WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

 

                 Home    Contact Us   About US            

 

204-01-2011
Shirguddoonka Golaha Wakiiladda Oo Madaxweyne Siilaanyo Iyo C/raxmaan Saylici Gacmaha Isku Saaray
Shirguddoonka Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi iyo C/casiis Samaale oo ku hawlanaa soo af-jarida khilaafka ka dhex aloosnaa Madaxtooyadda ayaa shalay ku Guulaystay inay iska horkeenaan labada Oday ee ugu sareeya Dalka Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa C/raxmaan Saylici kadib markii muddo sadex cisho ah ay si joogto ah ugu kuurgaleen halka ay Sartu ka qudhuntay.

 

Cirro iyo Samaale oo uu weheliyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa u soo galbiyay C/raxmaan Saylici qasriga Madaxtooyadda si ay u dhamaystiraan Ergaynimadoodii waxaanay ku soo af-meereen inay bog cusub u furan wadashaqayntii labada Oday isla markaana waxa la sheegay inay  gacmaha isku saareen oo ay is hoga tusaaleeyeen danta qaranku halka ay ku jirto.

 

Inkastoo kulanka ay shalay wada yeesheen Ergada dhex dhexaadinta iyo Madaxda la heshiisiyay uu ahaa mid aad u adag oo xogta laga helay ay yar tahay ayaa hadana tibaaxaha ka soo baxay ay sheegeen in la lafa-guray dhibaatadii jirtay ee keenay ismaandhaafka isla markaana qaybo ka mid ah lagu kala bogsaday balse ma jiro xog dhab ah oo iftiiminaysa in la dhamaystiray dhamaan qoddobadii la kala tirsanayay ee intii aan la isa soo horfadhiisan Suuqa yaacayay.

Xogaha ugu waaweyn ee la ogaaday intii xalinta hawshan lagu jiray ayaa sheegaya in ay jireen kooxo dabka ku sii shidayay khilaafkan isla markaana dano gaar ah oo kala duwan uga faa’iidaysanayay inay labada Oday sii kala fogaadaan kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay hoos u shiiqay kadib markii Guurtida Dhex dhexaadinaysay ay kor iyo hoosba u eegeen Nuxurka waxyaabaha la isku hayo oo aan ka fogayn Awood samaysi iyo Dhaqaale raadis taasoo fududaysay in dabiib dhaw loo helo inkastoo ay hawl culus qaadatay.

 

Soo af-jarida khilaafka labada Oday kasakow sida ka muuqata dhaqdhaqaaqyadii socday mudadii uu Saylici ka maqnaa Xayndaabka Madaxtooyadda waxa jira xulafaysi Siyaasadeed oo dul hoganaya masuuliyiinta sar sare ee dalka kuwaasoo u baahan in dibu-heshiisiin balaadhan lagu sameeyo haddii kale waxa iman doonto in kolba meel kale uu ka qarxi doono isla markaana sida imikaba muuqata ay  ragaadismi doonaan  wadashaqaynta Hay’adaha Dawladdu.

 

Ma cada culayska ay leeyihiin kooxaha la kala safnaa labada dhinac ee is-hayay iyo mabaadiida ay kuwada socdaan ee ay ku kala duwan yihiin maadaama sida muuqataba waxa la siku hayay ay ahaayeen Kuraas iyo Dhaqaale hadana marka dhanka kale laga eego waxa jira dano hoose oo isku xidhan oo aan wali soo shaac bixin oo dhex jiifa madaxda talada haysa ee ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye kuwaasoo Tareenkii Isbedel doonka ee ay soo wada raaceen ahaa mid lagu soo ururiyay dad kala wada Ujeedo ahaa balse higsanayay talada inay hantaan.

 

Si kasta ha ahaatee waxaan shaki ku jirin inaanay wali kala miir dilaacin kooxaha wada socda ee hadana kala Ujeedada ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku Ururiyay talada Dalka kuwooda ku sii Negaan doona talada iyo kuwa ay Seeftu qaadan doonto ee ka siiban doona Kuraasta ay ku fadhiyaan.

 

              Xigasho Waaheen

 

 

 

 

 

 

 

 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

 

++

 

 

 

 

a