WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

 

                 Home    Contact Us   About US            

 

25-01-20112
Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Dhawaajiyay In Uu Diyaar U Yahay Wada Hadal Ay La Galaan Somaliland
Cali khaliif Galydh oo hogaaminaayey ergooyin ka tirsan beesha Dhulbahante oo magaalada Taleex ee gobolka Sool dhawaan kaga dhawaaqay maamul goboleed la yidhaahdo Khaatumo State of Somalia ayaa markii ugu horaysay wuxuu shaaca ka qaaday in ay dhinacooda ergooyinkaasi shirka Taleex ku qabtay ay diyaar u yahiin inay la hadlaan Dawladda Somaliland.

Cali Khaliif Galaydh isagoo la hadlaayey Telefishanka caalamiga ah ee HCTV shallay isagoo jooga magaalada Taleex wuxuu yidhi “waan ogahay in dadka aanu walaalaha nahay aanu nahay dad is dhallay, isku dhiig ah, ilaahay bugcad naga wada beeray iyaguna aanay meelna uga guurayn dhulkaasi anaguna aanan meelna uga guurayn waxaanu soo dhawaynayna in aanu dadka walaalahayo ah ee Somaliland la hadalo oo wada hadal nabadgelyo leh la gallo” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh

Cali Khaliif Galaydh wuxuu shuruud ku xidhay qaabka wada hadalo ay la yeeshaan Somaliland ku dhici karaan wuxuuna yidhi “wada-hadaladaasi waxaa keliya ee ay ku dhici karaan waa anagoo u wada hadala iyagoo ah Somaliland iyo anagoo ah Khaatumo State of Somalia, taasi ayuunbu ku iman kara” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.

Hadalka ka soo baxay Mr. Galaydh ayaa ka danbeeyey ka dib markii kooxahii kaga dhawaaqay magaalada Taleex Maamulkaasi la yidhaahdo Khaatumo uu ku yimid culays aad u farabadan kaasi oo ay u suurtagal noqon wayday inay magaalada Taleex dhinacna u dhaafiyaan maamulkaasi, waxaa sidoo kale saluugay qaabkii ay maamulkaasi ugu dhawaaqeen haldoor badan oo ka soo jeeda Beelaha dhul-bahante oo ka dib markii shirkaasi dhamaaday ka huleelay iyagoo qaarkoodna wada-hadalo hoose kula jira masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Warar hoose ayaa sheegaya in wada-hadalo khadka telefoonka ahi uu dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galaydh laftigiisa waxaana uu Madaxweynahu ku casuumay dhinaca kale inay Wada-hadalo nabadeed ka soo qayb gallaan.

Cali Khaliif Galaydh iyo kooxaha iyagu shirkii Taleex qaban-qaabiyey ayaa u arka hadda jidka keliya ee u furani inuu yahay sidii ay ugu gorgortami lahaayeen miisaanka siyaasadeed ee ay xanbaarsanyahiin iyadoo laga yaabo inay ku xidhaan shuruud Somaliland inay ku soo biraan kaasi oo ah in tallada Somaliland loo qaybsado iyadoo la yahay Somaliland iyo Khaatumo

 

                          Xigasho Gabilaynews



 

 

 

 

 

 

 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

 

++

 

 

 

 

a