Sida la wada ogyahay maanta waxa cad in qaranka Somaliland kujiro gacan kali talisnimo oo waxa albaabada ay xukumada Kulmiye ulaabtay diimiqoraadiyadii ay iyagu ku yimaadeen kursiga waxayna dadkii mudakarka ahaa ee qaranka inay badbaadiyaan ay ahayd xukumada Kulimiye ka dhigtay laga soo bilaabo ilaa markii ay dalka qabsatay wax ay laaluushto oo ay kuraas siiso iyo wax ay u hanjabto oo cabsooda sidii uu horay u sheegay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Hadaba Dr Gaboose oo ahaa gudoomiyihii ururkii Ummada ee doorashadii dawladaha hoose ku hadhay wuxu ka mid ahaa shaqsiyaadka tirada yar ee la filayay in uu badbaadiyo qaranka Somaliland isaga oo cod unoqonaya shacabkan rajadoodii uubta lagu riday waxana waliba uu ahaa nin ay shacbiga Somaliland bari iyo galbeedba uwada hanweynaayeen wuxuse maanta hog madaw ku riday rajadii shacabka Somaliland ee ahayd inay helaan shaqsiyaad kartileh oo dalkan meesha loo wado iyo sida uu usocdo ka hadla.
Xisbiga uu maanta ku biiray ee Wadanina maaha xisbi ka duwan xisbi xaakimka Kulmiye waxayna dadbadani aaminsanyihiin in ay labada xisbi yihiin ul iyo deerkeeda oo aan la odhankarayn maanta xisbiga Wadani waa xisbi mucaarida oo ka duwan xisbiga kulmiye.
Waxana wanaagsanaan lahayd in uu Dr Gaboose ka fiirsado meesha uu cududiisa iyo kartidiisa ku biirinaayo ee qaranka iyo jiritaanka Dimiqoraadiyada dalka uwanaagsan isaga oo aan beelaysi iyo meel yar oo gaaban wax ka eegayn
Waxana la odhankaraa rajo wanaagsan ayaa galilahayd shacbiga hadii uu Dr Gaboose maanta cududiisa macaaridadeed ku biirin lahaa xisbiga Ucid oo imika isagu umuuqda mid saaxada siyaasada ee dalka agoon ku ah.
Inskasta oo wakhtigan la odhan karo xisbiga Ucid laftiisu waa xisbi aan wali umuuqan mid dadka rajadooda soo celin kara hadii uu kusii socdo sida uu haatan yahay balse waxa hadana la odhan karaa waa xisbi ay ku jiraan rag ay mucaaridada dawlada Kulmiye ka dhabtahay sidaa daraadeedna Dr Gaboose wuxu ka mid yahay dadka la saadaalinayay in uu xisbagaa Ucid badhi itaalo oo uu cududiisa macaaridnimo ku biiriyo hadii uu ururkiisii Ummadu hadhay laakiin nasiib daro Gaboose waxa uu marlabaad jeebka ugu dhacay xulufadii Siilaanyo taasina waxay hog maddow kusii riday rajadii ahayd in la helo dimiqoraadiyad isku dheeli tiran oo la mid ah tii Siilaanyo ku fuulay kursiga dalka ugu sareeya.
Quljeednet.com London