Dedaalkii wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ugu jiray qancinta beesha Ciise ee ka biyadiiday doorashadii degaanka ee dalka ka dhacday bil ka hor ayaa umuuqda mid burburay kadib markii ay beesha Ciise diiday sida wasiirka arimaha gudaha Somaliland sheegay inay qaadato kursiga maayar ku xigeenka degmada Saylac iyaga oo shuruud adag ku xidhay qaadashada kursigan, shuruudaas oo ah in horta xukumada Somaliland kor uqaado derajada degmada Saylac si loo kordhiyo xildhibaanada golaha degaanka Sayac.
Hadaba waxa la sheegayaa in ergada beesha Ciise uga qaybgashay wada hadalka arinta Saylac ay wali taaganyihiin halkii ay taagnaayeen maalinkii wada hadaladu bilaabmeen taas oo ah in derajada degmanimo ee Degmada Saylac kor loo qaado isla markaana xildhibaanada golaha degaanka loogu kordhiyo beesha Ciise sadex xildhibaan oo ah magdhawgii dadkii kaga dhintay beesha rabshadihii ka dhacay Saylac ee ay arinta doorashadu sobobta u ahayd.
Dhanka kale Shuruudan beesha Ciise la shirtimiday oo uu wasiir Duur galin ka warwareegay inuu usoo bandhigo beelaha Gadabuursi balse uu ugu danbayntii usoo bandhigay xildhibaanada iyo odayaasha beelaha Gadabuursi ee iyaguna ka socda dhinaca beesha aqlabiyada xildhibaanada haysata ayaa noqotay mid iyaguna ay ganafka ku dhufteen.
Diidmadaas ay iyagun diideen beelaha Gadabuursi shuruuda beesha Ciise ayaa iyadna sida la sheegay noqotay mid uu wasiirka arimaha gudaha Somaliland ka garaabay maadaaba uu kolka hore beelaha Gadabuursi ku qanciyay in ay kursiga Maayar ku xigeenka u baneeyaan beesha Ciise isaga oo dhinaca kalana sida laga soo wariyay damaca beesha Ciise ku sifeeyay arin udhaw (Abeeso Far Loo Taagay Fanaxay U Boodaa)
Shuruudan beesha Ciise ayaa hadii ay u meelmari lahayd u fududayn lahayd inay marlabaad si fudud ku soo dhacsadaan kursiga maayarka degmada Saylac taas oo ay ku heli karaan kala iibsasho ay kala iibsadaan xildhibaanada Gadabuursi oo imikaba lagu kala furfuray dhaqaale. Wallow ay xildhibaanada Gadabuursi ku andacoonayaan inay baad iyo nabad jacal ku bixiyeen wixii ay xaqa u lahaayeen.
Sidoo kale qaar kamida madaxda Xukumada Djibouti ayaa iyagana la sheegay in ay wada hadalada Saylac ka socda dusha ka hagayaan kuwaas oo dhaqaale iyo arinba la garabtaagan ergada beesha Ciise uga qayb galaysa wada hadalada arimaha Saylac ku saabsan, iyada oo dhanka kalana aan wali la garanayn dhinaca ay beesha Ciise uga wareegi doonto shuruuda gidaarka ah ee ay hirdiday oo ah mid aanay xukumada Somaliland wakhtigan awood u lahayn inay fuliso xataa haday jeclaan lahayd in beesha Ciise loo yeelo sida ay rabto.
Dhinaca beelaha Gadabuursi ayaa waxa iyagana lasoo dersay niyad jab wayn oo kaga yimiday kala furfurka la kala furfiray xildhibaanadii aqlabiyada ku faanayay oo noqday kuwo ay ka xoog badatay baahida ay u qabaan inay helaan dhaqaale taas oo sobobi karta in hadii arinta Saylac xataa ku dhamaato in Ciise wakhtigan aqbalo in ay maayar ku xigeenka qaataan inay hadana ku iibsan karaan xildhibaanada beelaha Gadabuursi dhaqaale laga keeno dhinaca Djibouti taas oo keeni doonta in ay si dhibyar Xildhibaanad G/dabuursi farta ugu taagaan uguna codeeyaan maayar Ciisa ah iyaga oo aanay cidba cadaadis saarin.
Wararkan ayaa gabi ahaanba sida ay usocdaan ceeb ku ah dadka reer Awdal oo badhkood ku waayeen caruurtoodi markii uu socday kacdoonkii Saylac oo imika umuuqda mid dad badani is weydiinayaan wixii laga mormayay waxa uu ahaa maadaaba ay aqlabiyadii shaqayn wayday oo ay xildhibaanadiina aqbaleen in ay ku gorgortamaan kuraastoodii halka beesha Ciisana ay taagan tahay sida wasiir duur laga soo wariyay “Abeeso Far Loo Taagay Fanaxay U Boodaa”
Waxana ceebta uweyn ee arintani dusha ku qaadanaya siyaasiyiinta reer Awdal kaga jira xukumada Somaliland oo iyagu marna shacbka usoo kaxaysta askar gummaada marna gorgortan ka gala wixii caruurtooda lagu laayay iyada oo sidii warar hore aan ku baahinayna ay qaar kamida siyaasiyiinta reer Awdal lahaayeen qorshaha wasiir Duur la tagay degmada Saylac.
Quljeednet.com Borama SL