\WelcomeToQuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

 03-01-2012

Faallo:Reer Awdaloow Hargeysa Waad Ka Soo Ridateen Saylac Ee Xamar Saylac Ma Ka Soo Ridan Lahaydeen?

Marka hore waxa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geeridii ku timiday Jimcaale Cabdi Muxumad Aden oo ahaa ardaygii isaga oo ka dhiidhisan isku daygii dhaxal wareejinta  ee la rabay in lagu dhaxal wareejiyo  degaanka xeebta Awdal ee Somaliland arintaas oo ugu dambayntii fashilantay. Waxa kale oo aan uducaynayaa dadkii ku dhaawacmay arintaasi.

Hadaba hadaan usoo dego dulucda iyo ujeedada qoraalkan  waxa jirta arimo badan oo is huursan oo ay qaar kamid ah dadka reer Awdal si qaldan  u turjunteen kuwaas oo qalad ka fahmay arinta ka dhalatay xiisada Saylac iyo waxa udana dadka reer Awdal guud ahaan.

Hadaba bal haadii aan intii fikirkayga ah utabiyo mushtamaca danaynaya arintan waxa wanaagsan in marka hore ay bulshada reer Awdal ama aan idhaahdee beelaha Gadabuursi isweydiiyaan sobobta ay maanta ugu dhibyaraatay in ay tooda noqoto marka laga hadlayo sidii ay ku dhamaatay arintii Saylac iyo waliba sida ay noqon lahayd hadaanay arintu ku xidhnayn Hargeysa ama madaxda Somaliland.

Dabcan waan ka wada dhiidhinay nina damiirkiisu ma siinayn in wax ka duwan wixii kasoo baxay doorashadii degmada Saylac lagaga dhaqmo, ama Saylac laga dhiso hogaan baal marsan doonista aqlabiyadii halkaa kasoo baxday. Laakiin hadana waxa wanaagsan in la qiro in xukumada Siilaanyo iyo Saylici hogaaminayaan oo ah mid aanan anigu waligay amaan u helin ama ah maamul dalka guud ahaan la degay, balse hadana  ah mid maanta la odhan karo waxay ugu dambayntii muujisay xilkasnimo iyada oo xukumadu tixgalisay doonista shacabka reer Awdal oo  aan la danfiri karin in ay marka horaba ku taagnaayeen xaqa.

Waxa iyadna  xusid mudan oo aan la danfiri karin hadii xukumada Somaliland damacdo in ay sharciga gara marto in aanay jirin wax horjoogsanayay, si kastaba iyada sumcad xumi u ahaatee . Waana xaqiiqa in  nidaamka wadanka ka jira uu madaxweyne Siilaanyo leeyahay awood uu ku samayn karo wixii uu doono in uu ka hirgaliyo Somaliland taasna waan oganahay oo mayeelin Siilaanyo isaga oo waliba Ina Geelle cadaadis arintaa ku saaray.

Hadaba meel adiga oo aan awood ciidan haysan warkaaga la maqlayo miyaanay ahayn meel ay rajo kuugu jirto?

Dabcan dadbaa ku doodi markay su’aashaa maqlaan, (Waa inta ay bilaa oqoonsiga isaaqu yihiin) laakiin hadaan si qayaxan wax ugu sheego kuwa sidaa aaminsani waxay ilawsanyihiin in Isaaqa laftiisa uu tartan ka dhexeeyo oo aanay waxba isku ogalayn taasina ay keenayso in qolo walba oo Isaaqa ah jeceshahay in ay reer Awdal xulufo la noqoto madaaba uuna Isaaq kala adkaan karayn oo ay ku heshiiyeen ay ku qasbanyihiin in cod ay ku kala baxaan. Waxana wanaagsan in sidaa wax u arkaan dadka aaminsan in Isaaq uuni leeyahay Somaliland.

Dhinaca kale waxa jira dad yar oo kooban oo Soomaliland kasoo horjeeda oo arinta Saylac raba inay ka faa'iidaystaan kana dhigaya arinta tu Isaaq iyo Gadabuursi u dhaxaysa markhaatina uga dhigaya arinta Saylac oo ku doodaya in ay kamid tahay dulmiga reer Awdal uu ku qabo SL.

Balse waxa wanaagsan in la weydiiyo dadkaa xagee Somaliland ka dulmiyar ee ay shacabka u hogaaminayaan ama dadkaasi ugu baaqayaan in ay dadka reer Awadal tagaan?

Maxaayse dadkaasi  maayarka Salac ee nidaamka Somaliland ku shaqaynaya ugu xiqayaan hadaabay waxa dhan u arkaan xaraan?

Dhanka kale hadii aanay arintu maanta Hargaysa ka go’ayn  oo ay xamar ahaan lahayn ma u dhici lahayd sida ay maanta u dhacday?

