Welcome To Quljeednet.com  Awdal                                                                                                                                                                                                   

 

Hooyada Asuubta Fanka Somaliyeed Hibo Nuura

 

Help Awdal To Decide Its Future and Vote For It

 

 

 Petition to Stop Bloodshed SSCSo

Quljeednet Brings to you the message you need to hear>>>>>>>>>>>

 

11-05-2010

Press Release: Families of the Victims of 7/11 have spoken loud and clear.

Rays Hotel 

 

 

 

Home   Contact Us   About US            

04-09-2010

Daluuntiyo Qabrid Ergo Ma'udiranaa:Qaybtii,2aad:  By Suxufi Abroone

Waxaanu Qaybtaan ku Eegaynaa Dagaalkii Labaad ee Aduunka Isbahaysigii Dowladaha Jermalka iyo Talyaaniga :

 

1938kii waxaa na soo food saaray waji dagaal kolkuu talyaaniga qabsaday ethiopia wuxuu daadin jiray trak cabsi dagaal baana dadkii wada gashay dadka madaxdoodii way wada Baxeen Shaqadiina way joogsatay. sidaad ogtihiin talyaaniga iyo jermalka way is bahaysteen wuuna u hanjabay faransiiska waxay arrini sidaa ahaataba waxaa na soo galay dagaalkii. 1939kii Colkii talyaaniga jabuuti ayuu dagaal ku soo qaaday wuxuuna soo galay dalka isagoo dayaarada wata kolkaa magaaladiina waa laga qaxay meelwalibana way xidhantay. Jimciyadihii Cayaaraha kubada iyo baayac-mushtarigiiba isna waa uu joogsaday dowladii faransiiska ee dalka haysatay waxay keeneen xaraabi iyo suumaraano u dhexeeyay madagaskaar  (madagascar) iyo jabuuti kuwaasi oo dalka u keeni jidhay raashinka iyo wixii halkaa nolasha looga baahnaa:

 

Dagaalkii ka dhacay dhinaca faransiiska iyo jarmalka laguma raagin waxaa uu ku dhamaaday oo lagu qabsaday dowladii faransiiska todobo cisho wayna isdhiibeen. waqtigaa waxaa Haystay ( Marshal Henry Philippe Petain)  xarunta uu faransiiska uu kolkaa uguuray waxay aheyd Fiish' VICHYwaxyar dabadeedba jarmalkii iyo faransiiskii waxaa dhexmaray heshiis Markuu is dhiibay Marshal Petain si uu u badbaadsho magaalada Pariis oo ayna u burburin. waxaana ka soo horjeestay fikradii marshal petain ( General Charles De Gaulle- Digool ) oo Diidanaa in in laisku dhiibo jermalka intaa ka dib general digool wuxuu u baxsaday dalka ingiriiska isaga iyo intii raacsanayd. shacabkii dhulka daganaana wuxuu ukala baxay laba qolo oo Kala raacday VICHY ( Vichystes ) iyo GOOLIS ( Gaulistes ), intii general digool raacsanayd ee Rayi'giisa rumaysnayd waxay u baxeen buuraha ooy kala dagaalamayeen Germalka waxyna noqdeen Makisaar. taasi markaa waxay ukeentay jabuuti fajac maxaa yeelay dadkii germalka raacsanaa ayaa qabsaday magaalada. dowlada talyaaniga kolkaa waxay haysatay Ethiopia;

 

