WAJIGII : 2AAD : Mashruucii Lagu Mooro-Duugay Saldanadii Gadabuursi-Menia Gudoonshuhuna Waa Sir-Arshal 1917-60kii
Hadalku haba-yaradee hawshuna haba bad-naatee reer keenaan ilduufay maheshiin karaynaa. arinku wuxuu inoo joogay sir-arshal oo soo bandhigay in la boqro ( CILMI-WARFAA ) Saaxiib dhowna ay ahaayeen gudoonsha mashruuca. intaa ka dib ayaa arrinkaasi waxaa is hortaagay qaar ka mida beelihii Gadabuursi waxayna kolkii dambe mutaysteen in gabi Ahaanba laga saaro magaalada saylac, waxaa markiiba la diyaariyay qaban-qaabadii caleemo saarka Ugaas Cilmi-Warfaa isla magaalada saylac halkaasna loogu ciyaaray oo uu sir-Arshal meedaankii uu ku huwiyay jubad cas oo lagu daleelay dahab waxaana la siiyay 50 askari iyo banaadiiq badan. wuxuuna yidhi maanta laga bilaabo waxaa tahay ( Ugaaskii Gadabuursiga ) dhamaantii markaa waa inaad xuduudaha dowladaha xidhiidhka uu inaga dhexeeya aad si wayn u dhowrtaa. sanadkuna wuxuu ahaa 1917 hadaba Ugaas Cilmi-Warfaa Wuxuu dagay magaalada layidhaahdo ( JAARAA-HOROTO ) intaa kadib waxay dowlada ingiriiska amar ku siisay in meesha la yidhaahdo BOORAME laga sameeyo magaalo sida Taariiqdu sheegaysana waxaa arrinkaa taladeeda lahaa Ugaas Cilmi-Warfaa dhagaxii ugu horeeyay waxaa dhigay ninkii la odhan jidhay MUJIIR-RAAN magaaladana waxaa la dhisay 1921 awalkeedii:
Kolkii ay magaaladii dhisantay ayaa sarkaalkii ingiriiska ee mujiir-raan uu wafdi u diray Ugaas-Rooble si ugaaska uu dib ugu soo noqdo dhulkii uu ka talinayay ingiriiska. taladaana Waxay ka soo maaxatay maskaxda duqaydii gadabuursiga qaar kamid ah wafuudii loo dirayna waxaa ka mid ahaa
1: RABIILE GOOD
2: XADI HUFANE
3:X. IBRAAHIM WAABARI
4:XUSEEN JAAMAC
5: DIRIR DUBAD
6: AXMED MUUSE
Markii uu wafdigii u tagay wuxuu ku yidhi Ugaas-Rooble anigu idiin raaci maayo waxaanse idiinku darayaa wiilkayga ( MAXAMED DOODI ) ninkaasi oo ahaa ruux wax garad ah siyaasi Weyna ah. MUJIIR-RAAN siwayn oo aay xushmadi ku dheehan tahay ayuu u soo dhaweeyay ( MAXAMED-DOODI ) intaa ka gadaal waxaa uu isugu yeedhay madaxdii Gadabuursiga oo Idil waxaa uuna ku war galiyay in mudane maxamed-doodi uu yahay la taliyahayga gaadhka ah ee arrimaha ku salaysan qoomiyada Gadabuursiga. waxii aan xukumaya isagaa ila Maareeynaya wax waliba oo misna ku saabsan Gadabuursiga waan ka wada tashanaynaa. markii uu ogaaday ugaas-rooble sida ay dowlada ingriiska ula macaamishay wiilkiisa aad Ayuu ugu farxay wuxuuna mr Doodi codsaday in wafuud lagu daro si uu u keeno aabihii ugaas Rooble halkaasna wafdi loogu daray deegaankii uu joogay ugaas-rooble waana uu Aqbalay codsigii isagoo soo raacay oo wuxuu yimid magaalada Boorama. maamulkii maxmiyadii ingiriiska waxay amar ku bixiyeen in UGAAS-ROOBLE loo ciyaara mudo ku siman afar cisho, walaalkayoow/walaashayeey waxaanu go'aansanay in aanu iftiimino fadeexad weyn oo sabankaa dhacday taasoo aanu u bixinay ( TREE ANGEL SCANDAL ) FADEEXADII SADDEX GEESOODKA ) :
