|
25-12-2011
Halkay Marayaan Arimihii Gobolka Harawo
Asclkum waxaan salamaya dhaman dadka muslinmiinta gaar ahaan soomalida ama gaar ahaan dadyawga ku abtirsada awdal salal gabilay iyo harawo waxan rabaa inaan yara xasuusiyo dadka daga gobolka harawo halkay gu danbaysay hawshii baadi doonka harawo su.aashaana waxan rabaa inaan waydiiyo dadka inta badan ku hawlana baadi goobkiisa mudadada badana u joogay jijiga iyo addis ababa hadaan nahay dadka reer harawo qurbaha mudo hada laga joogo dhawr bilood wax wara kama hayno meel arini marayso iyo sida xaal yahay
Markii noogu danbaysay waxay maraysay iyadoo guurtidii reer harawo ee addis joogay kusoo laabteen jijiga wada hadal dheerna dhex maray madaxwaynaha kililka heshiis dhaxal galana laga gaaray arimii khuseeyay gobolka laguna balamay kulan labad oo danbe si loo sii anbo qaado heshiishkii laga gaaray arinta gobolka iyo wafdii heer sare ah oo dawlada ka socda loo diro dhaman dagamada uu ka kooban yahay harawo si loo qiimeeyo wax ay xaq u leeyihiin dadka tiro intaa leegi inay helayaan sida ugu dhakhsaha badan dadka daga gobolka ayaa diwaanka federalka sida ku qoran ah ilaa 500.000 oo qof iyadoo sanadkii ugu danbeeyayna ay ka codeeyeen dad gaaraya 333.000 qof inta cod karka ah.
Dhawan ayaan waxan daawaday warlaga soo duubay suldaan muuse cali madar oo ah saladiinta ugu magaca dheer harawo inay arintu meel fiican u marayso arintu mar aan isku daynay inaan wax ka ogaano waxa dib u riday wareegii labaad arinta hawaro aya lanoo sheegay inay sobobtay maqnaansho uu maqnaa madaxwaynahu sibinaar xaga addis ku maqna hadana uu ka soo laabtay aanan diyaar u nahay inaan dar dar galino hawlihiisa inshalaahu ayay noo sheegeen qar odayada ahi
Anagoo ah qurbe jooga reer harawo waxan amaan u soo jeedinaynaa guurtidii hawshaa isku xil qaantay mudadii 6 bilood ahaydna addis u joogay inay hawsha halkedii kasii wadaan oo ayna ka casjisin ilaa ay ka midho dhalinayaan inshalahu anaguna waan idinla garab taaganahay wax kasta oo aad nooga bahatan sidaan horaba ugu wada shaqayn jirnay horu marka gobolka waxana naga balana haduu eebe lana qabto inaan guusha gaarno idina gaartaan
fariin kalana waxan lee ahay ugaaaska beesha samroon ugaas cabdi rashiid waan kugu hanbalyaynayna sida fiican ee aad yeeshay ama aad dhulkii beesha samroon cagahaga u wada marisay somaliland iyo ethopia labada waxaanan ku leenahay ugaas madax meel ka saraysaa majirto madixii maanta ilaahbaa kaa dhigay arinta gobolka harawo inta dhiman waa adiga ilaahayna la kaasho
ugu danbayn waxan lee ahay dhawamaan teen waxa la inooga baahan yahay inaan hawsha gobolka kawada hawl qaadano gacmo wada jir bay wax ku gooyaane waxanad moodaa hada inay dadka reer harawo hore mar balaadhan kasameeyen aanad ka dheehan karto vidoe yada laga soo tabinayo socdaalka ugaaska waana wax lagu farxo hawshana halkaa ka siiwada dadka noo fududeeyay inaan si dhibyar u daawan karno dhulkeenii quruxdiisana waan ku hanbalyaynaynaa hanbalyo
Xasan Ciise
macalinka1234@hotmail.com
|