btay Ayaa asJ

WelcomeTo QuljeedNet Awdalas

 

 

                   Home   Contact Us   About US            

 

24-12-2011

Dabna Wuu Sitaa Dadka Uu Ku Gubo Dawladna Daacaa Wuu Doonayaa!

Marka Hore Salaama Calaykum Akhayaarta sharafta leheey. Salaan iyo bariido wanaagsan ka dib. Somaliland waa dal wanaagsan iyo dad yar oo wanaagsan. Bulshadusema taqaano . inta yar ee wanaagsan waa dad dadaal badanwax badana doonaya in ay qabsadaan, dadka dhulkanqabyaalad ayaa qalbiga madoobaysay badankooda.Ilaahay wuxuu quraankiisa ku sheegay "qoom ilaahay ma dooriyo ilaa iyagu is dooriyaan." waxa oo kale ilaahay quraankiisa ku cadeeyey in "fidmadu xuntahayayna hurudo,nikii kiciyana ilaahay nacdal uu ku riday."Hadaan usoo noqdo maqaalkaygan waxaan doonayaa in aan kaga hadlo waa maxay dawlad? Ma u baahanahay dawlad? Ma noolaan karnaa bilaa dawlad? Iyo ma iska qaban karnaa inta xun?

 

Dawladu waa haykalka leh awood uu ku samayn karo kuna fulin karo sharciga. Waa awooda kala xadaysa daalinka iyo madluunka waxii dhaxmara.waa awooda u adeegta dadkauna samaysa dhismayashaashakaabaha nolasha sidaWaxbarasho, caafimaad iyowaxyaabaha asaaska u ah nolasha sida jidadka,biyaha, nadaafada iyo amniga. Muhiimada koowaad ee dawladu waa ta u abaal guda muwaadinka wanaagsan,ciqaabtanakuwa sharciga ku xad gudba. Su,asha labaad ma ubaahanahay dawladjawaabtu waa haama jiro dal bilaa dawlada aduunkailaahayna wuxuu ogolyahay in la is maamulo lana samaysto amiir ama hogaanlaga amar qaato. Suura gal ma aha in la noolaado dawlad la,aan maxaa yeelay dadku waxa uu u baahanyahay wax xadeeya ama xakameeya haduu waayana waxa uu noqonayaa fawdo iyo wax aan la ilaalin karin.

 

Waxaa haddaba jirta in inyari sharciga gacmahooga ku sitaan waxay doonaana samaynayaan iyagooaan ka baqayn dawlad ama xukun iyo dad wanaagsan toona. Intan yari dab ayay sidataa kolba meel ay sudho. Dabkan dadka ayey ku gubaan, guryahay ku gubaan, dawlad in aan noqonana way rabaan!!!!. Dabka waxa uu u hor sudhaa Abtigii,Inaabtigii, Habaryartii iyo Qaraabadiisa waayo cid kaleba uma muuqato.Caruur badan agoon bay ka dhigeen, ooryo badana Agal ayay u xidheen,guryo badana way madoobeeyeen. shacab fiican oo aan odhan karo waa muwaadin dhab ah malaha dalku Waa dad qiiro badan wax badana aan ka fikirin mustaqbalka ciyaalkooda iyo dhulkooda.Waxaa dhaafiya dantooda  hadal iyo hawhawiyo nin jeclaysi.

 

Waxaan tagay dalka sanadka bishii koowaad 2011, waxaanan arkay wax badanoo si fufud loo qaban karo sida loo samaynayaana dalka kharibaso. Tusaale ahaan, Ka gaadhiga wataa sharciga wadada ma ilaaliliyo,xaguu doono iyo siduu doono ayuu u dhaqmaa. Meel kasta qashin ayaa tuulan waxaana kuu daliil ah nika qashinka guriga hortiisa ka qaadi waayay ama nadiifin waayay cid kale wax u tari maayo. Haduu qaadana ama wadada ayuu dhigaa ama deriska ku xiga.lagama yaabo incaafimaad helaan bulsho qashin dugsanasaa. Waxaa kasii daran muwaadinku kuwa dabka sita in uu dawlada u sheego ama dadka uu ku booriyo in la iska qabto lagama yaabo. Wuu qarin ama wuu u gar gari.Waa muwaadin xun lana safta ku kasii xun oo dhagar qaba ah. Tani waxay keentay in dadka ama bulshadu sii kala fogaato. Oo boqol urur iyo dawlad gobeleedo samaysmaan.

 

Dawladu dab damis malaha dadkana wax ay u tahay sample dawladeed. Haddaba canaasiirtan kolba dabka meel sudhaya Bari iyo Galbeed, kolbana mid qalaya haddaan dhinac looga soo wada jeesansaw dabku cid walba gaadhi maayo?. Somalidu waxay tidhaahdaa Nin Abeesa koriyoow adigaa u aayi. Waxa weeyi aakhirka aduunbay ku cuni. Nika dhagar qabe geesi u haysta saw dhagar qabe labaad maaha. Waayo wuxuu ku taagarey af ama adin nin dabkiisa uuna ka badbaadi doonin. Halyey moodoo . Hubsan waydee. Aduunbaa u Hoyan…..

 

Ha sugina in aan dawlad noqono ilaa la helayo dad wanaagsan oo iska qabtokeeb la yuururka dabka sudhaya dadka, muwaadin qashinka iska hagaajinaya si umad caafimaad qabta u helaan. Ha sugina Dawlad wanaagsan ilaa aan helayno dad dooranaya nika wanaagsan ee aan beenalaha ahayn, sakhraanka ahayn,waalid caasiga ahayn, khaayin awlaadiisa iyo xaaskiisa khaayina ahayn, diintiisa ku adag ahayn. Ha suginadawlad wanaagsan iyo cadaalad helno. Inta dhagar qabe aan dugsanano, Waxaan ognahay odayadii wanaagsanaa kolka waa wada dhinteen,waxaa isku hadhay maxaan cunaa iyo ma xishoode. Kuwaas oo bulshadii hor boodaya. Ilahyna waxa uu inoo sheegay in maamulka laga xumeeyo kuwii toosi waaya. Haddaba yaa kala guri doona dadka inta aakhiroba loo hoyan

 

Hassankhadar Jama

San Diego CA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

++

 

 

 

 

a