Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xog-waran ka bixiyey qaabkii ay u galeen khilaafkii u dhaxeeyey Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, kaasoo uu sheegay inay u hadhsan yihiin Xaal-xaal, hase yeeshee waxa uu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici uu shuruud ku xidhay shaqo tagiisa.
Guddoomiyaha Golaha wakiillada Md Cabdiraxmaan Cirro oo ka mid ahaa Guddidii isku Xil-qaantay dhex-dhexaadinta Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa,oo waraysi gaara siiyey Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv, ayaa cadeeyey inay ku guulaysteen khilaafadkii u dhaxeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxaanu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici uu ka balan-qaaday inuu dib ugu soo laabto Shaqadiisii, kadib markii uu mudo Shan maalmood ah aanu Xafiiskiisa u shaqo tegin khilaafkaas awgii.
A"Markii aanu arrintaas galnay waxaanu waraysiyo la yeelanay dhinacyadii uu khilaafku u dhaxeeyey oo ahaa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Ku Ā–xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, arrintuna waxa ay ahayd oo kaliya hawlaha qaranka.
Arrintaas dhex-dhexaadinta waxaanu ku galnay aniga oo ah Guddoomiyaha Wakiillada, Guddoomiye ku-xigeenka Wakiillada, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Nin kale oo Masuul ah. Madaxweynaha iyo ku-xigeenkaba waanu u mahadnaqaynaa, markaanu wareysanay waxaanu isla garanay in wixii jira la soo afjaro, hawlaha qaranku ay socdaan. Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkuba hawshaas way naga aqbaleen, shalay ayuu Madaxweyne ku-xigeenkuna shaqadii si caadi ah u bilaabay, waxaanu ku kalsoonahay in hawshaasi ay soo afjarantay, haddii baahi kale timaadana diyaar baanu u nahay.Ā” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Dhinaca kale, Ilo xogogaal ah oo si qoto dheer ula socday isu soo dhawaynta ay wadeen Xubnaha Guddida isku xil-qaantay soo afjarida khilaafka u dhaxeeyey Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, ayaa tibaaxay in Madaxweyne ku xigeenku uu ogolaaday soo afjarida khilaafka, hase yeeshee uu dalbaday in Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan loo bedelo Wasaarad kale, kaasoo uu Madaxweyne ku xigeenku tilmaamay inaanu la shaqayn karayn.