Mise la filayaa in indhaw iyo indhaw uu maamul xamar ka dhashaa keeni karo in lagu kala baxo sifa sharciya iyo doorashooyin?

Anoo su'aasha udambaysa ka jawaabaya waxan leehay maya lama sugayo in indhaw xamar ka dhacdo in lagu kala boxo doorasho iyo sifo sharciya, indhahana maclin inoo ah. Taasina waa ta keentay in Ciisaha maanta reer Awdal doorashaan kaga helay Saylac ay leeyihiin ku yeesho xamar miisaan ama aqlabiyad la mid ah guud ahaan dadka dega gobolada Salal Awdal iyo Gabiilay. Iyaga oo waliba Ciise ka gaadhay xukumadihii Xamar Soomaray ilaa intii Cabdillahi Yuusuf darajo aanay reer Awdal ka gaadhin taas oo ahayd jagada kuxigeenka Golaha baarlamanka.

Waxa kale oo mudan inaan is xasuusino in tan iyo bilawgii xornimada Soomalidaba uu Ciise isaga oo aan doorasho ku iman uu maamulayay Saylac xataa dawladii Siyaad Bare iyaga ayay ku macsuuntay. Maantana waxay reer Awdal kaga qaadeen oo ay Ciise kaga heleen  maayarnimada Saylac  nidaam Soomaliland keentay.

Markaa miyaanay ahayn in nidaamkaa iyaga u  hiiliyay ay reer Awdal taageernaan?

Mida kale Xamar waxa maanta Ismaaciil Cumar Geelle looga yaqaan aabaha Somaliya, arinta Saylacna ninka ku dhegsanaa waxa uu ahaa isaga ee Ciisaha dhulka degaayi way iimansanlahayeen wixii nasiib siiyo.

Hadaba marlabaad maanay wanaagsanayn in reer Awdal is miisaamaan oo ay ogaadaan meesha udaran iyo meesha u roon?

Ficiltan waxa uu kaa ridaa jar laakiin deganaasho iyo dulqaad dantaada ayaa lagu gaadhaa waxana reer Awdal gaar ahaan dadka qurbaha ku nool looga baahanyahay in bal marka hore aanay is dhex yaacin ee ay kala gartaan waxa ay diidayaan iyo waxa u dan ah.

Mana wanaagsana in markasta oo dhibi inagaga timaado maamul Hargeysa ka dhisan aan is ceebayno ee waa in aan garnaqsanaa amaba aan ka dagaalanaa wixii dulmiya ee dulqaadku  kari waayo laakiin hadaan markasta sidii ilmo ciyaala oo hooyo waa hore tuurtay ku ooyno Xamar oo aan calan dadkii inagaga awooda badnaaba iska laalaabeen wadhfino waa inoo dhakafaar.

Ugu dambayn dadka reer Awdal gaar ahaan dadka qurbaha ku nool ee iyaga oo fadhiya guryahooga sida fiican u sharaxan qoraya maqaalada aabahay gablanta ah ee aan ka talinayn maslaxada guud ee bulshada reer Awdal waxa wanaagsan hadii ay rabaan in wax walba sida ay rabaan noqdo in ay u diyaar galoobaan in ay iyagu ama u dhintaan ama u dhaawacmaan ama u gaajoodaan. Balse ma haboona in ay borobagaande ku furaan shacabka reer Awdal oo ay barada kaga saran iyaga oo aan u hayn meel ay u wadaan. Waxana looga baahanyahay uun dadkaasi  in ay taageeraan wixii dadka guduhu ku tashadaan iyo waxay diidaan. Hadiise aad necebtahay Isaaq ogow barina reer kale oo reer Awdala uunbaad necbaan ama aad hadaba necebtahaye . Neceybshana waxa ka fiican dan iyo wanaag la doorto.

Hadaba reer Awdaloow bal aan isweydiino Su’aasha ah Saylac Hargeysa waan ka ridanaye xamar Saylac ma ka ridan lahayn? Maxaad kaga jawaabaysaan iyada oo la isku tix galinayo nin walba afkaartiisa

Aniga waxay ila tahay o aan tolkay kula talin lahaa iyada oo dadka koonfurtu yihiin dad Soomaliya oo ay wanaagsantahay in uu wanaag inaga dhexeeyo hadana  Hargaysaa inoo jilicsan inaan la xaajoono sobobahaa aan soo sheegay iyo kuwo kale oo badan dartood ee inaga daaya lab la kacay lugana kuma taagnida.

Mana aha inaan kolba waxa yar ee markaa taagan uun eegno ee waa in aan wixii danteena ah ka fikirnaa. Waxana dhamaanteen inala da’ah in aan dadkeena daacada ugu hiilino haba qadhadhaatee

 

Mida kale ma haboona idinkoo Ciise iyo Djibouti baan dhul isku haynaale inaad hadana cidii aad taageersan lahaydeen colaad gashataan.

