Sallaan website Quljeed iyo guud ahaan dadka reer Awdal meelkastoyku nool yihiin.
Markii dowladku sheega Kulmiye albaabka kasoo galey dhibaatooyin farabadan ayaa isasoo tarey. Dhibaatooyinkaasi kuma ekeyn Awdal oo kaliya ee dadka kale qaarkoodna weyla qabeen. Inkastoo banaanbaxyo, dhawaaqyo dheer iyo kuwo gaaban lookala hadhin hadana wareegii labaad ee dabinada kulmiye usoo maleegey dadku maalinba maalinta ka danbeysa wey isasa soo tarayaan. Halkii laga filaayey in Awdal dadkeedu guudka waxka eegaan wali ma dhicin  hadana waxa la rabaa sidii dibla iskugu calcalin lahaa. Markii shaqaalahoodii dhamaantood noqdeen kugo laga soo eryo mid hey ado usheqeeya iyo midkaleba waxa hadana la rabaa in la iska horkeeno isla iyagii si loo ilowsiiyo loona wiiqo midnimadooda iyo karaamadooda.

Waxa dhacdey in laba jago oo adeega gobolka iyo degmooyinka ah dhamaantood la iskaga horkeeno si loo ilaawo halka dhibaatadu kasoo abuurantey. Afartii xilal hoosaadka gobolka iyo degmooyinka la dhigtey oon marka horeba lagu keenin wanaag loo hayey dadka Awdal hadana isla iyagiibaa bahdilaad lookeeney. Bahdilaadaasi oonku koobneyn in Hargisa looga yeedho, in iyaga la iska horkeeno si midba midkale ugu mashquulo hadana dadkooda loo adeegsado iney xabsiyada dhigaan beelo sheraaya albaabkooda dibjirnimo ku furaan. Nidaam yadii hore waxa jirey shaqooyinka oo ayka qeyb galaan halka Kulmiye ku quuleystey nadiifinta shaqaalaha Awdalka soojeeda. Ninkii shaqo laga eryoow Kulmiyaa ku eryey yaanu mugdi kaa galin.

Kadib markii ay cadaadey in Awdal noqotey mid dhinackasta laga xayirey waxa imikana loo gudbey sidii iyaga la iskaga horkeeni lahaa. Kii doonaa ah iska hadlee arinta Awdal waxey noqotey ciyigii waa ka baryey ninkii cuneybaa ka liita. Hadii maalintii labada wasiir loo magacaabey ay diidmo mideysan lahaan layaayeen isla markaana is garabtaagi lahaayeen dhalin yartii mudaharaadada nabadeed Borama ku gulgiley maanta sidan ma noqoteen. Shaqada yar ee Dowlada hoose ee Boorama maanta ma wada kulaaleen hadana Hergasa midba midkale kuma dacweeyeen. Inkastooy Awdal ka mideysney diidmada iyo xaqiraada Kulmiye kula kacey gobolka Awdal hadana kama mideysneyn hadafka dheer iyo waxa mustaqbalka Awdal noqondoono. Sababtoo ah dadbaa uheystey iney gaar ucasheyn doonaan. Maantana waxa cadaadey in aan halqof oo Awdalka soo jeedaa si sharaf ah oo xallaala u xasheyneyn.

Shaqooyinka gobolku inaguma filnee R.Awdaloow malaha in aan shaqooyin kan inaga maqan siwadajir ah udoono hadii aan soo weynona aanka dhigno isku hayaa iskama hagrado oo micnaheedu yahey aan sameysano sanadkan cusub ee 2011 shaqooyin badan iyo wasiiro badan oo midkiiba dadbadani ka hoos shaqeeyaan. Maalintii laba wasiir la ina siinaayey wixii dadka qaarkood u cadaan waayey maantuu ucadaadey. Maalintaas dadbaa xeerinaayey laba wasiir iyo xilal yaryar oo Awdal dhexdeeda ah. Halka dadka badankoodu ka dharagsanaayeen meesha Kulmiye Karaahida usoo wadey iney Awdal oodhan aheyd. Waxa dhacdey in beel dhan oo beelaha Awdal ka mid ahi xeeriso jago hal nin oon xitaa awood uu waxku hagaajo iyo awood uuku xumeeyo toona laheyn isla markaana la bahdali karo  intuu shaqo waa ka cabsi qabo. Afarta shaqo ee Dowladaha Hoose dadkoodhan ma qaadi karaan. 

Kulmiye wuxu imika gaadhey inuu ku tunto sharafta iyo karaamada muwaadiniinta Awdal iyo guud ahaanba Soomaaliland. Wuxu keeney in beelihii wada degenaa ee wallaalaha ahaa tuhun dhexdood ku wareeriyo iyaguna dadka ku kornoolaadaan. Waxbaan qabaney bey dadka ku baadi haleeyaan iyadoo danyartii Hargisa gaajo qudhu uga baxeyso. Alla dherega iyo gaajada hayee Kulmiye waa cuna qabateeye. Anigu waxa iga tala ah beelaha Soomalailand wax dhibaato ah ma sameyn xilalna iyagu ma magacaabin ee yaan dib la iskugu kiin jeedina si nadiifa, xigmad ah, macquula uwada tashada. Sumcadii, Sharaftii, jiritaankii iyo dadnimadii dhamaan reer Awdal gudo iyo dibadba waxa ku ciyaarey Kulmiye tabihii iyo himilooyinkii looga bixi  halala yimaado. Nimankan maalin walba Hargisa looga yeedhaayo mar ay is heystaan iyo mar shaqo yar oon ina wada qaadin loo kala badiyo Sumcadeenii wey dileene xal degdega oo dhamaan sharafta reer Awdal soo cesha ha la raadiyo. Labada nin ee inaga jiraana ha is casilaan hadii kale waa iyaga iyo yeelkoode halaga dhigo niman shaqo tagey. Awdal dushey ka wada qadey Kulmiyaana Qadeyey, hadana raba iney iska horkeeno ilaaheyse ma qadine 2011 waji cusub kama fursaneyso.

 


Ahmad Maxamed
 
Ahmad4@gmx.com"