\WelcomeToQuljeedNet Awdal 

 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

28-01-2013

Colka Wadhaf  Ma Lagu Dayay

 

Doqon uu Damac Weyni Galay (Beesha Jabuuti) maxaa lagu Dabiibaa?

Mahad iyo amaan oo dhan waxa iska leh Ilaahay, sidoo kalena sharaf waxaa mutay nabigeenii Mohamed (NNKH).   Haddaba, in dhaweedba waxa laga fadhiyi kari waayey buuqii iyo rabashadahii Beesha Jabuuti katalisa ee Ciise ay kawadaan magaalada Saylac.  Beeshan oo sas ka qaaday khasaarihii kasoo gaaray doorashooyinkii dhawaan ka dhacay degmada Saylac iyo Lughaye ayaa dhawaanahaba doonayay in natiijadii doorashayoonkaas ka soo baxay la laalo mar haddii beel kale ay kusoo baxday doorashada. Taasi markay suurto gali waysay,  Beeshu wuxuu hunguri kagalay sidii ay u afduubi lahayeen kursiga maayarka Saylac oy geedsare iyo mid hoose-ba u fuushey isla markaana iyagoo iska indha tiraya natiijada doorashayoonkii la qabtay.  Sidaas awgeed, Beeshan oo sannadihii  la soo dhaafay ka talin jirtay degmada Saylac sababo siyaasadeed oo kala duwan awgeed, ayaa hadda waxay la daala dhacaysaa sidii ay uga soo kaban laheed fashilkan siyaasadeed ee soo waajahay.

  Bal marka hore aan yara dur marno wixii  Beesha Jabuuti ay damac iyo kibir awgeed ay sameeyeen dhawrkii isbuuc ee la soo dhaafay, intaa kabacdina waxa inoo cadaan doona in Beeshani waxaan xumaan iyo dagaal aheen ayna waxba ku qaadaneen.    Haddaba, sidaan wada ognahay natiijadii Doorashada kabacdi Beesha Jabuuti waxay bilaabeen inay qabtaan dhawr shirjaraa’id ooy dhamaantood  kusheegeen in doorashada looga shubtay oo Beeshaas Samaroon ay wax isdaba mariyeen.  Waxay sidoo kale baaqyo isdaba jooga ah ay u direen Siilaanyo(hogaamiyaha SNM) iyagoo  ka codsanaya inuu fara galin kusameeyo Saylac.   Dhinaca kalena waxay qaadeen borobogaan ay rabeen inay kaga dhaadhiciyaan Somaali weyn oo dhan in Saylac ay Beesha Jabuuti iska leedahay.  Markii shir-jaraa’id yadii taxanaha ahaa ay noqdeen hal - bacaad lagu lisay ayay Siilaanyo  ku martiqaadeen Jabuuti si hawshan uu ugu fududeeyo.  Shaxdaas cusub-na way socon waysay oo Madaxweyne-ku xigeenka dawlad ku sheega SL Mudane Saylici  iyo xildhibaanada Beesha Samaroon ayaa la mari waayay.  Intaa markay shaqeen waysay, Beesha Jabuuti waxay doorbideen in ergo cusub la dul dhigo Siilaanyo si ay cadaadis cusub oo hore leh loo saaro Siilaanyo.  Ergadan  oo ka koobanaa salaadiintii iyo cuqaashii Beesha Jabuuti  waxay taageero balaadhan ka haysteen salaadiinta Beesha dhexe. Taasina waxay keentay in Siilaanyo ay ku qanciyeen inuu Boorama u diro wafdi balaaran oo hor leh si cadaadis weyn loo saaro Salaadiinta Beelaha Samaroon si ay u aqbalaan in laga dhigo maayirka Saylac nin kasoo jeeda Beesha Jabuuti.  Arrintaas boobka iska cad aha ee ay u socdeena waxaa ka biyo diiday salaadiintii Beesha Samaroon.  

Markii  shirjaraa’idadii  faraha badnaa (ee borobogaanka ahaa) iyo xafiisyadii ugu sareesay ee  Jabuuti & Somaliland (Geele & Siilaanyo)  la adeegsaday ay ku guuldareysteen qadiyadan, ayay haddana bilaabeen Beesha Jabuuti inay ku dayaan hanjabaad iyo cagajuleen Beesha Samaroon.  Waxay kusoo ururiyeen Saylac dhalin yaro fara badan (dibjir oo dhan) ooy Jabuuti kasoo kaxeeyeen iyagoo isla markaana maayarkii hore ee Saylac uu bilaabay inuu kufaano kuna hanjabo inay haystaan hub fara badan oo uu yaalo meel aan sidaa uga sii fogeen Saylac, intaa waxaa xigay inay dabqabadsiiyeen baabuurkii Mayarka Saylac. 