Nooli Kulantee

Quljeednet.com

Marka hore waxa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geeridii ku timiday Jimcaale Cabdi Muxumad Aden oo ahaa ardaygii isaga oo ka dhiidhisan isku daygii dhaxal wareejinta  ee la rabay in lagu dhaxal wareejiyo  degaanka xeebta Awdal ee Somaliland arintaas oo ugu dambayntii fashilantay. Waxa kale oo aan uducaynayaa dadkii ku dhaawacmay arintaasi.

Hadaba hadaan usoo dego dulucda iyo ujeedada qoraalkan  waxa jirta arimo badan oo is huursan oo ay qaar kamid ah dadka reer Awdal si qaldan  u turjunteen kuwaas oo qalad ka fahmay arinta ka dhalatay xiisada Saylac iyo waxa udana dadka reer Awdal guud ahaan.

Hadaba bal haadii aan intii fikirkayga ah utabiyo mushtamaca danaynaya arintan waxa wanaagsan in marka hore ay bulshada reer Awdal ama aan idhaahdee beelaha Gadabuursi isweydiiyaan sobobta ay maanta ugu dhibyaraatay in ay tooda noqoto marka laga hadlayo sidii ay ku dhamaatay arintii Saylac iyo waliba sida ay noqon lahayd hadaanay arintu ku xidhnayn Hargeysa ama madaxda Somaliland.

Dabcan waan ka wada dhiidhinay nina damiirkiisu ma siinayn in wax ka duwan wixii kasoo baxay doorashadii degmada Saylac lagaga dhaqmo, ama Saylac laga dhiso hogaan baal marsan doonista aqlabiyadii halkaa kasoo baxday. Laakiin hadana waxa wanaagsan in la qiro in xukumada Siilaanyo iyo Saylici hogaaminayaan oo ah mid aanan anigu waligay amaan u helin ama ah maamul dalka guud ahaan la degay, balse hadana  ah mid maanta la odhan karo waxay ugu dambayntii muujisay xilkasnimo iyada oo xukumadu tixgalisay doonista shacabka reer Awdal oo  aan la danfiri karin in ay marka horaba ku taagnaayeen xaqa.

Waxa iyadna  xusid mudan oo aan la danfiri karin hadii xukumada Somaliland damacdo in ay sharciga gara marto in aanay jirin wax horjoogsanayay, si kastaba iyada sumcad xumi u ahaatee . Waana xaqiiqa in  nidaamka wadanka ka jira uu madaxweyne Siilaanyo leeyahay awood uu ku samayn karo wixii uu doono in uu ka hirgaliyo Somaliland taasna waan oganahay oo mayeelin Siilaanyo isaga oo waliba Ina Geelle cadaadis arintaa ku saaray.

Hadaba meel adiga oo aan awood ciidan haysan warkaaga la maqlayo miyaanay ahayn meel ay rajo kuugu jirto?

Dabcan dadbaa ku doodi markay su’aashaa maqlaan, (Waa inta ay bilaa oqoonsiga isaaqu yihiin) laakiin hadaan si qayaxan wax ugu sheego kuwa sidaa aaminsani waxay ilawsanyihiin in Isaaqa laftiisa uu tartan ka dhexeeyo oo aanay waxba isku ogalayn taasina ay keenayso in qolo walba oo Isaaqa ah jeceshahay in ay reer Awdal xulufo la noqoto madaaba uuna Isaaq kala adkaan karayn oo ay ku heshiiyeen in ay cod ku kala baxaan. Waxana wanaagsan in sidaa wax u arkaan dadka aaminsan in Isaaq uuni leeyahay Somaliland.

Dhinaca kale waxa jira dad yar oo kooban oo Soomaliland kasoo horjeeda oo arinta Saylac raba inay ka faa'iidaystaan kana dhigaya arinta tu Isaaq iyo Gadabuursi u dhaxaysa markhaatina uga dhigaya arinta Saylac oo ku doodaya in ay kamid tahay dulmiga reer Awdal uu ku qabo SL.

Balse waxa wanaagsan in la weydiiyo dadkaa xagee Somaliland ka dulmiyar ee ay shacabka u hogaaminayaan ama dadkaasi ugu baaqayaan in ay dadka reer Awadal tagaan?

Maxaayse dadkaasi  maayarka Salac ee nidaamka Somaliland ku shaqaynaya ugu xiqayaan hadaabay waxa dhan u arkaan xaraan?

Dhanka kale hadii aanay arintu maanta Hargaysa ka go’ayn  oo ay xamar ahaan lahayn ma u dhici lahayd sida ay maanta u dhacday?

Mise la filayaa in indhaw iyo indhaw uu maamul xamar ka dhashaa keeni karo in lagu kala baxo sifa sharciya iyo doorashooyin?

