btay Ayaa asJ

WelcomeTo QuljeedNet Awdalas

 

 

                 Home    Contact Us   About US            

 

26-12-2011

Jawaabo: Waa Kuma Cumar Cabdi-Lugweyne 0o Ku Soo Baxday Mareegta ( www.harowo.com).25/12/2011...Ama Uu Qorey Nin La Dhaho A/kareem Faarax

Adoo daranyeysan gaajo , haddii deeq illaah ku siiyo…Ducaa la yaboosadaaa kibirka waa lagu kufaaaaaa………kkkkk waxoogey taariikh araar ah.

 

1988kiiMarkii fadhi ku dirirku aadka ugu xoogweynaa waqooyiga somaliya ayaa.. majilis ku yaal magaaladda djibuuti oo inta djibuuti degta aanay waxba ka maqneyn aan la fadhiistay aniga oo ka tegay magaaladda Riyadh ee KSA.. Waa meel loo sameystay hadalka siyaasdda aad buu qaab wacan yahay, dadku waa doodayaa, hadalku aad buu kulul yahay, kaftan heer sare ah baa socoda oo kolba reer baa la weerarayaa, xamaasaddu waxay ugu adagtahay marka Iidoorka iyo gadabuursi wadda hadlayo, ciisuhu sacabka uun buu tumayey kolba midkii xoog roonaaado, saacadu waa cabaaro 17;25 daqiiqo , BBC dii baa dhaw, nin reer miyi ah baa isa soo taagay mafrashka hortiisa, ul dheer buu sitaa, caday dheerna waa ka lushaa, subraarka casna jeeniga bidix ayuu ku sitaa, kolxadkuna waa ku gaadhan yahay, gaajaa ka muuqata.. markuu iskaano hor taagay buu yiri.. Waar ragu muxuu sheegay.

 

 Saa la yiri Nabad intaan ognahay, suu yiri Aar walaakay waxna siina , waanu gaajoonee…saa waxoogaa loo tuurey… saa wiil iidoor yiri Ninkaasi waa ciise… saa la weydiiyey qoladuu yahay , suu noqday ciise, oo ah kuwo gadabuursigu dhaleen…… BBCdiibaa la gaadhay , waanu dhageysanay,, wax yar ka dhib baa waxaa mafrashkii isa soo hor taagay nin dheer oo madaw oo ul dheer sita, oo macawis duugawdey, ood moodo in biyaha badda xitaa laga gadayo sita,oon jidhkiisa biyom is marin midhaa sannad .. suu yiri salaamu calaykum, saa la yiri calykuma saam… saa wuxuu bilaabay duco tii carafadda la mid (waxaan ka wadda ilaa sacad buu duceynayey wax uu ka tegay ma jirto wuu dhameeyey hadal duco qof odhan karo). Raggan meesha fadhiya buu si wacan ugu duceeyey , xadiis iyo quraan aad loola dhacay u mariyey, markuu dhameeyey buu yiri iyaa allaa waxsiiyey .. halkaasuu mariyey.. waa la is wadda deyey oo ninkastaa jeebkuu gacanta la boobay, rag is gurayee… wiil Iidoor oo dhankaa bidixda fadhiyey baa yiri , hilibkana la kala cuni og sadaqadana kala guran og(bahashu waaprofission). saa la yiri biyo dhec suu yiri ninkaanu waa gadabuursi, iyagaa ule hidde … saanu aad u cadhhoney intayadii gadabuursi oon qaadan weynay hadalkii.. saa mid yiri waryaa , hee qolamaad tahay.… suu yiri Gadabuursi, iyaad ka tahay.. suu yidhi makaahiil, saa la yidhi sii wad suu yidhi jibriil yoonis, saanu nidhi sii wad suu yidhi gadaalka dhaloo.. (reer Gorod).ah. Marka Horaa loo yiri Ciirtaa Dhamaa, Ceebtaadda yaqaan… kuwii cabdi lugweyne ka hoos tuugsan jirey miyaa maanta , dhashoodii caruurtii Cabdi lugweyne ku sheegayaan in ay ciidan reero u ahaayeen… ciilaw ba’a… Miyaa shalay la soo celin….Reer cabdi Lugweyne waxay ahaayeen reeraha ka tilmaaman gadabuursigamarka xagga dhaqaalaha laga hadlayo.

