Dameertu Geela Ha Didisee, Quruuruftay Kaga Dartay
Marka aan ka hadlayo arimaha Somaliland ka dhacay amaGoboladda waqooyi somaliyeed dadka qaar baa u haysta in uu is bedelay mawqifkaygii ku aadanna xaquuq raadista beelaha degan Awdal kuwaas waxaa lagu tilmaamaa dad maskaxdoodu gaaban tahay oon fahmayn micnaha magacu leeyahay,magacduna waxay u baxaan ( scientific and religion- histo-global name).(chemical name, commercial name. Generic name, heritrage name, global name, religious name, ancient name, structural name. physiological name, timely name) Aan u bayaansho dadka u haysta magaca Somaliland in uu qollo ama beeli meel ugu xidhan tahay ….
Somaliland waxaa la yiraahdaa dhamaan dhulku ay somalidu ku nooshay ama ay degan tahay..sida(british Somaliland, French somaliland, Italian somaliland oo ay ku jiraan, NFD, IYO Somali-Galbeed)….
Aan u hadlo sidii GAALKII JAAHILKA AHAA EE iidoor ee ALLE UMA NAXARIISTAHII..u hotelka khamriga ku lahaan jiray magaaladda Berbera sanadahii 1970kii, ee noqday district officer kii ugu horeeyey ee degmadda eeyl. , Isaggo oo Guul-wadayaasha magaaladda Berbera ka mid ah, markuu bediyey sujuuddi iyo saligii siyaad Barre ayey kuwii wax dhegta ugu sheegi jirey yiraahdeen nin kugu saliyaa Adduunka ku nool., markaasu PRO ama xafiiskii siyaasadda qaranka u MAGAACABAY SALIGIIafweynenuu sii badiyey, markaasu Gudoomiye Degmo u magacaabay waa Eeyl , markaas weeye markuu Gabaha la galay Masjid JAAMICII Degmadda uuna ku dhaartay in uu janadda galayo oo uu hantiwadaag yahay dhab ah yahay, danbina uusan lahayn…. Anigu haddii aan raadiyo xaquuqdda dadka Dulman ee aan ka soo jeeddo waa mid xaq ah, kuna salaysan rukunnadda diinta barakaysan een rumeysan nahay ee Eebbe weyne soo dejay, una soo dhiibay RS.MOHAMMAD CALLE SW…..
Haddii aan u kaco dhanka dadka ka hadlaya timaha iga duulay iyo dhankaa…. Labbka iyo dhedigga illaah baa abuurey, labaddu umuuro u gaar ah oo body mechanism ah, ama patho-physiological, and anatomical change bay leeyahiin
Kuwaas waxaa ka mid ah dadka bidaartale.. haddii raggu bidaar ku bilaaban da’da 20sanno ilaa end stage of live wax dabiici ah weeye oo waa( hormonal change and normal live ) Waxaanse caadi ahayn oo Abnormal ah haddii raggu naasaha ku leeyahay ama caanno waa abnormal hormones like (PRL,TESTOSTRONE, PREG ) waanna xanuun u baahan in baadhis lagu sameeyo oo la daweeyo lana dheelitiro haddii kale waxa dhacda ninkaasu in uu noqdo ist stage infertility, 2nd stage or or and SO ..… laakiin Haddii haweenka timo ka duulaan madexdda sida raga, ama timo ay ku yeeshaan wajiga iyo shafka iyo extremes. Ka waa abnormal hormone like PRL, TSH, FSH and etc).. waana wax u baahan in sida ugu degdegga badan loo baado ilaa heerka uu gaadhsan yahay hormonal test results lana dheelitiro sidda raga oo kale……… waxba yaan ku dheeraan halkaa waa uun hogo tusaalayn dadka waxma garatigga ah waanan huba in ereyadda qaarkood akhristayaashu fahmiwaan waxaan uga jeeddo waxaanse u caqli celinayaa dadka waxma garatigga ee abuuritaanka Eebbe moodaya in ay cay tahay aanay dadka qaar waxba ka fahmeyn laakiin waa uun tusaale.
