiray amma maqli jiray dadweynaha gobolladaasi ka soo jeeda oo ka sheekaynaya SNM ayaa dhulka haysata, Mujaahidka la sheegayaa ma ka na dilay ayaa mujaahida iyo Isaaq ayaa dalka gumaysta. Waxana ay aad uga fogaayeen fagaarayaasha iyo xafladaha bulshada Somaliland fahamsanayd ay samaysanayaan. Marka aad weydiisana waxa ay kuugu jawaabi jireen, “waar naga daa, ma waxan tagaa meesha qabyaaladda lagu walaaqanayo ee Mujaahid iyo SNM lagu hadal hayo, ee Calankii xabaaluhu ka lushan”. 


Oo hadda ogoobey,  marka aan anigu tago xafladaha reer Somaliland ee aan ka qudbadaynayo , ee aan weliba wax ka sheegayo dhalliilaha ka jira Somaliland iyo qurbahaba, waxa aan dhinacooda, aan dhex joogo ka ahaa nin jira, runo badan oo aan sheegana waabay u khushuucaan, anna waxaban  markaa isku arkaa in aan  ka fariidsanahay rag iyo dumar badan oo aan anigu u arko dad qiimo badan ammaba iga qiimo badan. Waxanan ku tamanniyi jiray xilliyadaa aan ka qayb galayo xafladahooda,  oo haddii reer Tolkaa meesha  maalin uun soo cammiri lahaa way is beddeli lahaayeen, haddii ay Mujaahid iyo waxa la halmaala ay diiddan yihiinna waaba laga dayn lahaa. Mase dhicin in ay ka soo qayb galaan xafladahaasi waanay iska xaaraantinimeeyeen. Ku darsoo farqi dhaqanna waa jiraa.


Anigu waxan is idhi malaha waxanay helin siyaasiyiin wacyi gelisa, oo shikiga ka saarta. Tustana in Somaliland ay tahay nidaam ay dhinacooda wax ku qabsan karaan. Sida ay moodayaanna aanay ahayne,  qaybta ay ku leeyihiini ay ku xidhan tahay iyaga laftooda. Balse aanay ka sugin nin  isaguba wax sii raadinaya.


Doodaha qaar marka Somalilanderska amma badi dadka beesha Isaaq ay la doodayaan Samarroon amma dadkaa ka soo jeeda Awdal iyo Salal, ayaan qosli jiray, waayo waxa ay ahaayeen kaaf iyo kala dheeri. Had iyo jeerna ka Isaaq waxa uu iska dhigi jiray rasuulka fidinaya mabda'a Somaliland, kuwa ka soo horjeedana malaha waxa ay u arkayeen gaalo, halka Gadabuursiguna uu iska dhigi jiray ka la qabsaday ee dulman, af gobaadsiguna ahaa nabadda ayaan ilaalinayaa. kaftannada qaarna waaba lagu kala yaaci jiray. Hadda ogoobey aniga laftaydu wakhtigaa, mabda’aygu kolba dhinac ayuu ahaa, igamana ahayn in aan bilaa mabda’ ahay, balse doodda degaannada ayaa kolba dhinac ii jiidanaysey, waxa kale oo aan la laba lagdoomayey caddaaladda oo weli maqan. Oo weliba dadkaygu tirsanayo caddaalad xumo ee saamiga qaybsi la’aan.


Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa da' tirsaday wakhtigii Somaliland jirtay, waxa xididdadoodu fogaadeen nidaamka dawladnimo maanta doorashada lagu galay, ee shalay doorashada lagu galay. Bisayl siyaasadeed ayaa loo gudbay. Sida muuqatana damacii iyo tartankii ayaa cirka isku sii shareeray. Waa la kala fur furtay, oo haybtii qabiil ayaa dib u soo noqotay. Ha soo noqotee, dhinaca dawladnimo waxa ay ku yeelatay waji taban iyo mid togan. Ka tabani waa calool xumo ay kala qaadaan beelaha walaalaha ah, amma Isaaq  dhexdii ha ahaadeen amm Gadabuursi iyo Ciise. Harti u geli maayo, oo weli way dambeeyaan, sheekada aan ka sheekaynaynana weli may soo gaadhin.


