\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

 28-12-2012

Qaybtii2-aad: Ninka Ugu Il-Dheerba Dadka Ugu Ayaan Daran "Shallay Iyo Maanta Shallay Keligaybaan Ahaa Maantana Waa La I Dhaafay" Qalinkii Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba

Qaybtii 2-aad

Dabadeedna naxdintii ayaan dib u istaagay ninka odayga ah oo markii danbe iskugu kay sheegay magaciisa Cabdikariim Xinif ahaana xoghayahii maaliyadda ee xisbiga KULMIYE ayaa wuxuu si deg deg ah iigu yidhi “Odaygu cirku marayaaye dibadda inoo saar” markii xaal halka marayo ayaa nin aanan hadda aqoonsan karin oo gudaha fadhiyey si deg deg ah u yidhi “waar daa soo galla soo galla”.

Indhahaygu waxay qabteen quraaradaha ama daasadaha buluuga ah oo miis kuraasta dhinac yaallay hor dhoobna, markay indhahaygu jaleeceena waxaan arkay in quraaraddaha ama daasaddahaasi ay ahayeen sharaabka loo yaqaano Energy ama tamarta qofka kor u qaada, Guddoomiye Siilaanyo aad ayuu u cadhaysanyahay kelmadda uu Cabdikariim Xinif isticmaalay ee ahayd “Cirkaasu maraya” Wuxuu ula jeeda cadho ayuu cirka maraya.

Aniga dhawr arrimoodba way isku kay qaban waayeen waa marka hore eh Guddoomiyahii xisbiga oo ahaa gadh-hayeenkii loo noqonayey ee ay ahayd inuu marxaladda maareeyo isla markaana caamadda iyo aqoonyahanka xisbiga ee uu haldoorka u yahay ay ahayd inuu isagu ugu degenaado si uu xaaladda u maareeyo ayaa waxay indhahaygu arkayeen isagoo ugu cadho badan, Guddoomiye Axmed Siilaanyo wuxuu dhawr jeer oo is xig xiga ku cel-celinaayey inuu doonayo inuu warbaahinta la hadlo oo shir jaraa’id qabto balse Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ag fadhiyey ayaa qabanayey oo xasuusinaayey in xisbigu horta u baahanyahay inuu arrinta iska arko.

Dhawr arrimoodba judhaaasi way iiga so baxday Guddoomiye Axmed Siilaanyo 1) Inuu yahay hogaamiye fudud oo marka ay xaaladi timaado aan samri karin ilaa uu sadkeeda gaadho 2) Inay go’aan qaadashadu aad ugu yarayd isla markaana uu labada ku badnayd habacsanaantu 3.) In dadka ku wareegsana wakhtigaasi ay ahaayeen dad aad u mudakar ah oo badiba Guddoomiyaha ka ilaalinaayey khaladaadka siyaasiga ah isla markaana ay ka dhab ahayd in si sal balaadhan tallada loo ruugo.

Akhristayaal aan taariikhda dib markale idiinku celiyo eh Habeen kale oo ku siman sannadkaasi 2005-tii ayaa aanu aniga iyo nin kale oo siyaasi ahi usoo booqasho tagnay isla guriga Axmed Siilaanyo si aanu usoo sallaano isla markaana bal aan anigu Guddoomiyahii SNM ugu muddo dheera aan usoo dabeecad barto, markii aanu guriga soo dhaafnay si wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyey waxaa Guddoomiyaha Siilaanyo la fadhiya Alla ha u naxariistee Xildhibaan Tuke oo ahaa nin mujaahid ahaa, markii aanu qadar daqiiqado ah madasha fadhinay ee aanu is bariidinay guddoomiyaha isla markaana uu ii qadimay inuu aad ii yaqaano qoraaladaydana akhristo ayaa waxaa goobta soo gashay Marwadiisa Marwo Aamina Weris qadar is barasho ah ka dib waxay marwadu si layaab leh ii weydiisay su’aal dhakafaar igu riday, su’aashaasi oo ahayd “Saw adigu ma tihid ninka qoray inuu Axmed Siilaanyo Dilay  Alla qabriga ha u nuuro eh Mujaahidiintii Aadan Shiine iyo Ina Koosaar” waan yaabay waayo ogobeey qisadani laga hadlayo ee ay Marwadu i weydiinayso waa marka hore eh da’ ahaan mabaan soo gaadhin oo nin yar ayaan ahaa wakhtiga la sheegayo caqligana ma gasho waxaanan la da’ ahayn inaan ka waramo, marka xigtana aniga laftigayga ayaa warbaahinta maalmaha maalmo ka horaysay ku arkaayey iyadoo Guddoomiye Siilaanyo iyo wasiirkii Maaliyadda ee Rayaale Cawil Cali Ducaale isku dhaafsanayaan.

Anigoon Jawaabin ayuu Guddoomiye Axmed Siilaanyo si deg deg ah u yidhi “maya isaga maaha waa nin kale oo hebel la yidhaahdo” intii su’aasha iyo jawaabta u dhexaysay marna waxay ii ahayd naxdin marna neef ka soo  bood waxaa i gallay dareen ah in qoysku ay uruursanayaan xubnaha cid alla iyo ciddii ay gardaro u tirinayaan oo ay si gaar ah u callaamadsanayaan iyagoo la sugaya inay maalin kale ka aar-goostaan intii aan Guddoomiyaha la fadhiyey waxyaabaha iga yaabiyey waxaa ka mid ah in Marwo Aamina Weris ay Gudoomiyaha xasuusinaysay wax alla iyo wixii uu ballan leeyahay, intuu na soo eegay ayuu yidhi “Xaajiyadu iyada ii Calander ah” lama yaabin haddana si ayaan u fajacay lama yaabino waxaanan ula yaabin Soomaalida  hore u tidhi “Nin kastoo Xoog is bida Gabadh Maskax badan ayaa guushiisa ka danbaysa” sina waan u fajacayo waxaan isweydiiyey haddii uu Madaxweyne dalka ka noqdo tallow siday Marwo Aamina Weris iyo maamulka madaxweynaha la shaqaynaya iskula jaan qaadayaan.

Sannadkii 2006-dii ayaa Madaxweyne Rayaale albaabada u laabay xaruntii koomiishanka doorashooyinka isla markaana wuxuu kala diray todobadii xubnood ee  koomiishanka arrintaasi waxay ka cadhaysiisay xisbigii KULMIYE, goob aan ka fogayn guriga Koomiishanka ee Hargeysa ayaa xisbigii KULMIYE iyo xubnahii hal doorka ahaa oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Xaashi Cilmi, Dr. Gaboose iyo rag badan oo aan KULMIYE ahayni ay iskugu tageen gurigii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax goor fiid ah oo ku siman ilaa 7:00 fiidnimo ayaan booqday gurigaasi, Guddoomiye Siilaanyo oo ay hareero fadhiyaan badiba baar-qabyadii KULMIYE markaan guriga gallay waxaa iyagu goobta daqiiqado igaga soo horeeyey raxan warbaahinta Hargeysa ka hawl-gasha ah Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa wuxuu warbaahinta u sheegaya in aanay diyaar u ahayn inay wax war ah bixiyaan ee ay kulano u socdaan xisbiga, balse goob aan ka fogayn ayaa indhahaygu qabanayaan Guddoomiye Siilaanyo oo ku leh “waar aan la hadlo eh i daaya” balse xubnahii dhinacyo fadhiyey ayaa hadalka si isku mid ah ugu boobaya oo ku leh.. Guddoomiye maaha xilligeedii…….

La Soco Qaybta Xigta

Qallinkii Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba)

diridhaba@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use