|
Marka hore waxan salaamaynaa Madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa, oo aan leenahay Ramadaan Kariim. Intaa kaddib, Waxa halkan baaq ka soo jeedinaya waayeelka Qurba joogga beesha reer Nuur ee Ingiriiska deggen oo ku hadlaya codka beesha reer Nuur. Waxanan si sharaf iyo maamuus leh baaqani ugu socdaa, dawladda cusub ee Ahmed Mahamed Siilaanyo, oo aan mar labaad xasuusinayno in Abdoo Maax ( Abdoo Shoodhe ) uu weli ku xidhan yahay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Borame. In xorriyaddiisa loo soo celiyana aan uga fadhino.
Waxa kale oo aan aad iyo aad uga xunnahay in Abdicasiis Xuseen Raage isna si qaldan loogu xidhay Borama isaga oo weliba muwaaddinkani ka mid ahaa madaxda xisbiga UDUB ee gobolka, loona adeegsaday awood dawladeed. Inkasoo immiga la sii daayey Abdicasiis, waxan si wada jir ah uga xunnahay in dhallinta beesha reer Nuur ee Deggan Boorama oo ah kuwa ugu badan degaanka iyo magaaladaba in lagula kaco falalkan xorriyaddooda loogu yimid, waxanan ka digaynaa in aanay dib u dhicin in sharci darro la isaga xidho dhalllinta aan wax ka hor imaad ah iyo danbi ah ka gelin dalka Somaliland.
Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa caddaaladdana annagoo ku kalsoon hoggaankooda waxan uga fadhinaa in ay u hiiliyaan, caddaaladda ayna qabtaan kuwa doonaya in dalka ay ka bilaabanto rabshado iyo ammaan darro, ee dadka iska horkeenaya. Waxanan caddaynaynaa oo aan ognahay in ay madaxda Somaliland qaar ka mid ahi ay qaybin iyo qalaalse ka dhex wadaan degaanka Borama. Iyagana waxan ugu baaqaynaa in ay ka waantoobaan xaalad abuurka iyo kicinta shacabka.
1. Ahmed Ibrahim Tani 2. Khadar Cabdi Aden 3. Ahmedweli Sh. Omer Goth 4. Omer Xaai Hadliye 5. Mahamed Cali Aw Cabdi 7. Abdirahman Cali Kaahiye 8. Maxamed Xirsi Gudaal. 9. Xasan Bile Cammir. 10. Aden Daud Geeddi. 11. Abiib Hasan Dugsiiye 10. Muuse Cawaale . 11. Maxamud Maxamed Xuseen 12. Ahmed Cabdi Khalif. 13. Idiris Maxamed Xuseen 14. Cabdi Cabdillaahi Aamin . 15. Hassan Musa Khalief 16. Abdi Aden . 17. Ayaanle Aden. 18. Abiib Muse ( Mijacase ) 19. Faysal Abdillahi X Cabdi (abroone). 20. Rashid Cabdillaahi Qaalib . 21. Mustafe Daud Hasan. 22. Daahir Cisman Raage ( Cilmi Dheer ) 23. Ali Abdillahi ( Cadduur ) . 24. Mahdi Ali Aw Cabdi . 25. Cabdirashid Ibrahim Aw Muxumad. 26. Bashir Caqli Caateeye 27. Mahamed Ahmed ( Shaarloo) 28. Barre Cabdi Muhumed 29. Maxamed Ibrahim Aw Muxumad . 30. Ahmed Aden iyo xaaskiisa. 31. Abdirahman Abdillahi Aden . 31-Cumar Hussien Miigane 32. Ismail Aden . 32-Abiib Husien Miigane 33. Ali Muxumad Fadal . 34. Cabdi xaashi Mahad. 35. Maxamed Muuse 36. Faysal Cabdillaahi X Cabdi (Abroone). 37. Aden Cali warmahaye 38-Shiekh Mukhtaar Hussien Miigane. 39-Mahamed Cali aw Cabdi.
Sidaa iyo wada shaqayn wacan. London.
|