 

Aaraartaas waxaa ii geeyey maqaal ku soo baxay web sitekaxanuun fidiska, fedeexadda iyo isku dirka gadabuursi ku caan baxay ee la yiraahdo www.harowo.com.

Maqaalkaas oo uu qorey nin magaciisa ku koobay.. A/kareem Faarax…. Kaas oo uu ku canbaareynayo waayeelka, curadka , wax garadka gadabuursi ee ..Alhaaji Cumar Cabdi.(lugweyne). Hafidahullaahu wa ricaayatuhuuu………

Qoraagu wuxuu yiri sidan: oo been Abuur ah:……

  1. Cabdu lugweyne caruurtiisa cumar baa u weynaa. Waa been abuur ka qoraya wax aanu garaneyn ka qorey ma yaqaan dadkuu dhalay cabdui-lugweyne………

  2. Cumar oo ugu weyne baa ciidan fijo ah u ahaa nin reer gogti ah…. Waa been labaad , cabdi lugweyne isagaa loo shaqeyn jirey, waxaanu ka gaadhay heer waqooyiga soomaliya oo dhan laga yaqaan,min.. Ceerigaabo, laascaanood, Burco, Berbera , Hargeysa, Boorame , Saylac , Djibuuti,Cali sabiix, Dhikhil, Tajoore iyo Ubukh inta u dhaxaysaa oo ganacsigiisu gaadhay, ilaa haddana raadkiisii sii muuqdo…kkkkkkk waxayna ganacsi wadda lahaayeen ninkii garan baa garane (Ibraahim cigaal ina xaadhxaadhato aabahii)…

  3. cumar baa ninkii fijadda uu ugu shaqeynayey galay Dhakhtarka Boorame oo uu Cunto ugu geyn jirey markuu dugsiga ku jirey..kkkkkGoormuu galay dugsiga sawkii lahaa reer buu fijo ula joogey……

  4. Qoraagu wuxuu yiri Cabdi lugweyne Mas baa qaniinayn oo lugta Barariyey .kkkk mas lugta ceynkaas u barariya cilmi baadhis intee leeg buu ku sameyety qoraagu mise waxuusan garaney buu wax ka sheegayaa… kaliya waxaadan cilmi u lahayn waxgaradkaa la weydiiyaa iyoarintanu in aykaa socon karto iyo in kale….iyo arimo kale oon aanan soo koobi Karin…

  5. Qoraagu ma soo qaadin taariikhdii wacneyd ee u ka soo maray Alhaaji Cumar dalka soomaliyeed iyo Heerka madexnimo uu ka gaadhay taas anigu dhex gali maayo markaa….

  6. Qoraagu wuxuu yiri taariikhdii uu sacuudiga ku lahaa ee madoobayd baan soo gudbin..kkkkkkAf noolina waa hadlaa Eeyna waa ciyaaa.. wax aanu waxba ka ogeyn buu rabaa in soo mallo awaallo… taariikhda Alhaaji Cumar cabdi ee Sacuudiga Anigaa idiin hayo oo wadda joognay nin qarni ee kow Dheh…

  7.  