Aan u soo noqdo mawduuca ah Doorashooyinka dalka ka dhacay ee ay qabaa’ilku tartamayeen, halka aan hore u idhi xadadka hala xidho ma ahin micnaheeddu waxaan u soo noqday siyaasaddan waalidu ku jirto ee Iidoorku waddo ama danbiilayaashii dalka iyo dadkaba xasuuqay ee Duqa waayeelku horsocdo ee beeleysan , ujeedadu waxay ahayd si looga baxo isqabqabsigan , afcaashan isxanbarka ah iyo isjiidku , loona helo tiro koob xalaal dadkuna ku qanco.
Aan ku laabto magaca mawduuca , nasiib daro waayeelkan jalamsanaya ee dalkii iyo dadkii loo dhiibay isagoo nabad ah, maanta waad aragtaan min Bari ilaa Galbeed , min koonfur ilaa waqooyi dab baa ka holcayaa , ummaddii walaalaha ahaydna wuu kala erdheeyey maantana warmahay isku haystaan waana nidaam ku abuuran duqa kursiga ku fadhiya dhiigiista oo labaddii walaalaha ahaa buu dhab holcaya dhex dhigay, ilaa intuu waxbarashada ku jiray guyaalkii dhalin yaradda wuxuu iska horkeeni jirey ardayda wax wadda baranaysa oo kolba qaar uu gooni afka hoos ugu dhigi jirey, maantana dadkii buu helay allaw sahal amuuraha…..
Aan u soo noqdo waxan ka socda Gobolka Awdal iyo ujeedooyinka laga leeyahay ee loo soo kireystay arwkiraayasha afkudhiiglayaasha, dubka aad moodo reer Awdal , afka aad moodo yaxaaska, ururka aad moodo hurgumaddaee loo soo fuulay siday u kala geyn lahaayeen dadkii wadda dhashay iyo iska horkeenka ay wadaan , uurku baalayaashan akhlaaqdda ajanabigga le ee ummadda timaha iskugu dabray ee Hargeysa laga hagayo loona soo dhiibayo sidii ay ummadda afka isugu gelin lahaayeen….
Waxaa kale ee cawaaqib xumadda maanta socota ka masuul ah maamulkan Dabgaaleynaya ee siilanyo ee intuu dadkii xaqooddii duudsiiyey ka meeraysanaya in xildhibaanadda sidda xalaasha ah xaqqa al loo soo doortey ku wareejo hawshii ummaddu u edmatay iyo waajibkii loo doortay iyo waliba iyagoo codadkoodii laga shubtay intii yareyd ee dirqiga ku soo baxdayna loo quudhi waayo , waxaan marka uga digeyaa falka halkaa ka dhasha inuu ka masuul yahay maamulka xaaraanta ah ee Hargeysa ee dalkii nabadda ahaa colaadda ku abuuray.
Dadkan ku muusanaabay Hargeysa ee le xaq baa naga maqan xaqqa aad raadineysaan Hargeysa ma yaal ee ku soo laabta dalkiina iyo dadkiina , dad aan idin aqoon dalkana aan aqoon u lahayn xaq aad ka raadsataanu ma jiro waana munaafaqnimo waxaad ugu dan seegtaani waa nacasnimo iyo waqti lumis….
Qolyahan Hargeysa muusanaabi waxaan u soo jeedin inta aad Hargeysa ka dhex yaayuultamaysaan dib u soo laabtoo raadsha degaankan aad sheeganaysaan taariikhdii , haddii aad heshaan magaaladdasaylac afarteeddii xaafadood toban qoys oo ciise ah amaaqal oo ciise isku xigga sida(xafaddii Khoordoobi, Xaafaddi Canaabbo XaafaddiiSaarey iyo Cashobaro). waxaa xaq la idiin siin maayarka iyo ku xigeenka iyo waliba Gudoomiyaha degmadda oo naasnuujin ah.waxaan in taa ku darey Afartaa xaafadood waa laga helayaa toban guri oo iidoor ah, tob guri oo carab ah, toban guri canfar ah , toban guri oo soodaan ah oo isku xigga kumana doodayaan in ay dalka leeyahiin ku darsadda xisaabtanka….
Wa Billaahi Tawfiiq…… Qore.A.B.Ibrahim(Aden-Cadde)..