magaalada Boorama ayaa waxaa isugu yimid saddex Ugaas ama Boqor oo isku reer kaliya ah. halkaa waxaad aqristoow ka garan karaysaa inay arrintaa ahayd shirqool si wayn looga soo shaqeeyay waxaa kale oo ay ka turjumaysaa gaboodfalada iyo dacadiga loo gaystay shacabkii horumarka iyo xadaarada u ehelka ahaa iyo waliba hormuudkii umadda oo loo fasiray inaysan waxba gacantooda ku jirin. waxaa la'adeegsaday xeelad ay ku laran tahay tabihii lagu yiqiin gumaysigii isticmaarka oo gacan weyn ka helay beelo iyo shaqsiyaad kamid ahaa Gadabuursiga. dadka gacanta dhiiga leh u fidiyay haydaarooyinkii ka dhacay halkaa waa kuwa aanan marna ku fakarin maskax caafimaad qabta oo waxay dhagar ka galeen ubadkoodii iyo dhamaan magicii guud ee qoomiyada. hadii maanta su'aal la wediiyo oo ay noolyihiin qaar kamida qoladaa gumaysi-kalkaalka ah jawaabtoodu waxay noqon lahayd qoomamo iyo shalayta-daydiyeey maan diido kolkii ay ii ekayd anigaana doobiga u cushay gunimadaan maanta hadhsanayo:
Intaa loogama hadhine kolkii la'ogaaday in ay qaybka mida hawlgaladii lagu guuleystay ayaa si darran-doorriya loogu gudbay talaabadii xigtay oo ahayd in wax waliba laga dhigo Galgalin xoolaad oo mar hadii madaxa lagaa dilay dee waa dabada meer-meeri. diiwaankii saancadaalahana waxaa la guu gashay inaadan lahayn taariiq iyo ilbaxnimo ka horeysay waqtigaa ayada ah waxaa kale oo si ula kac ah loo war galiyay dhamaan waraaba yaashii hareeraha taagnaa ee aanu wadeeco iyo widba u diidnay mudooyin fara badan,
Bal dib deymadaada u celi intaasi oo urugo iyo ciila iyo marxalada lagu jidhay oo ahay mid kala guur ah ayaa madh-qudha si lama filaan ah waxaa la badalay ninkii Mujiir-Raan oo kolkaa umuuqdo inuu gutay hawshii loo igmaday waxaana lagu soo badalay ( MUJIIR-WELESH ) kaasi oo in badan xukumayay magaalada Boorama, intaa kadib aanu ku yara nasano meerisyo hoga tusaaleyn ah taabanaysna siduu gumaystaha u wareemay dadkeenii jara baxsanaa
waa gabaygii la baxay ( DARDAARAN ) ee sayid max-ed c/ xasan waa maanso si cad u qeexaysa qiyaanooyinka gumaystaha iyo waliba siduu u dagay dadkii ku dhaqnaa qaarada madoow qaasatan umaddii soomaaliyeed isagoo baday duli iyo gaajo, barakicin, bahdilid, dhac iyo boob joogta ah, dhulkoodii oo uu u baxshay hadiyad markuu ogaaday in laga dhiidhiyay ficiladii foosha xumaa waxaan la'ilaabi karayn xasuuqii uu ka gaystay Taleex, shiniile, saylac, djibouti, mugadishu, marka, boorama, iyo deegaana badan. waana sidatan
Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
Marka hore dushuu idinka rari, sida dameeraha e
Marka xigana dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo,,,,
fadlan lasoco qaybaha xiga ,,,
W : Q : FAISAL A ABDI ( ABROONE )
U K