|

Home Contact Us About US
28-12-2012
Cali Xaamud Oo Lasheegay Inuu Ka Hadlay Sobobta Ay Utageen Saylac
Geestiir.com) Cali Xaamud Oo Beeniyay In Wafdiga Xukuumada Ka Socdaa Saylac U Tagay Wax Dhaafsan Walaalayn Iyo Dhisme Dawlad-degaan
Saylac-(Geestiir)-Waxa goor dhawayd gaadhay magaalada Saylac ee wafdi ka kooban 7 xubnood oo isugu wasiiro iyo xildhibaano guurtida ah, isla markaana uu hogaaminayo Wasiirka W/Warshadaha Somaliland Mud. Cabdirisaaq Cali Cismaan, kuwaasi oo degmada Saylac u yimid si ay xiisadeeda dhinaca natiijadii doorashada ahayd meel u saran.
Wasiirku xigeenka Waxbarashada Mud. Cali Xaamud Jibriil oo ay saxaafadu wax ka waydiisay ujeedada safarkooda ayaa ku tilmaamay u-kuurgalida xaalada degmada Saylac ee dhinacyada nolosha, iyo siyaasada.
Wasiirku xigeenku waxa uu sheegay inay saylac u yimaadeen inay la kulmaan xildhibaanada Walaalaha ah waa sida uu hadalka u dhigayo’e ee isku maandhaafay doorashadii Saylac “ Waxaan u nimid inaan walaalayno, Saylacna laga dhiso dawlad degaan oo wada jir ah oo loo dhan yahay ayuu yidhi
Wasiir ku xigeenku waxa uu waxba kama jiraan iyo borobugaad ku tilmaamay wararka sheegay in wafdigani Saylac u tagayo inay kala furfuran 10ka xildhibaan ee degmadaasi dhawaan ku doortay Maayarka iyo ku xigeenka waxana uu yidhi “ waxaasi waa wararkii suuqa, waxba kama jiraan, waxa aan qabanayno oo dhan saxaafada ayay u muuqan doonaan, bari ayaan u wada joognaa sidii arintan loo dhamayn lahaa, waan dhaarinaynaa xildhibaanada, waanay dooranayaan hogaanka ay iyagu isku raacaan.
Xigasho Geestiir.com
|