Anoo su'aasha udambaysa ka jawaabaya waxan leehay maya lama sugayo in indhaw xamar ka dhacdo in lagu kala boxo doorasho iyo sifo sharciya, indhahana maclin inoo ah. Taasina waa ta keentay in Ciisaha maanta reer Awdal doorashaan kaga helay Saylac ay leeyihiin ku yeesho xamar miisaan ama aqlabiyad la mid ah guud ahaan dadka dega gobolada Salal Awdal iyo Gabiilay. Iyaga oo waliba Ciise ka gaadhay xukumadihii Xamar Soomaray ilaa intii Cabdillahi Yuusuf darajo aanay reer Awdal ka gaadhin taas oo ahayd jagada kuxigeenka Golaha baarlamanka.

Waxa kale oo mudan inaan is xasuusino in tan iyo bilawgii xornimada Soomalidaba uu Ciise isaga oo aan doorasho ku iman uu maamulayay Saylac xataa dawladii Siyaad Bare iyaga ayay ku macsuuntay. Maantana waxay reer Awdal kaga qaadeen oo ay Ciise kaga heleen  maayarnimada Saylac  nidaam Soomaliland keentay.

Markaa miyaanay ahayn in nidaamkaa iyaga u  hiiliyay ay reer Awdal taageernaan?

Mida kale Xamar waxa maanta Ismaaciil Cumar Geelle looga yaqaan aabaha Somaliya, arinta Saylacna ninka ku dhegsanaa waxa uu ahaa isaga ee Ciisaha dhulka degaayi way iimansanlahayeen wixii nasiib siiyo.

Hadaba marlabaad maanay wanaagsanayn in reer Awdal is miisaamaan oo ay ogaadaan meesha udaran iyo meesha u roon?

Ficiltan waxa uu kaa ridaa jar laakiin deganaasho iyo dulqaad dantaada ayaa lagu gaadhaa waxana reer Awdal gaar ahaan dadka qurbaha ku nool looga baahanyahay in bal marka hore aanay is dhex yaacin ee ay kala gartaan waxa ay diidayaan iyo waxa u dan ah.

Mana wanaagsana in markasta oo dhibi inagaga timaado maamul Hargeysa ka dhisan aan is ceebayno ee waa in aan garnaqsanaa amaba aan ka dagaalanaa wixii dulmiya ee dulqaadku  kari waayo laakiin hadaan markasta sidii ilmo ciyaala oo hooyo waa hore tuurtay ku ooyno Xamar oo aan calan dadkii inagaga awooda badnaaba iska laalaabeen wadhfino waa inoo dhakafaar.

Ugu dambayn dadka reer Awdal gaar ahaan dadka qurbaha ku nool ee iyaga oo fadhiya guryahooga sida fiican u sharaxan qoraya maqaalada aabahay gablanta ah ee aan ka talinayn maslaxada guud ee bulshada reer Awdal waxa wanaagsan hadii ay rabaan in wax walba sida ay rabaan noqdo in ay u diyaar galoobaan in ay iyagu ama u dhintaan ama u dhaawacmaan ama u gaajoodaan. Balse ma haboona in ay borobagaande ku furaan shacabka reer Awdal oo ay barada kaga saran iyaga oo aan u hayn meel ay u wadaan. Waxana looga baahanyahay uun dadkaasi  in ay taageeraan wixii dadka guduhu ku tashadaan iyo waxay diidaan. Hadiise aad necebtahay Isaaq ogow barina reer kale oo reer Awdala uunbaad necbaan ama aad hadaba necebtahaye . Neceybshana waxa ka fiican dan iyo wanaag la doorto.

Hadaba reer Awdaloow bal aan isweydiino Su’aasha ah Saylac Hargeysa waan ka ridanaye xamar Saylac ma ka ridan lahayn? Maxaad kaga jawaabaysaan iyada oo la isku tix galinayo nin walba afkaartiisa

Aniga waxay ila tahay o aan tolkay kula talin lahaa iyada oo dadka koonfurtu yihiin dad Soomaliya oo ay wanaagsantahay in uu wanaag inaga dhexeeyo hadana  Hargaysaa inoo jilicsan inaan la xaajoono sobobahaa aan soo sheegay iyo kuwo kale oo badan dartood ee inaga daaya lab la kacay lugana kuma taagnida.

Mana aha inaan kolba waxa yar ee markaa taagan uun eegno ee waa in aan wixii danteena ah ka fikirnaa. Waxana dhamaanteen inala da’ah in aan dadkeena daacada ugu hiilino haba qadhadhaatee

Mida kale iyada oo ay maanta Gadabuursi Ciise iyo Djibouti  dhul isku hayaan in hadana cidii uu taageersan lahaa uu colaad gashado Gadabuursi.

 Nooli Kulantee

Quljeednet.com

 

.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use