Isku soo wada duuduub, Beesha Jabuuti waxa walba oy sameen kareen si ay u helaan kursiga Saylac way sameeyeen.   Halka salaadiinta iyo cuqaasha Beesha Samaroona ay iskudayeen inay kor iyo hoos-ba wax ugu sheegaan Beesha Jabuuti laakiin kibir iyo dhamac dhulbalaarsi awgeeda dhag jalaq uma siin talooyinkii wax ku oolka ahaa ee la siiyay.     Waxay halkii kasii wadeen buuqoodii iyo waliba rabshado cusub oo xasilooni daro galiyay magaalada Saylac isla markaana waxay iska hortaageen shaqadii mudanayaashii lasoo doortay.   Xaaladaas adagna awgeed waxay kuqasbtay ciidankii amniga inay is waydiiyeen: war toloow colkan waraf ma lagu dayay: markii xoogaa rasaas ahna lagu dayay colkan waxay keentay in maalintaas wixii kadanbeeyay Beesha Jabuuti ay soo dhaafiwaayeen xuduudka Jabuuti oo laga nastay buuqoodii ilaa uu yimid Wasiir ku-sheega Arrimaha Gudaha oo damaanad qaaday amnigooda isla markaana ku soo qaaday baabuurtii dawlada si ay amni u dareemaan!

Teeda kale waxaa ayaan darro weyn ah in Wasiirkaas soo dhaweeyay Beesha Jabuuti ee isaga awgii ay Saylac ugu soo noqdeen luguna siiyay baryadiisii badnaa awgeed kursiga ku xigeenka Mayorka Saylac ayay abaalkiisii kadhigeen inay ku qos-qoslaan ooy madasha shirka ugaga dareereen isagoo wali hadalkiisii aan dhameysan!  Dhinaca kale hadii aad ka eegto qadiyan Saylac, wuu istaahilaa Wasiirkan in sidaa iyo si kasii xunba loo bahdilo sababtoo ah waa nin aan sheekadan daacad ka aheen oo Beesha Jabuuti aan runta u sheegi Karin (mise sheekadu waa ilka-yaxaas hoosta ka xidhiidhsan yihiin)!     Haddana Siilaanyo wuxuu soo diray wafdi hore leh (2 Wasiir, Gaashaandhiga iyo Warfaafinta) oo Saylac tagay si u caawiyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isagu xal u waayay qadiyadan.  Beesha Jabuutina hadana waxay la soo shirtagtay oy soo hordhigtay wafdigan cusub in 4 xildhibaan oo cusub loogu daro Beeshooda (si ay maayirka u qaataan)!  Ayaan darro,  wafdigii  Wasiirada SNM-ta ka koobanaa waxaas bay xildhibaanadii Samaroon soo hordhigeen markii taasi ay socon waysayna waxay Wasiiradii isku dayeen inay Jabuuti tagaan taasina waxay ku qaadatay 24 saacadood ku dhawaad oo markii hore xadka ayaa laga soo celiyay markii saacado lagu hayay.  Akhabaartii ugu danbaysayna ee dalka Jabuuti ( 26 January) kasoo baxay wax ay sheegeen in wafdigii 3 wasiir ay hor kacayeen ay ku fashilmeen inay Beesha Jabuuti ku qanciyaan in la’siiyo wax aan maayirka Saylac aheen.  Bal hadaba ila eega sida karaamada ay iskaga qaadeen dawladii ku-sheegii Somaliland oy is hoos dhigeen Beesha Jabuuti.    Anaguna mabruuk ayaan leenahay sida quruxda badan ee Wasiirada SNM-ta loogu abaal guday (bahdilay) iyaga iyo dawlada isku-sheega Hargeysa fadhida. Beesh Jabuutina kibirkeeda halkaa ayay kasii wadi doonaan intii Beesha dhexe ay isku haleynayso ileen waa gardaro garab og.

 Gunaanadkii,  sidaan kor kusoo sheegnay Beesha Jabuuti damac dhulbalaaris ah oo qaawan baa galay taasina waxaa u wehliya kibir iyo dadka talada ka go’do ee beeshaas (dawlada Jabuuti & Ugaaska) oo badankooda uu wacayigooda siyaasadeed uu aad ugu hooseeyo iyo Beesha dhexe oo iyana qadiyan Saylac aan daacad ka aheen xal u raadinteeda.  Labadaa arrimoodna waxay dhaliyeen in Beesha Jabuuti ay noqoto doqontii damac weyni uu galay ee garabka gardaro ahna heshey.  Hadaba, inkastoo dagaal wax lagu dag-daga uunan aheyn, haddana Beesha Jabuuti wanaaga oo dhan waxba ku qaadan waysay oo Beeshu dadkii  nabadoonadka ahaa waxay ka doorbiday inay dhageesato kuweedii xumaan iyo colaad kataliska ahaa,  sidaa awgeed sheekadu waxay u muuqataa inay ka fursandoonin in meel kale oo adag xalka laga raadiyo.   Ugu danbeentii, haddii xaajo halkaa ay iskugu soo biyo shubatay ooy Beesha Jabuuti uqaadatay in nabadu Beesha Samaroon oo kaliya ay dani ugu jirto, markaa xalka kaliya ee inoo hadhay waa ‘war toloow colka waraf ma lagu dayay: oo Beesha jabuuti la xasuusiyo marka uu xalku noqdo luqada qoriga inay Beesha Samaroon sidoo kale taqaan sida wax loogu dabiibo

 Wabilaahi tawfiiq

  A Muuse Muruud

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use