\WelcomeToQuljeedNet Awdal 

 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

13-01-2013

Kala Garro Siilaanyo iyo Somaliland by Adan

Maanta waxan Aad uu Yara Jacleystay inaan Dirada Yara Saro wax Aan uu Arkey iney uu Bahantahey in Laga Hadlo .

 

Tan iyo Markii Dalka (Somaliland ) isbadalku Ka dhacey Ee ay Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Mudane: Daahir Riyaale Kaahin uu SIda Sharafta iyo Karamadu ku Jirto Xilka ugu Warejiyay Madaxweynaha Maanta jooga intii ka Dambesay Ayaa waxa Soo Baxeyay Habdhaqano ku Cusub Bulshada Waxa la odhani karaa waxa wadatey Maamulka Siilaanyo ee xilka la wareegay Waxyabaha ku soo kordhey intii Siilaanyo kursiga ku fadhiyay ayaa waxa ka midaa Qabyaalada oo si Qawan Loo isticmaaley Nin Jeclaysiga oo noqdey mid iska caadiya Bulshadii Cafimaadka qabtey oo lagu talaaley isabadal Cudureysan oo aan filaneyn Waxase wax laga naxo lagu tilmaami kara Dad Badan oo ay isaga Khaldanteey Siilaanyo iyo Somaliland Shaqsiyaadka oo aan odhani karo Shaadh qabiileed dheer ayaa uu tolan se iyagu gabasho waxey ka dhigtaan wax aan macno weyn ku fadhiyin oo qof caqliga la saxiib ihii si dhib yar uu dareemi karo Bal aynu in yar uu sharaxno Dadka Caqligii ay isticmaali lahayeen ka awood Weynaatey Cadifiyada qabiilku oo madax martey.

 

Somaliland :- Somaliland waa Dal Jira oo leh Haykalkii Dawladeed uu Dhameystiran Yahey Waxan Soo Marey Afar Madexweyen oo kala ah 1- C/raxmaan Ahmed Cali (Asaase ) Alle ha uu Naxariiste 2- Mohamed Haaji ibraahim Egaal (Aabihi Somaliland ) 3- Daahir Riyaale Kaahin (Hirgaliye ) iyo Madexweynaha Maanta 4- Ahmed Mohamed Siilaanoy ( ? )

 

Somaliland waa Muqadas Gor Gortan ma gali karto Qadiyadeedu Siilaanyo :- waa Madexweynaha Maanta Jira ee Dastuurku ogal yahey ,

Hadaba hadii ay sidaa tahey Ayaan hadaana Dad Yar oo Fara ku tirasa aaney uu cadey Laba arin Markaan Dulucda Hadalkeyga uu soo noqdo oo ah , in Hadii aad ka Hadasho Dhaliilaha Tiro dhaafey ee dul hoganayaa Siilaanyo in dad badani jawaab celin kaga dhigayaan waxad ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland Kuwaas oo dhufeys adag ka dhiganayaa in aanad Daaha ka qaadin Waxanse ku leyahay kuwaa Aqoonta Ehel uu noqdaa oo Meel shishe ka yara fikira Siilaanyo maha madaxweynihii ugu horeyay ee dalkan Curdinka ihii Yeesh isaga ka hor Madaxweynayaal ayaa jiray oo mucarid lagu ahaa oo si badheedh ah wax looga sheegi jiray kuna darso isaga (siilaanyo ) ka tariikh ficana oo dalka si daacadii ku jirto uu dhiqi jiray ,

 

Gab-gaabo :- Muwaadin Kasta wuxuu Xaq uu leyahay inuu Fikirkisa Cafimaadka qaba soo Bandhigo Dalkiisa iyo dadkiisana Ka hadli Karo

 

Adnaan Shawahaaye
Aqoon143@hotmail.com
Holland

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com 2010 Privacy Policy Terms Of Use