\WelcomeToQuljeedNet Awdal 

 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

23-01-2013

Dr Gaboose Oo God Madow Ku Riday Mustaqbalkiisii Siyaasadeed.

Urur siyaasadeedkii Umadda oo uu hogaaminayo Dr Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa shalay si rasmi ah ula midoobay xisbiga Waddani oo ay in muddo ah u socdeen wada-hadalo aakhirkii suurto-galiyey inay midoobaan labada dhinac.

Urur siyaasadeedka Umadda oo Dr Maxamed Cabdi Gaboose aasaasay, hogaamiyena ka ahaa ayaa midowgiisa xisbiga Waddani ku yimid dedaalo siyaasadeed oo Guddoomiye Cirro u galay sidii uu u kasban lahaa taageerada iyo quwada ururka Umadda oo ka mid ahaa laba ama saddexda urur siyaasadeed ee xukuumaddu aadka uga feejignayd inay ku soo baxaan, taasi oo ay sabab u ahayd Dr Gaboose oo xukuumadda kala hor-yimid Mucaaradad adag oo keentay in xukuumaddu weedhihiisa si deg-deg ah uga hal-celiso.

 

Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo ah siyaasi rug-cadaaya, kaalin muuqatana ka soo qaatay dedaalkii Madaxwayne Siilaanyo kula wareegay xukunka isla-markaana xilkii Wasaarada arimaha gudaha ee Madaxwayne Siilaanyo u Magacaabay isaga casilay meel marinta damaciisii siyaasadeed, guntigana u adkaystay inuu hamigiisa Madaxwayne gaadho, ayaa hadda quus ka soo istaagay arintaasi ka dib markii uu hadhay ururkiisii Umadda oo uu markii hore u aasaasay inuu ka dhigto biriij ama salaan uu ku gaadho halkii uu u socday, waxaanu go’aan ku gaadhay inuu shakhsiyaadkii ururka kula jiray iyo awoodii dadkii la mabda’a ahaa uu ku biiriyo xisbiga Waddani ee uu Guddoomiyaha ka yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ay isku gobol ka soo jeedaan.

 

Dr Gaboose oo ururkiisa ay dad badan ugu biireen hal adeygiisa iyo sida uu u doonayo inuu damiciisa iyo ka gun gaadho, ayaa hadda sidii ay wax u arkayeen meesha ka baxday, waxaana Dr Gaboose ururkiisa hadhay ku keentay inuu quus ka soo istaago siyaasada isla-markaana uu faraha kala baxo hawlaha siyaasadeed ee uu hore ugu soo ban-baxay.

 

Dr Gaboose oo xisbiga Waddani iyo xukuumadda mataanayn jiray isla-markaana Waddani u yaqaanay xisbi dawladdeed Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa ka shidaal qaata, ayaa shalay bulshadii uu shalay sidaa ku lahaa haddana hortooda la soo istaagay inuu ku biiray oo uu ka shaqeynayo dhismihiisa sida uu ku sheegay khudbadii uu shalay ka jeediyay xafladii Waddani ku soo dhaweeyay “Saacadaa laga bilaabo Magacii Umaddu taariikhda ayuu galay anaguna WADDANI ayaanu nahay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku darayaa “waxaanan doortay inaan dhiso inta itaalkaygu yahay”

 

Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu shalay god madow ku riday hamigiisii iyo mustaqbalkiisii siyaasadeed, waxaanu madal loo dhan yahay ka cadeeyay inaanay marnaba dhacayn inuu xisbiga Waddani gudihiisa kula dhex tartamo Guddoomiye Cirro, isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi  “noloshayda Munaafaq maan noqonin, waxaan madasha ka cadaynayaa in aanay dhacayn inaan marnaba Cabdiraxmaan xisbiga gudihiisa mushrax kula noqdo”ayuu yidhi, iyadda oo weedhaasi cadaynayso inuu ka fadhiistay siyaasadii isla-markaana daboolka saaray hamigii iyo damicii siyaasadeed ee hore ugu jiray.

 

dhanka kale, ku biirida Umadda ee Waddani oo dadka badankiisu la yaaban yihiin, ayaa la sheegay inay dabada ku hayso qabyaalad iyo reernimo uu Dr Gaboose xeeriyay, isaga oo heli karayey in ururkiisu ku biiro xisbiga ee UCID  oo ay dhanka Mucaaradada iskaga mid ahaayeen, balse arintan ayaa dibada u soo saaraysa boggii qabyaaladeeda ee hore Dr Gaboose loogu xaman jiray, sida isaga laftiisu uu ku bidhaaminayo weedhahan uu shalay ka jeediyay xafladii lagu soo dhaweeyay “Waxaan ku leeyahay (Cirro) Dadku Cali Waran-cadde iyo Gaboose uun maaha,  beeshaadu kuguma filna”ayuu yidhi.

 

Sidoo kale, Dr Gaboose oo hore damiciisu u ahaa mid adag, ayaa sida Guddoomiye Cirro sheegay xisbiga Waddani u noqon doona Mus-dambeed aan doonis lahayn “Dr Maxamed Waxa uu noqnayaa ODAYGA iyo MUS DAMBEEDKA Xisbiga” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo shalay ka hadlayey xafladii Umadda lagu soo dhaweeyay.

 

Xogaha la xidhiidha midowgan ayaa sheegaya in reernimada Dr Gaboose xeeriyey oo ku xidhiidhsan shirkii Daallo oo lagu heshiiyey in Guddoomiye Cirro iyo Dr Gaboose midkooda soo baxaa ka kale ku biiro, ayaa la tilmaamay inay u dheer tahay kharash Guddoomiye Cirro kaga badashay inuu ka tanaasulo damiciisa isla-markaana ka shaqeeyo sidii uu tallada dalka ugu guulaysan lahaa, taasi oo Dr Gaboose ku khasabtay inuu siyaasada ka fadhiisto, xisbiga Waddani dhexdiisana ka noqdo Damane aan doonis lahayn, iyadda oo arintani ay saamayn ku yeelatay xildhibaanada golaha deegaanka ee ururka umadda ka soo baxay, kuwaasi oo la sheegay inay ka baxeen oo ay ku kala biireen axsaabta siyaasada ee Kulmiye iyo UCID.

 

 Cumar Aadan

 

 

   

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

hacoogii   

 

 

sabanadan

Way na sidataaye

 

 

 

Amaan

 

 

 

 

 

 

 

Saylac waa siddig Samaan gudhayoo

Siiga mooye saxo lagu hayn

Suuqyadeeduna waa sabool madhanoo

Diilaal saaqiday baa u sahantaga

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use