Dhinaca toganina waxa uu keenay doorasho xalaal ah, oo qof walliba degaankiisii u taliyo. Waxa uu meesha ka saaray is huwanaantii iyo boobkii qarsoodiga ahaa, ee qof walliba uu libaaxa ahaa. Dhul boobkii ay dadka qaar dhul aanay lahayn iska sheeganayeen ayaa la xabaalay. Sheekadu marka ay halkaa marayso ayuu Gadabuursi fahmay macnaha Somaliland. Haddii uu fahmayna waxa uu gude iyo dibadba si cadho leh uga jawaabay, sida ay uga go'an tahay in ay dhulkooda uga taliyaan iyaga oo reer Somaliland ah.

 

Taageerana waxa ay markii ugu horreysey la garab joogsadeen doorashada degannaka Somaliland ka qabsoontay. Sidaasi daraadeed waxa ay qayb weyn ka qaateen doorashadii degaanka ee ugu dambeysey. Intii doorashada loo soo socdayna waxa lagu gambalay dhulkooda iyo jiritaankooda, waxanan markhaati u haysannaa sida ururkii laga badiyey ee Xaqsoor uu u dhigay shaxdiisii ahayd adna wax hel beelaha walaalaha ( Gadabuursi iyo Ciise ) ahna isku jabi, oo ahayd siyaasad aad u gurracan isla markaana Somaliland ku ahayd qaran dumis. 


Madaxweyne Siiraanyo oo ah nin waaya aragnimo tirsaday, kursiga uu ku fadhiyana u soo dulli cunay, ayaa isna noqday shakhsi ay degaannada Awdal iyo Salal u qiraan in uu yahay nin jira. Taariikh fiican ayeyna u dhigeen markii bishii hore Jaamacadda Cammuud lagu guddoonsiiyey Shahaahadda PhD oo lagu sharfay ( Libaax waa og yahay nin galladay iyo ganayba ). Hadda  la iskama siin uun, waxa la qiimeeyey waxqabadkiisa, daacadnimadiisa uu kula dhaqmo reer Awdal.  Wakhtigaa ogoobey lama mooga in uu maamulkiisu weli janjeedho, oo aanu weli toosin. Dadkuna wax badan oo saamiya ka tirsanayaan.

 

Gogol baana loo dhigtay, oo waatii la ogaa war saxaafadeedkii xildhibaannada uu Ahmed-yaasin Sh Cali Ayaanle hoggaaminayey wacdarihii ay dhigeen. Balse shaxdiisa dawaladnimo waxa ay iska ahayd  dallaalimo uu kaga gudbayo dooxa uu dhex joogo, taladuna isaga ma dhaafsiisna, oo wasiirradiisa tirada badani way iska badan yihiine inta talo mugle wasaaraddooda ugu talisaa waa faro ku tiris, xaalka uu wasiirrada ku soo xushaana weli xul maahee waa xal.


Haddii aan taariikhda dib Somaliland iyo gobollada galbeed dib u milicsanno, waxa dadka reer Awdal soo maray madaxweyne ka dhashay, oo muddo dheer hoggaamiya Somaliland, waxa uu ahaa nin shakhsi ahaan hoggaamiye ah, gobolkii Awdalla waxa uu u kala jaray Awdal iyo Salal, sida uu wax u qaybiyeyna waa la ogaa. Oo reer Awdal iyo Salal midna kuma qanacsanayn. Haddii aan lagu qancinna lagama dhiidhiyin.

 

Wasiirrada iyo Agaasimayaashu iska sidan ayuun bay ahaayeen. Marka odayada reer Awdal u tagaanna waxa beerlaxawsigiisu ahaa ‘ waar kursigii ugu sarreeyey ayaan ku fadhinaa oo taladiiba inna ayaa haynee, dib u joogsada.’ Wasiirradiisana mid degaankaa ka soo jeedey oo lagu xanto in uu awood gaar ah leeyahay ma jirin. 

 

Isku soo wada duuboo, Rayaale taariikh waxqabad oo uu dadkiisa uga tagey may jirin. Laakiin ceeb uu kursiga kaga dhaadhacay oo reer Awdal lagu eedeeyo amma dhaxal u noqday may jirin. Taasi dambe ayaana reer Awdal sharaf iyo maamuus u ah. Ta dooddooda ay cid walba kaga adag yihiinna waa taasi.


Ugu dambayn, reer Awdal guud ahaanba amma gaar ahaan qurba jooggu waxa ay u soo jeesteen sidii ay nidaamka Somaliland qaybtooda u qaadan lahaayeen, iyaga oo aan cidna u daba fadhiisan.


Ahmedweli Goth 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use