|
26-01-20112
War Deg-Deg ah: Dagaal Ka Socda Deegaanka Buuhoodle Iyo Ciidanaka Qaranka SL Oo Hore U Ruqaansaday
Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidmada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyo Beeleedka Deegaanka Buuhoodle ayaa galabta Ka bilaabmay Deegaananada Shangale iyo Sool joogto kuwaasi oo ay si weyn fooda isugu dareen labada dhinac.
Dagaalkani ayaa wararku sheegayaan inuu ku bilaabmay adeegsiga hub culculus gaar ahaan madaafiic iyo sawaariikh dhaadheer taasina oo keenatay in ciidmada Qaranka Simaliland ay Ku Ruqaanasadeen faramihii Dagaalka kuwaasi oo hatanani ku suagan meel u jirta wax ka yar 5kiloo Mitir.
Ilaa haatan lama Oga Khasaaraha Dhabta ee ka Dhshay dagaalkaasi balse wararka Ka imanaya deaagnaakasi ayaa sheegay in dhaawacyo iyo khasaarayaal ka dhashay dagaalkaasi la geeyay magaalada Buuhoodle oo xiligani xaaladeedu kacsantahay.
Ugu Danbayntiina Dagaalkani ayaa Ku Soo Beegmaya xili maanta ay magaalada Buuhoodle soo gaadheen qaar ka tirsan hogaanka sare ee maamul beeleedka Dhawaan lagu
dhawaaqay ee Khaatumo.
|