Dadkii magaalada way ka qaxeen waxaana ku hadhay qayb wax ka yar cuno yaraan baahsan ayaa ka dhacday dalkii maraakiib ayaa wadanka Madagackar ka keenaysay raashin iyo dhamaan agabkii loo baahnaa. intaa ka gadaal waxaa magaalada laga hirgaliyay waraaqo raashinka lagu qaato oo la'odhan-jidhay ( Carte D'alimentation ) waxyaabaha kalena waxaa lagu beeri jiray magaalada gudaheeda halka looyaqaan balaas laagaard ( Place Lagard) ee labada Bank u dhaxaysa. khudrada halkaa ka bixi jirtay waxay ahayd tan cuntada lagu darsado 

waxaana ka beeri jirayay nin Gaal ah. waxay sidaa ahaataba dagaalkii uu talyaaniga ku hayay Ethiopia ee uu ku haystay muddada badan waxaa uga soo gurmaday dowladii ingiriiska oo markaa xukumaysay Somaliland weerarna ku qaaday talyaanigii haysanayay Ethiopia isla kolkiiba waxa uu qabsadat magaalada ( JIG-JIGA ) Goobtaas oo xarun u noqotay ingiriiska,

hadaba ciidankii fadhiyay Djibouti laba ayay ukala jabeen mid ayidsan xukunka Fishi VICHY iyo kuwa GOOLIS ah oo General de Gaulla Digool raacsan waxayna bilaabeen inay Djibouti ka soo baxsadaan oo ay yimaadaan ( BOORAMA ) xaruntooduna waxay ahayd magaalada (CAMUUD ) dagaaladdaasi waxay socdeen saddex sanadood ilaa iyo 1943kii Gulufyadaasi si wada jir ah ayay uga wada khayb galeen ingiriiska iyo faransiiskuba waxayna u wada qabsadeen si wada jir ah Ethiopia. 

 

Kadib waxay isla meel-dhigeen khorshe nuxurkiisu ahaa Djibouti waa in la qabsado waxayna waxaana la'isla meel dhigay inuu kolkaa ciidanka faransiisku wajaho xaalada djibouti taas oo uu ka caawinayo ingiriisku. waxayna qaadatay in muddo badan maalin -maalmaha kamid ah Galinkeedii hore ayaa uu ciidan xoogaysani soo galeen magaaladii iyadoo aysan lakulmin wax iska caabin ah dadweynihiina aad ayay u soo dhaweeyeen ciidan-kaasi oo u badnaa ( Soomaali iyo Senegal ) badidoodana waxay ka fakadeen ciidamada Djibouti sidaasi ayaana lagu xoreeyay Djibouti dodobaadkii denbana Tareenkii ( Train-ka ) ayaa la furay khudradii iyo cuntadiiba kalaba waa la keenay. waana laga raystay raashinkii waraaqaha lagu doonanaayay magaaladiina dib ayay u furantay dadkiina way soo guryo-noqdeen. dadkii jimciyada soomaaliyeed sameeyayna badidooda waxay noqdeen wax dhintay iyo wax soo noqon waayay. kuwa cusubina way yimaadeen dhulkiina waa uu nimcoobay xanuunadii laga qaaday nafaqa darada ee bararka iyo wixii la midana laga raysay wayna soo af-jarmeen dagaalkii dunida ee dhacay 1939kii wuxuu dhamaaday 1945kii : lasoco qaybaha xigga''''

 

Isha : Tixraaca  Man'axe  ( Omar Kahin Ainache )

 

W :  Q :   Faisal  A Abdi ( Abroone ) 

                    U K

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Utartamayaasha

Siyaasada Somaliland

 Ee Ka soojeeda

Awdal

 

  Links 

Somali Ecological Society

.Sallaxleynews.com

.Toga Herer

.Dalkasomaliland

.Longlivesomaliland.com

.Somalilandnation.com

.BBCSomali.com

.Ijaraonline

.Allaybaday.com

.Boramanews.com

.Somalilandembassy.com

.TvsomalilandEurope.net

.Haatuf.net

.Jamhuuriya.info

.Radiosomaliland.com

.Maandeeqnews.net

.Halganews.com

.Somalilandfuture.com

.Somlywood.net

.Togdheernews.com

.Somalilandpatriots.com

.Hargeysanews.net

.Somalilandcenter.com

.Hiiraan.com

.QaranNews.com

.Somaliweyn.com

.Radiohargeysa.net

.Haerdo.org

.Hargeysa.org

.Hadhwanaagnews.com

.Somaliland.org

              

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use