Aaminta baniyoo Allana talada weydiista
Dulmigoo la diidaaye waa deeqda Eabaha'e
Ducodoo dadkaagaa tartaa waa tuxaan bixine
Allow noo gargaa adaa deeqsiyoo kare'e
Dhiigoo Xallaala dhigtaa waa dabuubweyne
Katasha tolkeeyoow oo Ilaah taladana weydiista
Mindimada dadkeygaan rabaa abid wallaalow'e
Oon cidkale daansan daansan abidkeede
Xumaan laguma baaqee gaar iskaga taaga
Xumaantoo lawada xuuro oon cida xiisaaynin
Muslimkoo wallaalooba oon xadgudubyeelan
Dariskoo iskaashada oon cidla jujuubeynin
Waa deeqda Eeba'e Du'cada daafkawada ooga
Xaasidkoo lawa xuuro oon idina xiiseynin
Dadku wada wallaaloobo oon eexdu wada gaarin
Midnimada dadkeygaan rabaa oo xumaan gaar iskaga taagno
Hebelbaa shaaha iishubu xumaan lagu agrooraayo
Garanmaayo xaajadaa oo anigu waanka saayimey'e
Aan wada barwaaqowno oon xumaha gaar iskagtaagno
Dulmiguu wallaalkaa galaa waa mid kugu go'ane
Xumaantood isgarabtaato qoom horuu rogey'e
Hayeeshee Allaa xaakimoo garan xisaabteede'e
Hadii labo wallaali xisaab meel uwada taalo
Isafgarad la'aansoo gashoo caalumu jeedo
Xumaan looma jeedee waxan rabaa sadkeygoon gaar iskaga heysto
Inta Soomaali qiilkale u bixi teyda docodsiiyo
Adna taada sii wado wallaal waanku saacideye'e
Ha laboodin taasaa muqadisoon cidi ka marmeynee'e
Hawadaa ugu qaaliya wuxuu xitaa geedkuba ka maarmin
Hayeeshee siyaasadu qardoof iyo qaladma waayaane
Quraankii Ilaahsoo dajiyo maaha oo waadla socotaaye'e
Igadaa wallaal anigu laanta waanka saahireye'e
Hagargaarin diigaa Muslima oo Jaahil lagu daadsho
Ha ilaawin xumaantood nacdaa Xaakimkaa farey'e
Ka tasha xumaantoo wallaal gaar iskaga taaga
Xumo lagu heshiiyaa cidiba uma cisootaaye
Xaakimkaa xornimo keenayee Du'cada baasha ka hilaabshe
Kaanii xumaanqaba Ilaah Caafiyaa jire'e
U duceeya bari buu malaha soo gadaal caline'e
Danbidhaafka badiyaay marley teena meelmariye
Dulqaad deeqsibuu mudanyoon cidina diideyne
Hayeeshee marbuu doqondhalaa cidina taageersan
Inigoo wanaag doonaayaad xumaha gaar isaga leexin
Danbi maaha Daa'uudow wallaal dulmi la diidaaye
Danbigoo la garabrooro Quraankii Ilaahiyo Suna meelna kumataalo
Maxaa nabaada hadiyo jeerku xidhey laanta dabadeeda
Laantaa la aanteed miyaa nabadu ka horeynin
Ma Suldaanadaada ixukumi waa siloonkale'e
Gabooyuhuba geybuu haddaad qaran u jeedaane'e
Somalibaan wadanohoo waa xidid iyo Xigaale
Dhaqankana madhaafnee ogow daayin abidkaaye'e
Hayeeshee xorbaan ahey dhadhaarkii an heynaayey Doobo Guudgeeyo
Wallaalkeyna Laaskii biyood iyo bari la heegaamo
Adigana intaankula dhisaan duhurcad kaaga sii tageye
Ma suldaanadaada na xukumi waa siloonkale'e