28-01-2012
Xildhibanada Golaha Wakiiladda Ee Somaliland Oo Dood Adag Ku Soo Jeediyey In Ajandaha Kalfadhigooda 17aad Lagu Soo Darro Ka Doodiista Siyaasada Arrimaha Gudaha Iyo Dibadda.
Kalfadhigii 17aad ee Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa Maanta Si rasmi ah u Furmay, Fadhigan oo uu Shirguddominayey Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md.C/raxman C/laahi Cirro, Ayaa waxa ka Soo Qaybgalay Baddibada Xildhibanada Golahaasi.
Fadhigan ayaa Xildhibanada Golaha Wakiiladu Waxay Si Kulul Uga Doodeen Ajandaha Kalfadhiga 17aad, Waxayna Xildhibnada Doodooda Dhibtay ay sheegen in loo bahan yahay in Ajandaha lagu soo Darro Ka Doodiista Siayasada Arrimaha Dibada iyo Arrimaha Gudaha oo ah Xalada Dalku halkay Marayso.
Xildhibaan Aadan Xaaji Diriye (Sanqoole), Xildhibaan Saleeban Cawad Cali (Bukhaari), Ibraahin Mahad Buuba, Xildhibaan Axmed Kijaandhe, Xildhiban Axmed Maxmaed Obsiiye, Xildhibaan Cali Xassan Maxmed (Mareexan), Siciid Cilmi Rooble, Xildhiban. Xassan Cawale Caynaan, Gudahaan Xildhibanadaasi waxa ay sheegen in loo bahan yahay in lagu Soo Daro Fadhiga golahasi Xalada Siysadeed ee Dalku marayo.
Xildhibaan Xildhibaan Saleeban Cawad Cali (Bukhaari), oo Doodaasi Fikirkiisa ka dhibtay waxa uu yidhi “Ajandaha kalfadhiga 17aad waxa loo baahan yahay in lagu soo daro Xaalada guud ee Dalku marayo, waxaanamuhiiim ah in Golahani uu mar walba ku shaqeeyo dareenka shacbiga dhexdiisa yaalla, iyadoo la eegayo arrimaha Dhaqaalaha, Siyaasada arrimaha Dibada, Siyaasada arrimaha gudaha, Cashuuraha, Amniga iyo Xuduudaha. Mana qabo in arrimahaas wax laga horaysiiyo.”Ayuu yidhi Xildhibaanku