btay Ayaa asJ

WelcomeTo QuljeedNet Awdalas

 

 

 

 

                 Home    Contact Us   About US            

 

10-01-2012

Dirawal Reer Boorama Ah Oo Waday Gaadiidka Xamuulka Qaada Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Hargaysa.

 Waxaa xalay lagu dilay magaalada Hargaysa alaha u naxariistee Cabdi Cali Ardo oo ku magac dheer (Fool) kaas oo uu dilkiisa gaystay mid ka mid ah ciidanka taraarikada hargaysa xili marxuumku uu waday gaadhi xamuulka qaada kana soo kicitimay magaalada Berbera una soo jeeday magaalada Boorama.

 

Marxuumkan Dhintay ayaa sida ay noo xaqiijiyeen ehelada iyo dad xiligaas ka agdhawaa goobtaasi sheegeen in gaadhiga oo wadada socda ay joojiyeen mid ka mid ah ciidanka wadooyinka ee Taraafikada ka dibna waydiiyay liisanka gaadhiga, markii uu hadaba tusay loona arkay in liisankiisu yahay mid sax ah waxa uu ninkii booliska ahaa ka codsaday in uu bixiyo lacag laaluusha sida caadigaba ah dhacda, intaas ka dib marxuumkan oo ahaa dirawalka gaadhiga waday ayaa diiday in uu lacagtaas bixiyo dabadeedna waxa uu bilaabay in uu iska dhaqaaqo isl waqtigiina waxa dhacday rasaas uu askarigii huwiyo gaadhigii iyo dirawalkiiba waxaana halkaas ku qudhbaxay dirawalkii gaadhiga waday allaha u naxariistee Cabdi Cali Ardo oo ku magac dheeraa (Fool).

 

Intaas ka dib askarigii falka gaystay waa uu baxsaday maydkii marxuumkana waxaa loola soo cararay dhakhtarka Guud ee magaalada Hargaysa halkaas oo uu ilaa iminka yaaalo qolka Maydka.

 

Marxuumkan dhintay ayaa ahaa mid gaadhiga u waday ganacsade reer Boorama ah oo la yidhaahdo Maxamed Camir mudo aad u badan waxaana lagu yaqaanay nin mas’uul ah, dulqaad badan waxa uuna ifka kaga tagay lix caruura iyo hooyadood kana soo jeeda hayb ahaan Gobolka Awdal.

 

Dhanka kale wararkii ugu danbeeyay ee aan ilaa iminka aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in marxuumkii eheladiisii ay diideen in la aaso ilaa la soo qabanayo gacan ku dhiiglihii sida gardarada leh u dilay miskiin saddexdii habeenimo bariiskii caruurtiisa raadinay. talaabada dhinaca dawladu falkan ka qaaday ayaa ah ilaa iminka mid xadidan iyada oo soo qabatay oo qudha aabaha gacan ku dhiiglahaa dilay marxuum Fool.

 

Xigasho Booramaonline

 

 

 

 

 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

 

++

 

 

 

 

a