btay Ayaa asJ

WelcomeTo QuljeedNet Awdalas

 

 

                 Home    Contact Us   About US            

 

27-12-2011

Jawaab:Qaybtii Labaad Ee Waa Kuma Cumar Cabdi Lugweyne

WAA KUMA KHALIIF SHEEKH FARAAX GOROD.?

WAA KUMA ABDULKAREEM FAARAX…?

 

Marka u hore wax beel nacayb ahi iguma jirto ama aan beello ku xumeynayo, dadka waxaanu nahay Dhasho iyo dhasheed, ab iyo isir, walaal iyo saaxiib, abti iyo adeer, ehel iyo xigaal, seedi iyo sodog, dadka waxaa u daran qallin ku dhiigle, munaafaq ah kuwii ay ku degtay ( suuratul nuun wal qalami). laguna sheegay calaamadaha eebbe ka muujiay, sida (sanasimuhuu calal khurduumi, inna balawnaahum kamaa balawnaa) kuwa namiimta ah ee ummadda wadda dhalatay afka isku galinaya, kuna raaxaysanay fidnadda uu dhex dhigo ummadda qallin ku dhiiglayaasha ah.…………

Nin kii ullo qalweyn moodayayaw waaa amuur culisee...kkkk.

 

Dad badan iyo akhyaar badan baa ii soo jawaabtay dhanka e-mail.. ka kuwo waxay ka cawdeen erey maqaalka hore ku jira, kuwo aniga iyo odeygaba wayna af lagaadeeyeen, kuwo waano iyo hogo tusaalayn bay bixiyeen…… aad baan intaba u soo dhaweynayaan maadaaama ay isku dheelitiran yahiin.

 

Aan ku hore dhanka e-mailka. Nin la baxay Ali Ahmed Cige lehna Address.kan robleafdeeb@hotmail.com. ayaa

Wuxuu ku bilaab qoraalkiisa hadallo cey ah, aflaagdo qaawan, waalidiin la caayo, isir nacayb huursan oon loo aabbo yeelin, ma xuma in uu aniga iyo cumar na caayo saa waanu noolahay waanan ka jawaabi karnaa, amase dadka nool ee aqoonta noole baa ka jawaabi karaa… hadaladda uu cumar ku sheegay waxaa ka mid, Cabdi lugweyne lugta Hudhaa ka galay, Doobiiluu ahaa, intaanu reer Sugaal la xididin, xoolo halkaas baa ugu horesay, nacas ama doqon rag kuma jiree meheradda cay buu u haysaa.

 

Cumar markuu macalinka ahaa waxaa xidhay dawladdii siyaasad Barre oo u xirtay, fal dambiyeed u ka galay gabadh yar oo macalin ugu ahaa dugsiga sare ee hawl wadaag ee xamar, markaasu maamule ka ahaa isagu,falkuna wuxuu ahaa faro xumayn taas darted baa loo xiray, gabadhiina wiil bay dhashay oo wuxuu joogaa dalka English hadda, hadduu jiro wiilkaas waa ina cumar uun wax ceebi ahi kuma jirto, dhaqanka soomaligaba kuma jirto in la xidho falkaas in lag arinsado oo labadda beelood iska arkaaan mooyee. Ma og yahay rooble afdeeb taariikh ka dhacday gadabuursiga in wiil 35 jir ah , ay labo qabiil isku qabteen sanadahii 1962kii… dacwad ka dhacday arladda gadabuursi, mase ogtahay xeerka amase geedka ka yaal gadabuursi arintaas, habkii loo mareeyey , isagoo waliba wiilkii lahaa markaas reer iyo 5 caruur ah, loona yaqaanay markaa ina hebel hebel, dacwaddii dabadeedna magac kale iyo qabiil kale oo gadabuursi ah noqday, sharci adagna laga dhigey.

 

Ma ogtahay dhacdo ka dhacday magaaladda Hargeysa 1982kii ,labo wiil oo gadabuursi ah oo isku qabtay gabadh uur lahayd Anaa le iyo anaa le, halkaasna shir beeleed balaadhani ka dhacay gadabuursina ku kulmay sidii loo maareeyey iyo xeerka la qabadsiiyo.

 

Bal qormadaa foolxumadeeda fiirsha ,qoruhu ma isweydiiyey inta dadka somaliyeed ku jira noocaas iyo sifo kala duwan oo qeyrul sharci ah ku dhalay maantana loo yaqaan hebel oo nin mudakar, beelaha ay ku abtirsadaanna ugu firfircoon,gadabuursina kuwaas uun buu ka mid yahay ,hadamadda bani aadamka eebbeweynaa ku abuuray,lab iyo dhegigba, cumarna haddii uu gefay dambina galay, banu-adaamkauu ka mid yahay , tawbaduna waa furantay inta addoonku nool yahay

Dooni maayo in hadalka sii dhooxo …

 

AlHaaji Cumar hadduu ahaan jirey markuu dhalin yarta ahaa, nin fudfud dee maanta lama joogo waagii, waa sheekhaa ummadda gaadhsiinaya fariintii Eebbe weyne u soo direy ummaddiisa, waanad ka aragtaa muuqiisa , sifaha gadhkiisa iyo wajigiisa sujuudda Eebbe weyne hortii u madoobaatay..

Waana daaciga waliga aad moodo in ay nebbiggii suubanaa ee Mohammad naxariis Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee aad moodo in ay labbo kala tirasadaan,lehna sifahii asxaabta rasuulka….

Inta uu tolkii u qabtay nin gaadhi karaa ma jiro ku ku dhaweeya mooye,

 

Haajiga sidaan hore u sheegay fikirkaanagu waa kala duwan yahay, uma bogin sida uu ugu mareeyey xafladda dhiciska ah, ka soo horjeedda danaha reer awdal, callankii gacankudhiiglayaasha dadka xasuuqey , halkii uu ka garnaqsan lahaa buu wiilasha iyo gabdhaha yaryar laabta uga sudhay iyo sifaha uu isku hor dhigey gabdhaha yaryar ee uu awoowga u yahay laabtoodii iyo jidhkoodii debedda yaal, afkana aad moodo in uu dhiig ka da’aayo…labbo daraadle kolba mid dib jir ah oo cayda gadabuursi magac kaga helay beesha dhexe , siilaanyona soo dirtay buu qaddo u sameynayaa halka uu haldoorka gadabuursi u sameyn lahaa xaflad mideysa ra’yigooda kala duwan…..

Haajiga mid baan leehay… Muuqaalka korkaaga iyo xafladdan baylahasani isma qaadi karaane, cumaraw kala daaa…

 

lasoco qaybta saddexaad ee Khaliif sheikh faarax , taariikh nololeedkiisii iyo heerka uu joogo ilaa…maanta..

 

A.Barkhadle.I(waraabe-cadde).

 

adbarkhadle@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

++

 

 

 

 

a