|
Salaanta Islaamka ka dib.
Waxaa reeban in loo dul qaato wax Allele iyo wixii wax u dhimaya qaranimada Somaliland, iskana hor keenaya dadka reer Somaliland ee ku dhex nool jasiirada dagaaladu ka dhex holcayaan inta badan nolashoodu ku bineysan tahey Qabyaalada fadhiidka ah ee qeyrkood ka reebtay.
Mudane/Marwo akhirstow waxaa maalin dhaweyd xilka ugu sareeya ee Jamhuriyada S.land loo doortey, Mudane A.M.Silaanyo oo ah ruug cadaa siyaasi ah laguna tuhunsana inuu wax badan ka bedali doono qaabkii maamuladii ka horeeyay oo lagu dhaliili jirey wax qabad la`aanta iyo fadhiidnimada ku caano maalay. Markaad eegto fursada uu Axmed Silaanyo u haysto inuu wax badan ka bedali karo qaab nololeedaka bulshada horumarka la`aantu daashatey waxaad qireysaa in la joogo maalintii wax la bedali lahaa.
Hadaba aniga oo ka taxadiraya inane dhaliilo badan u soo jeediyo maamulka Axmed Silaanyo oo hada uun Afartan baxey, hadana nin baa laga hayaa Ciridkaa aan arkayo ilko kama soo jeedaan. Shay kasta markaad madaxiisa aragto cid kuu sheegaysa ma jirto mijahiisu nooca ay yihiin. Hadii aad Neef Geela qoortiisa aragto cidna weydiinmaysid, in neefkasi xaga danbe sayn dheeri ka lulato ama inuu xaga danbe laba lugood ku leeyahey.
Marka aad aad eegto Dawlada Axmed Silaanyo soo dhisey, markaad eegto sifaha wax u socdaan, markaad eegto in Ganacsigii iyo hogaankii dalka la isku darey, markaad aragto in Qabaa`iilkii wadanka wada deganaa si qeyral caadi ah loogu kala badiyey, arimahaas oo dhan markaad eegto waxaa kuu soo baxaya iney arintu noqon doonto Salaamulaahi calaa xujaaj.
Nin doonaya wanaag oo wadaniya waxaa lagu yaqaana inuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyo tolo dhalax gala. Waxaan hadaba Axmed Mohamed Silaanyo iyo cidii uu ka talo qaato kula talin lahaa Qodobadan soo socoda.
1.Ilaahey baa cadaalad haya oo koley qof ama koox wax qeybisay laga waayo iney dhan u bariiqdaane, isku daya inaad ka noqotaan go`aanka ah in dadka dalka wada degan si fool xun loogu kala badiyo oo qaarna gacmaha loo buuxiyo qaarna cawri gaf siisaan. (Dadku Kulmiye umay wada codeyn oo maba dhici karto in meel la wada maro, hadana dhanka kale waa dad siman oo walaalo ah oo meel kuwada nool). Iyadoo beesha dhexe laftigeeda loo kala eexday, ayaa hadana nabarka ugu weyni wuxuu ka muuqda sida beesha dhexe xilkii dalka loogu taxey halka beelaha darafyada aad looga badsadey.
2.Habrasho yaaney jirin oo aan loo habranin cidii nabadgelyada wadanka halis galineysa waliba kuwa Dangerous game faraha la galaya. Ugu horeyn kuwa qora saxaafad isku sheegta suneysan ee qoraya dawlada Silaanyo Al-shabaab baa ku
jirta, Hargeisa Masaajisbey Al-Shabaab ka kacdey, wasiirada qaarba xagjira iyo Meel hebalaayo ayaa Al-Qaacida joogto. Waa in la yidhaa soo cadeeya waxa ay sheegayaan, hadii ay soo cadeyn waayana waa in gacan bira lagu qabtaa.
3.Xukunka oo Ganacsatada loogu kala eexdo ama qaar lagu naasnuujiya waa arin khatarteeda leh umana fiicna cidhibta danbe ee dalka iyo taariikhda qormeysa midna.
Yaan la sameyn Xoosh ama Xooshyo cusub. Ganacsigu waa inuu noqdaa nin kasta iyo halkii uu isagu is dhigo. Dabcan Yaaney cidna wax gaara koonto lagu siin hadii lagu siiyana waa in aan cidaasi maalin ku taajirin ee dheefta la qeybsada.
4. Waxaan ku soo xidhaya oo aan leeyay. Mudane Madaxweyne Axmed Silaanyo adigu Libaaxa waabad tahey ahow, filimkana ha ku matalin inaad dhab Libaax ku jiifto. Dalka iyo dadka wanaag iyo sinaan ku wad cidii Qaranimada iyo nabadgelyada si daw daro iyo kibir u farfareysana gacan bira ku qabo.
Wa bilaahi Tawfiiq.
Alla mahad leh
Qalinkii
Osman Omar Dool |