ALHaaji Cumar wuxuu ahaa madex ka shaqeeya banki ku yaal magaalo madexda sacuudiga lana yiraaado..(ARAB NATIONAL BANK)…. Wuxuuu ahaa nin dadka la shaqeeyaa aad ugu kalsoon yahiin , dabeedcad iyo shaqo wanaag intaba.. Haajigu wuxuu ahaa hormoodkii shirkii wadda tashiga beelaha gadbuursi ee ka dhacay 1988kii magaaladda Riyadh, kaas oo lagu gaadhay in qaadhaan culus la gaadhsiiyo dadka dhiban ee dagaaladu hadheeyeen ee gadabuursi, gaar ahaan beeshaReer nuur iyo beelaha MOHAMAD –CASE… taasna waa ku guuleysatay.. xaajigu wuxuu ahaa maskaxdiiqabanqaabisay dhismahii ururkii SDA.. Bariga dhexe isaga ayaana isku keenay kooxdii la magac baxday SDA.. ee ku shirtay magaaladda London….. Dhaqaalahii halkaa ku baxayna Dusha ayuu u ritay ilaa intii gadabuursi damqanaysay wax ku dareen…

 

Alhaaji.. Cumar Cabdi XAFIDAHULLAAHU.. wuxuu ahaa Maskaxdii ka soo maaaxatayqabanqaabadii shirkii gadabuursi Boorame ee ugu horeeyeyu laguna qabtay dugsiga sare sheikh Cali Jawhar.,iasaga ayaa Xaajigu ka masuul ahaa lacagtii marti gashiinta ahayd ee laga ururiyey magaaladda Riyadh , taas wax weyn ka tartay shirkaa suurtana gelisay in beeluhu dhibtii gaadhay ay ka arinsadaan…

 

Alhaaji Cumar wuxuu ahaaa hogaamiyahii ergadii qaaday lacagtaiyo hogaamiyahii wafdigiijaaliyadda reer Awdal u dirsadeen shirkaas, taas oo iskna si wacan uu hawshaa u gutey, Eebbena ku garab galay, natiijo wax ku ool ahina ka soo baxday.

 

Ma soo koobi karo kaalinta uu Haajigu kaga jiro gadabuursi.

 

Anigu haajiga waan ka soo horjeeddaa fikirkiisa gurracan ee dambe kuna salaysan habdhaqankan xun ee ueeg Hawenaydii kolba ninkii guursada codkiisa ku hadlaysay, taasina ma ahin waan necebahay ee waanu kala fakir duwan nahay, siiba baryahan dambe laga soo bilaabo shirkii aan goaanka hagaagsani ka soo bixin ee Baraakaale.. ee guulwadayaasha SNMtu dadkii af duubeen iyo sida loo maareeyey intaba, ….Qodobo badan oon ku raacdsanahay shirkaa waa jiraan.. Sida shir aayo ka talis ah gadabuursi in la iskugu yimaado, beeluhu beel kasta in dhankeeda isku abaabusho, duufanadda soo socdana meel looga soo wadda jeesto, odey dhaqameed gadabuursi hogaanshaana ka soo baxo, laga gudbo nidaamkii gaboobey ee ugaasnimadda.. IWM….

Waxaan aad ugu digayaa kuwo caadeystay in ay waxka sheegaan odayadda beelaha , ee xuurtadda ula fasdhiya, kuwaas oo aan sheegay nidaamka ay ku soo koreen ahna ( Abaal ka darka In jirtaa laga Bartay)… kuwaas oo had iyo jeer la soo booda reer xoogweyn baanu ahaan jirey, dad baanu wax yeeli. Xabaalo aabayaashayo dadka ku guri jireen baanu lahayn oo jira iyodadkaanu liqi jirey iyo iyaga oo la ogyahay halkay ka soo alkumeen , nidaamkii dhaqan dhaqaale eey soo mareen, iyo heerka ay maanta joogaan… waa halka aan cinwaanka uga dhigay ereyadda ugu horeeyaa……….

Ninkii u badheedha in uu qoraal soo gudbiyo waa in uu siday cadeystaadalka uu joggo, wuxuu yahay. Magaciisa oo afaran…..

 

. Dr. Adem Barkhadle. Ibrahim Faahiye-Galmaaxday.( Waraabe- Cadde)..

Veterinarian medicine, infectious disease.. Ksa….. Eastern region, Alahsa.. hafouf.

 

E-mail: adbarkhadle@gmail.com.......

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

++

 

 

 

 

a